News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 1 hour 1 min ago

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Taliye ku Xigeenka cusub ee Ciidanka darawiishta Puntland

Wed, 04/18/2018 - 21:45

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa axaa uu magacaabay taliye kuxigeenka ciidanka Darawiishta Puntland waxaan uu u magacaabay Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) oo lagu badelay taliye ku xigeenkii hore Dayr Xaaji Cabdi oo isagu xilka iska casilay maalmo ka hor. Taliye ku Xigeenka cusub ee Ciidanka darawiishta Puntland Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) ayaa waxaa uu horay uga tirsanaan jiray iidanka darawiishta dowladda Puntland.

Hoos ka Akhriso wareegto uu Madaxweyne Gaas ku magacaabay Taliye ku Xigeenka cusub ee Ciidanka darawiishta Puntland 

[See image gallery at halgan.net]

M_M_Deeq
Halgan.net

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.[Cod/Masawiro]

Wed, 04/18/2018 - 14:26

Boosaaaso:-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Dimoqraadiga ee Soomaaliya, ayaa kaga dhawaaqay magaalada Bosaso in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka. Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.

Musharaxu waxa sidoo kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan. Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqadda Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

[See image gallery at halgan.net]

 

Hoos ka Dhagayso khudbada Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

DHAMMAAD

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay bandhig heesood lagu qabanayo Muqdisho.[Video]

Wed, 04/18/2018 - 13:25

Muqdisho:-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay digniin ka soo saaray Bandhig Faneedyo la donayo in dhawaan lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh. Bashiir Axmed Salaad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay Bandhig faneed isagoo Sheekhu uu tilmaamay in arrinkas uu yahay mi shareecadeenu xarimtay waxaa uu ugu baaqay da’yarta in aysan ka qab gelin bandhi faneedkaan xaaranta ah

Hoos ka Daawo Shirka jaraa’id Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha JFS Farmaajo oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad (Masawiro)

Tue, 04/17/2018 - 21:47

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

[See image gallery at halgan.net]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay Wasaradda Gaashaandhigga oo u saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.

Sonna Somalia
Halgan.net

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo biloowday Tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga.[Masawiro]

Tue, 04/17/2018 - 17:16

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta biloowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka. Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka.

“Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo furay tababarka ayaa yiri “Kulankan tababarka ah waa mid muhiim u ah dhameeystirka Dastuurka maadaama dadkii Dastuurka bari lahaa shacabka ay halkan ku tababaranayaan; Wasaaradda waxaa ka go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo illaa tuullooyinka, sidaa awgeed ayaan tababarkan iyo tababaro kale ugu qaban doonnaa gobolada dalka”.

[See image gallery at halgan.net]

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen.

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas oo waraysi siyey Idaacadda VOA.[Dhagayso]

Tue, 04/17/2018 - 13:51

Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaas oo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.

Madaxweyne Abdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.

Hoos ka Dhagayso Falastin Ahmed Iman oo wreystay madaxweyn Abdiwali Ali Gaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxweyne Gaas ”Puntland ma jirto cid kale oo ay ku bedelanayso taageerada dowladda Imaaraadka Carabta.”[Dhagayso]

Mon, 04/16/2018 - 12:02

Boosaaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka waxaa uu booqasho ku tegay Saldhiga ciidamada badda Puntland PMPF ay ku leeyihin duleedka magaalada Boosaaso waxaan uu salaam Sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland PMPF, Madaxweyne Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Xidhibaan ka tirsan 2-da gole ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga ciidanka badda Puntland PMPF ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka carabta uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo xiriirkaas , Madaxweyne Gaas ayaa xusay in Puntland ay dowladda Imaaraadka taageeradeeda aysan ka maarmin cid kale oo ay ku doorsanaysan aysan jirin waxaan uu sheegay in ciidamo gaaray 2000 oo askari oo ka howl gala xeebaha Puntland ay imaaradka siiyaan tababar iyo Agab ciidan oo casri taas oo sabab u noqotay in la wiiqo awoodii koooxha xagjirka ah ee Daaicsh , Al-shabaab iyo weliba kooxaha Burcadbadaadka ah oo dhib badan ku hayey xeebaha Puntland.

