News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 2 hours 34 min ago

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay qunsulka Masar ee Soomaaliya(Masawiro)

Tue, 05/16/2017 - 17:13

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa kahor inta aanu madaxweyne kuxigeenku ku qaabilin madaxtooyada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, xildhibaano katirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha iyo weftiga ka Socdey safaarada Masar ee Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne kuxigeenku  sheegay inay weftiga kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda, dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan wasaaradaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in weftiga socdaal koodani daarana laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay dawladda Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda gaar ahaan isha dhaqaalaha dawladda Puntland ee magaaladda Boosaaso, waxaana uu xusay in dalkiisa Masar uu diyaar u yahay dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Masar iyo Soomaaliya.

–DHAMMAAD—                                                                          

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo Maamul Goboleedyada.[Masawiro]

Tue, 05/16/2017 - 17:12

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

War-murtiyeedka:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweynaha Puntland siiyey Puntland Tv uuna uga warbixiyey arrimo badan.[Video]

Mon, 05/15/2017 - 16:39

London:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi gaar ah oo uu siyey PuntlandTV waxaa uu uga hadlay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London iyo waxyaabihii looga hadlay.

Hoos ka Daawo waraysiga PuntlandTv la yeeshay Madaxweynaha Puntland Dr Gaas

M_M_Deeq
Halgan.net

Khudbadda Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka jeediyey shirka Doha[ Video]

Mon, 05/15/2017 - 00:22

Doha:-Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa uu khudbad uu uga hadlay xaalada dalka Soomaaliya waxaa uu ka jeediyey shirka Doha ee ka soconaya caasimadda dalka Qatar.

Hoos ka Daawo Khudbadda Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shirka Qadar

A/cawaale
Halgan.net

Somaliland oo Faah-faahisay Saamiga Itoobiya Laga Siiyey Dekedda Berbera (Dhageyso)

Sun, 05/14/2017 - 15:58

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

WASHINGTON. D.C — Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa’iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera.

Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalooyinka Somaliland aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada ka soo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.

Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ee DP WORLD oo ballaadhin ku samaynaysa dekedda Berbera ay dorraad la wareegtay.

Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay Somaliland bixisay.

Waxaanu sheegay in sharciyan ay shirkadda DP WORLD oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq u leedahay inay bixiso.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa faahfaahinta arrintaasi ka waraystay afhayeenka, waxaanu ugu horrayn ka hadlayaa macnaha wareejinta dekeddu ugu fadhiyo.

VOA Somalia
Halgan.net

Wasiirka socdaalka Britian UK iyo Agaasimaha guud ee HSJ aya kulan ku qaatay UK.[Masawiro]

Fri, 05/12/2017 - 23:11

London:-Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahaan ku sugnaa UK ayaa kulan la qaatey wasiirka Socdaalka dalka UK, waxaana laga wadahadley baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhex mara labada dhinac.

Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay si wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyo weliba hanaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.

Agaasimaha guud iyo wifdiga uu hogaamanayey ayaa booqdey xaruunta laga bixiyo baasaboorka UK iyo weliba xaruunta hubinta dukumentiyada UK. Sidoo kale agaasimaha ayaa la kulmey khubarada gacanta ku heysa baasaboorka Soomaaliya isaga oo ka qaatey warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.

——DHAMAAD——

Wasiir Cabdi Xoosh “Culumada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka”[Masawiro]

Fri, 05/12/2017 - 23:10

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo dhageeysan lahaa talada Culumada ee ku saabasan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka.Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in iskaashi layeeshaan Culumada.

“Waxaa inaga go’an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay ra’yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Avv Cabdi Xoosh oo ka hadlay sida Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada jira lagu sameeyay ayaa sheegay in 2012 ay jireen caqabado badan oo ka hor taagnaa in wadatashiyo badan la sameeyo.

“Annaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban, runtii waxaa inaga hortaagnaa kooxaha nabaddiidka oo wadanka badankiis gacanta ku hayay, laakiin xiligan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Dawladdu marna ma aqbali doonto Isbaarooyin Sharci darro ah

Thu, 05/11/2017 - 18:49

Muqdisho:-Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.

“kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin”. Ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

–DHAMMAAD–

Golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray go’aamo la xiriira ammaanka.[Dhagayso]

Thu, 05/11/2017 - 14:55

Muqdisho:- Golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aamo lugu sheegay amniga in lugu xaqiiji nayo. Shir wasiirrada waxaa kale oo lugu soo dhaweeyay shirka socd London,iyagoo markaasna u mahadceliyey Dowlada UK iyo beesha caalamka oo u istaagay in Soomaaliya laga taageero dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Hoos ka akhri qodobbada amniga la xiriira ee wasiirrada ay soo saaren:-

1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,

b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah. Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.

