News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 2 hours 42 min ago

Kulan Xasaasi ah oo caawa ka dhacay guriga Raisulwasaare Sharmaarke (Masawiro)

Mon, 02/06/2017 - 22:51

Kulan Xasaasi ah ayaa caawa waxaa uu ka dhacay guriga Raisulwasaaraha JFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaana kulanka isigu yimid Madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif Sh Axmed ,Raisulwasaaraha hore Abdi Farah Shirdon Saacid waxaana ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo Arimaha Doorashada iyo sidii aragtida loo mideyn lahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar iska soo horjeeda waxaana socda is xulufeysi balaarsan waxaana socda mucaarado xoog leh oo ka dhan ah Madaxweynaha haatan talada haya Xasan Sheekh Maxamuud. .

Dhanka kale waxaa socda kulamo lagu taageerayo Madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxamuud, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed wada dhowrayaan cida ku soo baxda Madaxweynaha JFS oo doorashadiisa la qaban doono 8 bisha February 2017 waxaana xilka u tartamaya 23 musharax.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Culumada Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland oo baaq u diray Xildhibaanada JFS (Daawo)

Mon, 02/06/2017 - 18:31

Boosaaso:-Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa talooyin iyo baaq u soo jeediyey xildhibaanada JFS iyo xubnaha labada Aqal ka dib markii ay nadwo ku qabteen Masjidka weyn ee Al Rowda.

Culumada ayaa ugu baaqday Xildhibaanada JFS iyo Xubnaha labada Aqal in ay alle ka baqaan oo ay doortaan qof diin leh dalkana ka naxay waxayna kula taliyeen in ay doortaan Madaxweyne karti leh oo dalka ka saara dhibta kuna xukuma Shareecada Islaamka.

1-Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf

2-Sh Maxamed Macalim Axmed

3-Sh Axmed Daahir Xasan Aw Xuseen

Hoos ka Daawo Dardaaranka Sheekh Daahir Aw Cabdi u diray Xildhibaanada JFS

Hoos ka Daawo Dardaaranka Sh Maxamed Macalim Axmed u diray Xildhibaanada JFS

Hoos ka Daawo Dardaaranka Sh Axmed Daahir Xasan Aw Xuseenu diray Xildhibaanada JFS

Halgan.net
Boosaaso

Shirkada Golis oo $250,000 ku wareejisay Gudiga Abaaraha Puntland (Masawiro)

Mon, 02/06/2017 - 17:47

Boosaaso:-Shirkadda Golis Telecom ayaa maanta ku wareejisay guddiga Abaaraha Puntland Lacag gaaraysa labo boqol iyo konton kun oo dollar ($250,000) taas oo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan abaaraha ragaadiyey dad iyo duunyaba.

Shirkaddu ma aha markii ugu horreysay ee ay lacag ku bixiso abaaraha ee bilowgii bishii Nofember ee tagtay ayey shirkaddu bixisay afartan kun oo dollar ($40,000) oo ay ku kala bixisay Slaam Bank iyo Golis Telecom, dhanka kale waxay labaatan kun oo dollar bixisay isla abaartii sannadkii 2016ka bartamihiisa ahayd.

Shirkaddu waxay mar walba garabtaagantahay dadka soomaaliyeed guud ahaan taasina waa marag ma doonto waxaana lagu xusuusan karaa sidii mugga lahayd ee ay isugu taagtay qaxootigii Yementa iyo hawlwalba oo loo qabanayo bulshada.

Shirkadda Golis waxaa la oran karaa waa horggaan mudan in la bogaadiyo maadaama ay mar walba u heellan tahay in ay garab istaagto dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan, madaxdii shirkadda Golis ee ka hadashay goobta ayaa kala ahaa Maareeyaha Shirkadda Siciid Aadan Gaws & G/xigeenka Boorka shirkadda Luqmaan Maxamuud Axmed iyada oo ay goobta joogeen madax badan oo Golis Group ka mid ah.