Dhinac kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beenieye warar maalmihii danbe ay qoreen saxaafadda soomaalida oo sheegay in tababarayaal ka tirsan dalka Imaaraadka ay ka baxeen Puntland isagoo ugu baaqay saxaafadda in ay ka fiirsadaan wararka ay baahinayaan isagoona si gaar ah u xusay idaacadda VOA waxan uu ku celiyey codsina u jeediyeydowladda Imaaradka carabta in ay sii kordhiyaan tababarka iyo agabka ay siiyaan ciidamada badda Puntland PMPF.

Hoos ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu saaka ku qabtay Saldhiga ciidanka badda PMPF ay ku leeyihiin duleedka Boosaaso

Halkaan ka Dhagayso Mp3
 

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkii Shirkii Jaamacadda Carabta ee Dahraan

Mon, 04/16/2018 - 12:01

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha kale ee ka hadlay shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so

Afhayeenkii Shuurada Xisbul Islaam Ismail Cadow oo caawa lagu dilay Muqdisho

Sun, 04/15/2018 - 23:54

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa caawa koox hubaysan ay ku dishay xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow oo 2 sano ee ugu danbeeyey ku noolaa magaalada Muqdisho, Sh Ismail Cadow ayaa ahaa garabkii Maxkamada islaamiga ee xarunta ka dhigtay magaalada Asmara waxaa ay aad iskugu dhawaayeen Sh Xasaan Daahir Aweys inta uusan ku biirin Ururka Al-shabaab.

Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow ayaa waxaa uu ahaa ragga fara ku tiriska ah ee aan ku biirin ururka Al-shabaab ka dib markii Madaxda ururka Xisbul Islaam ay ku bireen ururka Al-shabaab waxaa uu ahaa Madaxdii ururka Xisbul Islaam ee uu dagaalka ku qabsaday Kismaayo xili ay doonayeen in ay qaboojiyaan dagaalkii dhex maray Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariistee Sh Ismail Cadow ayaa waxaa Khadiib iyo Imaamba ka ahaa maalmihii danbe masjidkii Muuse Boqor, dilka Sh Ismail Cadow ayaa dhacay ka dib markii gaari uu watay uu dhigtay Geerisk ka dibna uu u soo lugeeyey Xaafadiis ayaa dhagarqabayaal dileen ka dibna ay goobta ka baxsadeen. Sh Ismail Cadow ayaa waxaa kale oo salaadii Makhrib uu dadka ku tujiyey Hotel Ramadaan

Wixii ka soo kordha dilka Afhayeenka shuurada Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow dib Ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan.[Masawiro]

Sun, 04/15/2018 - 23:23

Carmo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 April 2018 waxaa uu ka qaybgalay caano shubka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa uu kaga qayb gelayo Caanashubka Beeldeejaaha Beesha Cali Saleebaan waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabada Caleemosaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi ayaa waxaa uu yiri

“Waxaan u ducaynayaa una hambalyeynayaa beeldaajaha iyo beesha Cali Saleebaan gaar ahaan gudigigii xafladda caana shubka, si qurux badan ayaa xafladda ugu faro yaraysateen waan idiin ducaynayaa waxaad gaarsiiseen heer sare, waa inaad adeecdaan beeldaajaha oo aad si fiican ugu dhago nuglaataan, beeldaaje Maxamed waa nin ku filan howsha loo idmaday cilmi, caqli, iyo darajo intaba ugu filan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadii caasno shubka ayaa waxaa uu Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi ugu hambalyeeyey golaha dhaqanka ee uu maanta kusoo biiray islamar’ahaantaana wuxuu madaxweynuhu Beeldaajaha Allaah uga baryey in uu fududeeyo hawsha adag ee hortaala.