3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.

4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

6. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

7. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.

8. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

10. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

11. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

12. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.

13. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

14. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-

a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.

b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

Hoos ka Dhagayso go’aamadii ka soo baxay shirka ay maanta yeesheen golaha wasiiradda dowladda Federaalka Soomaaliya

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

————DHAMAAD——–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

 A/cawaale
Halgan.net

 

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo saaka ka furmay magaalada London.[ Live]

Thu, 05/11/2017 - 10:53

London:-Waxaa saaka ka Furmay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya,waxaana shirkaan si wada jir ah u Guddoominaya Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May.

Shirka ka furmay magaalada London ayaa waxaa kale oo ka qayb galay madaxda dowladda Gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan shirkaan looga hadli doona dhismaha ciidanka Soomaaliyeed oo bedela ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wadamo fara badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya oo iskugu jira wasiiro , safiiro iyo siyaasiyiin laga yaqaan aduunka.

Hoos ka Daawo Live shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo saaka ka furmay London

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxweynaha DFS Maxamed C/lahi iyo Madaxda maamul gobolleedyadda oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.[ Video]

Thu, 05/11/2017 - 10:16

London:-Madaxwayana Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmajo ayaa waxaa kulan lagu soo dhaweynayo waxaa uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK waxaan kulanka ku weheliyey Madaxda dowladda Gobolleedyada ka jira dalka waxaan madaxdu ay kulanka lagu soo dhaweynayo ay ka jeediyeen Khudbado lagu dhiiri gelinay shacabka soomaaliyeed in ay midoobaan kana fogaadaan Qabyaalada

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha DFS uu ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaalida ee London

Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaali
ee ka dhacday London


Khudbadii Madaxweyne Ahmed Madoobe ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaali ee ka dhacday London

Khudbadii Madaxweyne Shariif Xassan ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaali ee ka dhacday London

Khudbadii Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaali ee ka dhacday London


Khudbadii Madaxweyne Axmed Ducaale ka jeediyey Xafladii lagu soo dhaweynayey Madaxda Soomaali ee ka dhacday London

A/cawaale
Halgan.net

Ra’iisul Wasaaraha DFS Xassan Cali Kheyre oo guddoomiyey Shirka Amniga.[Masawiro]

Wed, 05/10/2017 - 21:22

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka. Dhankooda madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa joogtada ahaa ku tagey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda kala qeyb qaatay barnaamij loogu baroor diiqeyey Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji. Isagoo ku tilmaamay shaqsi tusaale u ahaa jiilka soo koraya, isla markaana ahaa nin dhalinyaro oo wadani ah.

__DHAMMAAD_

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Madaxweyne ku xigeenka PL oo ka qayb galay munaasabad lagu Daah-furayay xeerka Da’yarta Puntland.[Masawiro]

Wed, 05/10/2017 - 13:47

Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa manta May 10, 2017 waxa uu caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad ay soo qaban saabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland oo lagu dah-furayey xeerka Da’yarta Puntland.

Munaasabassa waxa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax, Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiin Jaamac iyo xubno kale oo ka Wasaaradda ayaa warbixin kooban ka bixiyay heerarkii uu soo maray xeerka Da’yarta Puntland iyo faa’iidooyinka uu leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caddaaladda Puntland dedaalka ay ku bixisay hirgelinta xeerkan, wuxuuna kula dardaarmay in markasta la hubiyo socodsiinta iyo ku dhaqanka xeerkan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa caddeeyey in dhammaan hay’adaha Dawladdu ay garab taagan yihiin Wasaaradda Caddaaladda Puntland isla markaana masuuliyad goonni ah ay iska saari doonaan dhaqan gelinta xeerkan, maadaama uu waxtar u leeyahay Da’yarta Puntland.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo furay shirweynaha Ansixinta qaab dhismeedka Manhajka waxbarashada dalka.[Masawiro]

Wed, 05/10/2017 - 13:46

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

Ra’iisul wasaaraha Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

—DHAMAAD—

Madaxweynaha “Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Afgooye.[Masawiro]

Mon, 05/08/2017 - 22:21

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas.

Madaxweynaha ayaa dhageystay tabashooyinkii iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso waxyaabaha ay tabanayaan.

“Marka aan hadalkiinna dhageystay waxaa iisoo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahantahay, waana dib u heshiisiin, dib u dhis iyo dib u xoreyn.”