Guddiga gurmadka abaaraha oo ay horkacayaan Culimadu ayaa duco iyo mahadnaq isugu daray shirkadda Golis Allena uga baryey in Alle beddel khayr qaba siiyo waxayna ugu baaqeen bulshada kale in lagu daydo shirkadda Golis, Culimadii hadashay ayaa kala ahaa Sh.Daahir Aw-cabdi, Sh.Axmed Daahir Xassan Xuseen, Sh.Axmed Yuusuf Daad & Guddoomiyaha guddiga Sh.Fu’aad Max’uud Xaaji Nuur.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Dooda Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho

Mon, 02/06/2017 - 16:03

Waxaa magaalada Muqdisho hadda ka socota Dooda musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha JFS taas la filayo in ay ka dhacdo oo ka dhaceysa xarunta Villa Hargeysa.
Musharixiinta ayaa horey u soo gudbiyey waxqabadkooda waxaana gudiga doorasada ee JFS ay u kala qeybiyeen dooda Musharaxiinta laba qeybood.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Dooda Musharaxiinta xilka Madaxweynaha JFS

A/Cawale
Halgan.net

Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta oo maanta la soo Afmeeray

Sun, 02/05/2017 - 15:43

Waxaa maanta lagu soo afmeeray xarunta golaha shacabka ee JFS dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maanta khudbeeeyey ilaa 9 Musharax oo mid walba uu soo gudbiyey waxqabadkiisa waxaana ay kala yihiin.

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed C/risaaq
8.Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil
9.Axmed Maxamed Cabdi

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in gabi ahaan la soo Afmeeray dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen Musharaxiinta u tartameysa xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo dhamaa 23 Musharax.

Doorashada Madaxweynaha JFS ayaa waxaa la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho 8-da Febraayo oo ku aadan maalin Arbaca ah .

A/Cawale
Halgan.net

Halgan.net oo Wareysi la yeelatay Masuuliinta Jaamacada Bariga Afrika iyo Musasada Al-Minhaaj

Sun, 02/05/2017 - 14:46

Garoowe:-Shabakada Wararka Halgan.net ayaa wareysi la yeelatay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Sh Aden Sh Doon Cali waxaana ay ka xogwareysatay Xaalada Jaamacada Bariga Afrika iyo Horumarka balaaran oo ay jaamacada ku talaabsatay.

Waxaa kale oo ay Halgan.net Wareysi la yeelatay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garowe Sh Maxamuud Xaji Yuusuf waxaana uu si kooban uga waramay Faraca Jaamacada Bariga afrika iyo guulaha ay ku talaabsatay,

Sidoo kale Halgan.net waxaa u suurto gashay in ay xafiiskiisa ku booqato Gudoomiyaha Musasada Al-Minhaaj faraceda Garoowe Sh Mukhtaar waxaana uu nooga waramay waxqabadka Musasada Al-Minhaaj ee gobalka Nugaal.

Hoos ka Daawo Wareysiga Halgan.net ay la yeelatay Masuuliinta Jaamacada Bariga Afrika Gudoomiyaha iyo Musasada Al-Minhaaj ee gobalka Nugaal.

Halgan.net
Garoowe

​Daawo Khubadihii Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha JFS Qeybtii 2aad.

Sat, 02/04/2017 - 16:17

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka JFS , ayaa maanta markii labaad waxaa ay dhageysteen Khudbadaha ay jeedinayaan Murashaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaalya.
Musharaxiinta ayaa Qeybtii Labaad ah, waxaana ay baarlamaanka JFS uu mid walba ka jeediyey waxqabadka iyo taariikh nololeedkooda iyo siyaasada dalka uu ku hogaamin doono.

Murashaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaalya ee maanta khudbada ka jeediyey Baarlamaanka JFS waxay kala yihiin.
Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
Cabdullaahi Cali Xasan
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
Cabdulqaadir Cosoble Cali
Cali Xaaji Warsame.
Loollanka doorashada ayaa maraya meel xasaasi ah, waxaana la qaban doonaa doorashada madaxweynaha JFS maalinta Arbacada ee ku aadan 8 bisha February 2017 waxaana xilka u tartamaya 24 musharax.