” sharaf weyn bay ii tahay in aan kasoo qaybgalo xafladaan quruxda badan ee lagu caleemo saarayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Cabdulaahi iyo intii soo qaban qaabisay, sidoom kale intii soo qaban qaabisay aad bay u mahadsan yihiin iyo intiina ka soo qayb gashay oo ay ugu horeeyaan intii meelaha fogfog ka timid, waxbadan bay muujinasaa munaasabadaan anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan rabaa in aan idinku soo dhaweeyo Puntland oo nabad ah, Puntland oo hooyadii Soomaaliyeed ah, Puntland oo idin jecel ku soo dhawaada dhammaantiin, waxaan leeyahay xilka laguu doortay Alle hakuu fududeeyo Alle Hakugu dhowro, beeshaan waa beel weyn oo ka tirsan Puntland magac, maamuus, wanaag iyo sharafna ku dhex leh Puntland, waxaan leeyahay marka Beeldaaje waxaa lagaa rabaa in aad wakhtiga nabadda nabad ku hogaamisid beesha, wakhtiga colaaddana nabad ku hogaamisid beesha anana waan kugu taageereynaa, waxaan rabnaa nabada inaad ka bilowdo xunbays iyo rako sigaara ayey kuu sugaysaa wakhti adagna waad ku soo aaday, waan u mahad naqayaa isimadayada xaalad adag bay ku shaqeeyaan duruuf adag bay ku shaqeeyaan wanaaga iyo nabada ka jirtana ma aysan jirteen haddaan isimadaan la helin, laakiin waxaan kuu balanqaadaynaa in dawladda Puntland ku garab istaagto kulana shaqayso, Beesha Cali Saleebaan waxaan leeyahay waxaaad hesheen Beeldaaje dhalinyaro ah, aqoon yahan ah, golo joog leh, waxaa la idinka rabaa marka in aad si wanaagsan ula shaqaysaan.

[See image gallery at halgan.net]

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caleemasaarka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaah kadib waxaa uu gaadhay xarunta Ganacsiga Dawladda Puntland ee Boosaaso, halkaas oo uu ku sugnaan doonaa maalmaaha fooda inagu soo haya.

DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Xafladii caleema saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari.[ Video]

Sun, 04/15/2018 - 18:52

Carmo:-Waxaa maanta ka dhacday degmada Carmo ee Gobolka Bari xaflada caleesaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa waxaa ka soo qayb galay Issimo , Cuqaal , nabadoon ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya , waxaan xafladu ahayd mid aad loo soo agaasimay , Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa ka ah nin dhalinyaro ah oo ku soo biiray Issimad Punbtland waxaa caleema saarkiisa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland , ku xigeenkiisa iyo weliba madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo qaabka ay u dhacday xaflada caleema saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari

M_M_Deeq
Halgan.net

Fariin qalbiga ka soo go’day oo ku socota dad aan Allaah dartiis u jeclahay Sh. Xambali