“Saddexdaas waxaa aasaas u ah caddaaladda. Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.”

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada qalabka sida waxay kusoo shaqeeyeen mushaar la’aan iyo daryeel la’aan haysata naftooda iyo tan qoysaskooda. Iyada oo ay waxyaabahaasi jiraan ayay haddana hortaagnaayeen, walina hortaaganyihiin qoladan inkaarta qaba (Al Shabaab).”

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay degamada Afgooye waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Axmed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaannadaas iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya

Faah faahin Qaraxa ka dhacay maqaaxida Coffee Italia ee magaalada Muqdisho

Mon, 05/08/2017 - 19:31

Muqdisho:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax galabta ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali ,qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana uu sidoo kale geystay bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka badbaaday qaraxa .

Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah oo soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu gurmad u fidiyey dadweyne rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxa.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay iyagoo xiray wadada Maka Al-Mukarama.

A/Cawale
Halgan.net

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe kulan kula qaatay ku xigeenka Hay’adda Unicef.[Masawiro]

Sun, 05/07/2017 - 18:16

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng Abdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 07 May 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar Cabdi, madaxa xafiiska Unicef ee bariga Africa iyo koofurta Africa, madaxa xafiiska Unicefe ee Soomaaliya iyo madaxa is gaadhsiinta  hay’addaasi Unicef .

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa sheegay in ay weftiga ka wada hadleen abaarta baaxadale ee shacabka Soomaaliyeed wax yeelada u geysatay  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay wax yeeladu ka soo gaadhey abaartaasi, looguna dedaali lahaa sidii loo gacan qaban lahaa isla markaana loo kaalmayn lahaa dadkaasi.

 ‘’waxaanu kawada hadalay xaaladaha abaaraha maanta taagan, umma hadlayo Puntland keliya laakiin waxaanu ka wada hadalay jileeca iyo dhibta haysata ummadda Soomaliyeed meelkastay joogto, inay wax u qabtaan oo aanu weliba ku faraxsanahay Unicef waxa ay qabanayaan runtii ka hay’add ahaan marka loo eego wax qabadkooda waanu ku faraxsanahy, laakiin hadana hawl kama daale weli waa hogadii’’ ayuu yiri kusimaha madaxweynaha dawladda Puntland

‘’ hada Mudug waa tegey waan ka soo laabtay, cayn iyo buuhoodle waan tegey waan kasoo laabtay xoolihii lagu noolaa waa dhamaadeen Riyo ha ahaadeen ama Ido ha ahaadeen iyaga 20% kayar baa dadka u hadhay waana noloshii dadka, dhaqaalihii dalka, waa hawshii keliya ee ummadda Soomaaliyeed ay taqaanay, in dadkii inta ay luga hooda isku taagayaan lacaawiyo sida ugu dhakhsaha badana dib loogu celiyo noloshii ay yaqaaneen hay’adda Unicef na ay gacan ka gaysato waanu ka wadda hadalay , wixii ay  qaban kareena hore u soo qabte wayna ku mahadsan yihiin’’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland

Dhinnaca kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay inay kawada hadleen weftiga uu hogaaminayo kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef  Mahomed Cumar maxaabiistii lagu soo qabqabtay dagaalkii Puntland dhirbaaxada kulul ku dhufatay kooxda nabad-diid ka ah ee Al-shabaab, kaas oo kal-hore ka dhacay Suuj iyo Garmaal, daryeelida, xanaanaynta iyo waxbarida maxaabiistaasi oo u badnaa caruur yaryar oo lamajara habaabiyey.

‘’hawsha kale ee aanu kawada hadalayna waxay ahayd qolooyinkii Al-shabaabka ahaa ee qaybna la geeyey xamar  oo aad la socoteen qaybtii kalena halkan, bal sidii loo siin lahaa talo bixin iyo waxna loo bari lahaa si dadka ay dib ugu laabtaan, iyada lafteeda runtii meel wacan baanu isla dhignay qorshahaasina waa uu socdaa wixii ay qaban karayaana waxy diyaar u yihiin inay inala qabtaan’’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Puntland.

kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar Cabdi ayaa ku amaanay dawladda Puntland ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas masuuliyada gaar ka ah ee ay iska sareen caawinta iyo u gurmashada ummadda Soomaaliyeed ee ay abaartu wax yeelaysay sidoo kale waxaa uu dawladda Puntland ku mahadiyey sida masuuliyada iyo xil-kasnimada leh ee ay u gacan qabteen caruunta ay qaladay kooxda cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Pages