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

A/Cawale
Halgan.net

Khudbadii Jimacaha Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq Sh Maxamed Cabdi Umal (Daawo)

Fri, 02/03/2017 - 22:29

Nairobi:-Waxaan idinka soo gudbineynaa Khudbadii Jimacaha Masjidka Abu bakar ee magaalada Nairobi waxaana Khudbada jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana uu khudbadiisa uga hadlay Akhlaaqda wanaagsan.

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimce ee uu Sh Umal ka jeedyey Masjidka Abubakar Assadiq ee Nairobi Af-somali Akhlaaqda wanaagsan.

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimce ee uu Sh Umal ka jeedyey Masjidka Abubakar Assadiq ee Nairobi Af-Carabi Akhlaaqda wanaagsan

Salaf Media
Halgan.net

Quraanku waa salka iyo baarka, bilowga iyo dhammaadka aqoonta ! W/Q Sh Dr. Abdulqani Hussein-Beder

Fri, 02/03/2017 - 15:54

Dhacdooyinka ummadihii hore ee quraanku soo tebiyey waa dhigaalka taariikheed ee ugu kalsoonida badan adduunka, Sida cilmiga la yidhaahdo “cilmal Isnaad” ee axaadiista Nebiga lagu shaandheeyeyba u yahay cilmiga ugu sugnaanshaha badan ee ilaa imika aadanuhu u adeegsaday shaybaadhinta wararka iyo dhacdooyinka.

Maurice Bucaille (Moriis Bookay) – Dhintay 1998- waxa uu ahaa professor jiitay oo ku caan baxay takhasuskiisa xeesha dheer ee qalliinka, waxa madax looga dhigay koox dhakhaatiir ah oo loo xulay inay baadhitaan caafimaad iyo dib u hagaajin ku sameeyaan bakhtigii Fircoon oo bilowgii sideetameeyadii laga qaaday dalka Masar lana geeyey dalka Faransiiska.

Bakhtiga Fircoon waxa si wayn oo heer qaran ah loogu soo dhoweeyey dalkaas Faransiiska, madaxweynihii dalkaas François Mitterrand (Faransiis Miitaraan), ayaa ku qaabilay sallaanka dayaaradda, isagoo salaan madaxeed halkaas ku siiyey Fircoon, sidoo kalena waxa loo riday 21 madfac oo soo dhoweyn ah, waxaana si wayn loogu gelbiyey goobtii loogu talo galay inuu martida ku ahaado inta uu Faransiiska joogo !

Soo dhoweynta noocaas ah iyo waxa looga jeedo yeelkadeede, ninkaas dhakhtarka ah ee loo xilsaaray inuu bakhtigaas haragiisa dib u dhab dhabo, waxa uu la kulmay wax la yaab leh oo u qaadan waa ku ahayd !.

Caalimkaasi waxa uu ogaaday in maydkan lafahiisu burbursan yihiin, guudkiisana aanay wax nabaro ahi ka muuqanin, waxa uu sheegay in sidan ay ku dhici karto uun qof ay mawjado biyo ahi garaaceen!

Aad buu ogaanshiiyihiisaas ugu farxay, waxaanu isu arkay nin xog la yaab leh oo taariikheed daaha ka fayday, waxase dhegta loo saaray in kitaabka muslimiinta ee Quraanku arintan wax ka sheegay, ma rumaysan, su’aalo iyo dood adagna wuu geliyey suuro galnimada warka loo sheegay.

Ka dib waxa uu kutubta taariikhda ka dhex raadiyey cid sheegtay boqorkani sida uu u dhintay, markuu waxba soo waayey, ayuu kutubta samaawiga ah u laabtay bal inuu wax raad ah oo tibaaxaya helo sida Fircoon bakhtigiisa loo dhowray ilaa maanta amaba jidhkiisa loo badbaadiyey?

Inkastoo kitaabka Injiil lagu xussay in ciidankii Fircoon iyagoo Nebi Muuse –CS-eryanaya badda ku halaagsameen, haddana muu helin sida fircoon bakhtigiisa loo soo helay ee jidhkiisu u badbaaday.