Sun, 04/15/2018 - 18:45
الحمد لله رب العالمين ،  والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين ، وعلى آله وصحبه أجمعين *Intaa dabadeed:*   Awoodda Allaah, waafajintiisa iyo baristii uu aadanaha baray wax aanay hore u aqoon, ayaan waxaan erayadan aan soo wado ku dhex qoray, anigoo dul heehaabaya cirka iyo dhulka dhexdooda, saaranna diyaarad norwiijiyaan ah oo ku sii jeeda caasimada dalka Denmark ee Copenhagan.   Allaah fadligiis ayaan waxaan ka qeybgalay kulankii dacwo, kaasoo cinwaankiisu ahaa *”Sahay qaado inta aadan safrin”*  kaasoo loogu talo galay ehelkeyga iyo saaxiibadayda aan jeclahay ee reer Helsinki. Waxaa kulankaas qorsheysnaa in uu igala qaybqaato sheekheena  aan aadka u jecelnahay, mufakirkeena saxwada islaamiga ah sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Allaha noo dhowree; laakiin xag Allaah lagama qorin inaan kulankaas isla wada joogno, kadib markii uu sheekhu soo gudbiyay cudurdaar gaar ah iyo mid guud ahaaneedba, Allaah waxaan ka baryaynaa in uu sheekheena u fududeeyo wadooyonka  kheyrka meel kasta oo uu joogaba.    *Sababtii booqashadan*    Waxaa ila soo xiriirey walaal Bashiir Cabdiqani oo ah madaxa maamulka markazka islaamiga ah ee Helsinki – Finland. Waxyaabihii   laabteyda qaboojiyay, farxad darteedna uu qalbigeygu ku sigtay inuu dibaddaba u soo baxo, waxaa ka mid ahaa: markii la ii sheegay in kulankaas dacwada uu igala qeybqaadanayo Sh. Mustafe  Xaaji Ismaaciil, ma ahan arinku in aan jeclahay ka qeybgalka shirarka iyo nadwooyinka, ee arinku waxaa weeye inaan jeclahay la socodka iyo la joogista culimada, laakiin farxaddaasi ma aanay sii socon, kadib markii uu mas’uulka maamulka markazka, oo waliba xilligaas howlo dacwo ah u joogay ingiriiska uu ila soo hadlay, oo ii sheegay warka ku saabsan ka cudurdaarashada sheekha inuusan kulanka imaanaynin, waxaan markiiba bilaabay istirjaac iyo Alla u noqosho (walaa xawla walaa quwata illaa billaahi), waanan isa sabirsiiyay, waxaanan arinkaas u niyaystay in Allaah uu ajar iyo dambi dhaaf noogu bedelo. Inkastoo ay mururgo  iyo niyad-jab igu habsadeen, laakiin waxaan u hogaansamay xukunka iyo qadarka Allaah oo aan marnaba laga tallaabi karin.    Waxa ugu weyn ee murugada igu beeray, waxaa ay aheyd su’aal aan anigu nafsad ahaanteyda is weydiiyay oo aheyd:” War hogaagee ina Xambaliyoow, maxaad u sheegi doontaa dadweynaha isugu soo baxay in ay dhegeystaan muxaadaraadka Sheekh Mustafe?.  Gacanteyda ayaan kor u qaadi kari waayay, wax kale oo aan magangalo majirin, oo aan ka aheyn talasaarashada Allaah iyo in aan isaga miciin bido, waayo isagaa ayaa igu filan, waana kan ugu wanaagsan cid la talo saarto. Laakiin idinka qarin maayee, aadbaan u baqayay oo u waji gabxayay, Allaah ayaase fadligiisa igu asturay, waxaana uu igu karaameeyay deeqtoonaantiisa iyo towfiiqdiisa, kadib markii aan la imid asbaabtii diyaargarowga oo dhan , oo aan si wanaagsan oo xeeldheer isu diyaariyay haddii ay ahaan lahayd wax akhrin iyo wax dhegeysiba, halkudhigeyguna wuxuu ahaa *“Dhib kasta oo jira waxaa ka dambeyn doona fudeyd”*   Dayuuraddii ayaan ka fuuley garoonka diyaaradaha ee Copenhagan, caasimadda Denmark, waxaan gaaray magaalada Helsinki ee caasimadda Finland galabnimadii Khamiista 5/4/2018, waxaana si aad u wanaagsan iigu soo dhaweeyay garoonka Helsinki akhyaar uu hogaaminayo mas’uulka markazka oo isagu saacado kahor ka yimid safar dacwi ah oo uu ugu maqnaa Ingiriiska, waxaana weheliyay walaalaha kala ah Ismaaciil Muuse Seeraar oo ah xubin ka tirsan shuurada markazka iyo xoghayaha markazka Maxamed Cabsiiye, Allaha ka abaalmariyo dhammaantood wanaagaas ay noo sameeyeen.   Islamarkiiba waxaan tagnay xaruntii markazka, halkaasoo aan ku tukanay salaaddii maqrib, waxaanan dadkii salaadda soo tukaday u jeediyay waano kooban oo ku saabsan suuradda “Al-casri”. Waxaan aad ula dhacay iigana cajabiyay, arin aan marnaba qalbigeyga ku soo dhicin oo aheyd, in walaalihii halkaas joogay oo isugu jiray xubnihii maamulka idaarada, shuurada iyo culimadii markazkaba ay dhammaantood joogay markazka si ay ii soo dhaweeyaan, taasoo igu beertay farxad iyo reyn-reyn aan la soo koobi karin, oo aan run ahaantii dareemay sidii anigoo dhexjooga ehelkeyga iyo walaalahay oo kale.   Kadib waxaa ay ii soo bandhigeen barnaamijkii kulanka iyo muxaadaraadka uu ka koobnaan doono, sidoo kale booqashooyinka maraakizta kale aan ku tagi doono, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah.    *Waxyaabaha ay reer Helsinki kaga duwan yihiin dadka kale*   – Martigelinta wanaagsan iyo soo dhoweynta heerka sare ah ee martida ay siiyaan,   – Imaanshaha iyo sida ay muxaadaraadka u yimaadaan, sida wanaagsan ee ay culimada u dhegeystaan (kaasoo ah mid ku dhisan daal iyo caajis la’aanba) , gaar ahaan dumarka.   – Quruxda qolka fadhiga ee martida loogu talagalay, oo ah mid aad i cajab geliyay oo uu yaallo fadhi aad u raaxo badan.  – Nidaamka maamulka oo ah mid aan aad ula dhacay, gaar ahaan xagga nidaaminta waqtiga oo wax walba sidii loogu talagalay ay u dhacaan, iyadoo wax dib dhac ama hormaris ah aanu jirin.  
– Ruux aad u sarreysa oo dhanka dacwada ah.   – Waxaa laabteydu ay ku diirsatay deeqsinimada ay ku sifeysan yihiin, waana kuwo ku dheereeya xagga ururinta tabarucaadka, haddii ay ahaan laheyd mashaariicda dacwiga ah ee gudaha iyo kuwa dibadaba, waxaan Allaah ka baryayaa in uu ka aqbalo kheyrkaas ay la baxayaan, Allaahna uu u fududeeyo ururinta tabarucaadka ee mashruuca ballaarinta masjidka ee ay haatan wadaan, iyagoo iibsaday qaaco weyn oo ku dhagan halka uu masaajidku ku yaallo haatan, waxaana wixii hadda ka dambeeya uu markazka Helsinki ee islaamiga ah uu noqonayaa markazka labaad ee ugu weyn wadamada waqooyiga yurub, kaasoo xagga weynaanta ku soo xiga markazka Sunna islaamic center ee magaalada Gottenberg – Swedan.    Waxaana Allaah uu i wafaajiyay in aan halkaas ka soo jeediyo muxaadaraad khuseeya jaaliyada soomaaliyeed, iyadoo halkudhiga kulankuna uu ahaa: “ Sahay dhigo inta aadan safrin”, waxaana ka mid ahaa muxaadaraadkii aan soo jeediyay:-    1- Isdultaag ku saabsan suuradda Al-casri   2- War hooy salaadda ilaaliya   3- Muhiimadda qoraalka iyo wax akhriska   4- Calaamadaha jaceylka Allaah   5- Maareeynta waqtiga   6- Waxyaabaha kugu kaalmeynaya sugnaanta, xilliga fitanka.    Xilligii saddexda galabnimo ayaan waxaan ka soo baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Helsinki, anigoo ku soo Jeeda dalka Denmark, iyadoo ay walaalaha maamulku si wanaagsan oo diirran ay ii soo dhaweeyeen, Allaah waxaan ka baryaynaa inuu ka abaalmariyo wanaagaas ay ii sameeyeen.    Guntii iyo gabagabadii: Waxaan si gaar ahaaneed mahad ballaaran oo ku dheehan wanaag oo dhan ugu soo jeedinayaa walaalaha maamulka markazka, iyo reer Helsinki si guud ahaaneedba, soo dhaweyntii wanaagsaneyd iyo martigelintii qiimaha lahayd ee ay ii sameeyeen.

Waxaan idiinkaga tagayaa ilaalinta iyo xifdinta Allaah subxaanahu watacaalaa.

Waa walaalkiin aad idiin jecel / Cabdullaahi Sh. Xambali  oo idiinka soo diray farriintaan kurisga diyaaradii aan saarnaa ee dhex heehaabeysa samada u dhxeysa Finland iyo Denmark.

W/Q Sh Cabdullaahi Sh. Xambali  09.04.2018
Halgan.net

Nadwo diini ah oo lagu soo gaba gabeeyay Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso.[Masawiro]

Sat, 04/14/2018 - 21:26

Boosaaso:-Nadwadaan oo ahayd tii 16aad ee sanadwalba lagu qabto Masjidka Al-Rowda Bosaaso ayaa gashay habeenkii 6aad ahna habeenkii ugu danbeeyay waxaana inta aan la gaarin Xaflada Xiritaanka Nadwada Darsi Halku dhigiisu yahay.[Mas’uuliyada Xukumada ka saaran ka hortaga Musuq’maasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Wadanka] soo Jeedshay Sh. Maxamuud Xaaji Yusuf oo ka mid ah Culimada Fara ku tiriskaa ee waxbadan ka qoray Soomaaliya iyo Heerarka uu gaaray Musuqu isla markaana wax badan ka jeedshay gooba kala duwan Talooyin ku saabsan siddii looga hortagi lahaa Musuq’masuqa.

Sheekha ayaa soo bandhigay heerarka ay Somali ka gashay liiska musuqmaasuqa aduunka in ay tahay meelaha ugu sareeya musuqa waxaana Sheekhu tilmaamay sababaha keenay in Soomaali ay noqoto meel ku caanbaxday musuq’maasuqa waxaa kow ka ah in aysan Soomali lahayn xeer ciqaabeed ku saabsan musuqa qofkii lagu helo iyo ciqaabta uu mudanayo taas markii la waayayna ay bulshadu gaartay in jaantaa rogan wax walba noqdaan.

Ugu danbayn sheekha ayaa soo jeedshay talooyin dhowr ah waxaana ka mid ahaa:-

(1) Ku dhaqanka Shareecada Islaamka Maadaama ay ugu horeesay cid walba oo ka hortagtay Musuqa.

(2) In lasameeyo hay’ad madaxbanaan oo ladagaalanka musuqa ah.

(3) In lasameeyo Xeer qeexaya Ciqaabta uu mudanayo Qofkii lagu helo musuq midyar iyo Midwayn,

(4) Qofka Mas’uuliyada loo dhiibayo oo loo doorto qof diin iyo Amaano leh.

Intaas ka dib waxaa lagalay hadaladii Xiritaanka Nadwada waxaana goobta ka hadlay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Culimada diinta Madaxda dhaqanka Mas’uuliyiin kasoctay Wasaarada Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta Maamulka Mu’asasda Al-Minhaaj Gobolka Bari waxayna dhamaan mas’uliyiintii goobta kadashay soodhaweeyeen Nadwadaan iyo In ay kusoo beegantay Xili Baahi wayn loo qabay sidii loo helilahaa dad kasoobaxa Mas’uuliyada guud iyo gaar ahaanba.

[See image gallery at halgan.net]

Gabagabadii waxaa goobta laga akhriyay bayaan Culimadu ay ka soo saareen Nadwadii Mudada lixda habeen ah ka socotay Masjidka Al-Rowda Bosaaso bayaanka ayaa loo diray guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Nuur Jaamac Aadan
Boosaaso,Halgan,net

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Maanta Gaarey Degmada Carmo.[Masawiro]

Sat, 04/14/2018 - 20:04

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 April 2018 waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dagamada Carmo ee gobolka Barri, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono caanashubka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar kamida Goloyaasha Dawladda Puntland, Isimo iyo qaybaha kal duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uusan u gudbin hoyga uu ka sugnaan doono maalamaha uu ku sugan yahay Degmada Carmo ayaa waxa uu Booqasho iyo salaan ugu tagey Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi isagoona Madaxweynuhu u hambalyeeyey Beeldaajaha islamarkaana Allaah ugu barya inuu u fududeeyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Dhinaca kale Caanashubka Beeldaajaha Guud ee Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi ayaa waxaa uu dhici doonaa maalinta berrito ah  ee taariikhdu tahay 15 April 2018, iayadoona ay si weyn uga soo qayb gali doonaan madax dhaqameedyada Soomaaliyeed oo isaga kala yimi guud ahaan Gobolada Soomaalidu degto.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dagmada Carmo ee Gobolka uu ku sugnaan doonaa tan iyo maalinimada berrito ah oo lasoo gebegebayn doono caanashubka Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi.

[See image gallery at halgan.net]

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta

Sat, 04/14/2018 - 20:03

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo Khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir

Maxamuud Bashiir Jaamac 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so

Habeenkii 5aad Nadwo cilmiyeed ka socota masjidka Al-Rowada ee Boosaaso (Masawiro)

Fri, 04/13/2018 - 20:34

Boosaaso:-Nadwadii 16aad oo xiriir ah ayaa kasocota Masjidka Al-Rowda Bosaso Waxayna gashay habeenkii 5aad waxaana caawa  darsiga ku qoranaa Sh C/naasir Xaaji Axmed waxaana sheekhu halku dhig Uga dhigay (Dowrka Qabiilku Kuleeyahay Dhisma Bulshada) Sheekha ayaa ugu horaynba waxaa uu kahadlay Farqiga u dhaxeeya Qabyaalada Iyo Qabiilka waxaana sheekhu sheegay in Qabiilku uu yahay mid Allah Bulshadiisa u abuuray  Ayna tahay sababtu In Laysku garto Islamarkaana Lagu Xiriiriyo Qaraabada .

Sh C/naasir oo Kamid ah Culimada lagu yaqaan in uusan runta  kagaban ayaa kadigay habka soomaalidu u xaqirto qabiilada kale iyaga oo ku doodayan faan iyo waxaan Kitaabka Allah meelna kaga oolin.

Sheekha ayaa dhanka kale waxaa uu ku tilmaamay wax laga Xumaado Islamarkaana ah dulmi iyo gabood fal habka soomaalidu Magta uduudsiiso Agoonta aabahood ladilay loona qaybsado magdheer/Jifo/Rafiso iyo wax shaydaan Xariiqay iyadoo dhinac lays kaga Tuuray  Kitaabkii Allah Iyo Sunadii Nabigeena Muxamad Sallalaahu Calayhi Wasalam.

Ugu danbayn Sheekha ayaa kudardaarmay Midnimo Soomaali Nimo Waxaana uu ka sheekeeyay Barisamaadkii iyo dowrkii soomaalidu ku laheed Caalam isagoo tilmaamay in somalidu ahayd dad qabwayn islamarkaana is Xiriirisa .

Ugu Danbayntii waxaa Lagalay qaybtii Su’aalaha ee dadweynuhu soowaydiiyeen Culimada waxaana caawa kajawaabay

[See image gallery at halgan.net]
  • Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
  • Sh Axmed Daahir Xasan
  • Sh Maxamed Macalin Axmed
  • Sh C/raxmaan Bukhaari

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj

Habeenkii 4aad Nadwo kasocota Masjidka Wayn Ee Al-Rowda ee magaalada Bosaaso

Fri, 04/13/2018 - 14:58

Boosaaso:-Waxaa habeenkii 4aad oo Xirirah ka socota Masjidka Alrowda Bosaso nadwadii 16 ee Sanad walba ka dhici jirtay Magaalada Bosaaso waxaana sanadkaan kasoo qayb galay Culimada Soomaaliyeed Qayba kamid ah waxaana sanadkaan halku dhig looga dhigay Hagaajinta Bulshada Waa Shaqo Wadareed oo ah mid kadhaxaysa guud ahaan bulshada sida Dowlada /ShacabkA Qaybihiisa kala duwan waana tan kaliya ee lagu gaarikaro guul aakhiro iyo aduun.

Waxaana caawa darsi xanbaarsan ama gundhig u ah halkudhigii guud ee nadwada soojeedshay Sh Maxamed Cusmaan Calasow waxaana sheekhu qaadaadhigay (Ilaalinta Caqiida Waa Masuuliyad Lawadaago) waxaana sheekhu ku dheeraaday baahida maantay loo qabo sidii loo difaaci lahaa Shareecada islaamka Maadaama maantay dhinacyo badan looga sooduulay ayna ugu daran tahay kuwa diinta ka baxay oo hunguri qaaday kuwaas oo ugalay Kirishtanka.
Intaas kadib waxaa lagalay qaybtii Su’aalaha iyo jawaabah waxaana Caawa bulshada jawaab waafi ah kasiiyay guud ahaan su’aalihii dadwaynahu soo waydiiyeen Culimada kala ah.

[See image gallery at halgan.net]

(1) .Sh Dr Xasan Sh Cali warsame
(2) Sh Axmed Dahir Xasan Aw Xuseen
(3) Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf .
(4) Sh Maxamed Macalin Axmed
Dhamaan Muxaadaraadka laga jeediyey Nadwada ka socta Masjidka Al-Rowada waxaad ka daawan kartaa mareegaha kala ah www.Halgan.net iyo Www.Alminhaaj.com

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj

Ogeysiis iyo Cudurdaar ku socda Akhristayaasha Halgan.net

Thu, 04/12/2018 - 19:07

Boosaaso:-Dhamaan Akhristayaasha Halgan.net ee qiimaha badan waxaana ka cudurdaaraneynaa in aan si live ah ku soo gudbino Nadwo Cilmiyeedka si habsamida leh uga socota magaalada Boosaaso gaar ahaan Masjidka Al-Rowada ka dib markii walaalaha soo gudbinaya ay xalin kari waayeen cilada dhanka codka ah ee ku timid Live-socday

Waxaan mar labaad si gaara ugu mahad celineynaa dhamaan walaalaha kala jooga dunida daafaheeda iyo culumada nala soo xiriirtay ee daneynayey in ay Nadwada si Live ula socdaan iyaga oo jooga magaalooyinka kala duwan ee Caalamka

Maamulka Halgan.net
Boosaaso

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.[Masawiro]

Thu, 04/12/2018 - 17:21

Muqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.

[See image gallery at halgan.net]

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.

DHAMMAAD

Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS oo ka hadlay sababta uu isku casilay.[ Video]

Thu, 04/12/2018 - 16:39

Muqdisho:-Gudoomiyahii Golaha Shacabka Prof. Jawaari ayaa maanta Khudbad uu kaga hadlayo sababihii keenay in  iscasiladiisa ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka Gudoomiyahii Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sh Osman Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay balse lawada guulaysatay isagoona xusay in sharciyadu tahay mida guulaysatay.

Hoos ka daawo gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay is casilaadiisa.

A/cawaale
Halgan.net

Pages