Ka dib waxa uu baadhitaan qoto dheer ku sameeyey quraanka oo uu horena waxa uga bartay, waxa uu raadsaday kitaab quraan ah waxaanu farta saaray aayadihii ka sheekeenayey in mawjadaha baddu dhabanaaniyeen oo halaageen Fircoon iyo ciidankiisii, aayadda la yaabka noqotay ee sababtay inuu Moriis Bookaay islaamo oo shahaadataynka loo qabtaa waxay noqotay aayaddan:

{فَالْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ۚ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ النَّاسِ عَنْ آيَاتِنَا لَغَافِلُونَ (92}يونس.

{Maanta ayaannu jidhkaaga badbaadinaynaa si aad kuwa kaa danbeeya aayad lagu cibro qaato ugu noqotid ! In badan oo dadka ka mid ahina waxay mooggan yihiin aayadahayaga}

Moris bookaay, tani waxa ay geyeysiisay, inuu kacaa-fadhiisto, in jidhkiisu dubaaxiyo oo qalbigiisu gariiro, ugu danbeynna waxa caan baxday odhaahdiisa: “Quraanku waxa uu ka sarreeyaa heerka aqooneed ee caalamkan oo dhan, wuxuu ka sarreeyaa heerka aqooneed ee culimada qarniyada soo socda, wuxuu ka sarreeyaa heerkayaga aqooneed ee wakhtigan cilmigu hore u maray, qarniga aqoonta ee 20aad—”

W/Q Sh Dr. Abdulqani Hussein-Beder

Al-minhaaj faraceeda Gobolka Bari oo kulan cilmiyeed u qabtay Ardayda dugsiyadda sare ee magaalada Boosaaso.[Masawiro]

Fri, 02/03/2017 - 12:06

Boosaaso:-Kulan aqoonedkan loo qabto kamid ah ardayda dugsiyada sare ee magalada bosaso ayaa ah mid laqabto xilliga fasaxa teeramka. Ayadoo ay kasoo qayb galeen ku dhowaad 5School iyo in ka badan 75 arday oo isugu jira wiilal iyo hablo una badan gudiyada ardayda . Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Mu’sasada al-minhaaj ee dacwda iyo horumarinta faraceda g.bari ayaa qaatay Muddo Afar beriya ayadoo ay ardaydu ku qaateen Casharro ay kamid ahaayeen:Habka ugu fiican ee ardygu Guul kaga gaadhi karo wax barashada Qaabka loo maamulo waqtiga. Dhalinta iyo kalintooda isbadalka. Iyo shiicada iyo xaqiiqdeeda Casharada ayaa waxaa bixinayay dakaatiro iyo Culumo kala duwan oo ay kamid ahaayen Sh.Maxmed Macallin Axad Dr.Bashiir warsame  , Dr.Maxamed Fahiye Ciise iyo Ustad Muniir Sh.C/laahi .

Dhanka kale ardayda ayaa ayana kaalin muuqata kulahaa Kulankan Ayagoo loo qaybiyay koox koox loona diray shaqooyin kala duwan haday ahaan lahayd cilmi baaris, Curin iyo kuwo kale.

Isku soo wada duuboo kulan aqonedkan oo ahaa mid ay ardaydu u riyaaqday ayaa Subixii taladada ahyd ee ku astaysnayd tarikhdu 26/1/2017. Waxaa lagu soo Gunaanaday Magalada Bosaso. Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galeen haldoorka bulshadu ayaa lagu qabtay hoolka akadimiyadda tababarada iyo dawraadka ee al-qimmah. Xafldda ayaa ugu horay lagu furay ayado ka mid ah qur-aanka karimka ah. Markaa kedib waxaa hadalka la wareegay gudomiyaha mu’sasada Al-minhaaj qaybteeda gobolka bari Ustad:Xassan Cabdalla Sh. Xassan isagoo War bixin kooban ka bixiyay Kulan aqoonedkan iyo mudadii uu Socday inta arday ee ka qayb gashay iyo casharadii kala duwanaa ee lagu qaatay.

Sh.Faarax Maxamed Cajab ayaa isna ku booriyay dhalinta inay ku dadaalaan wax barashada ka digtonaadaanna wax yaabaha wax u dhimi kara guud ahaan iyo gaar ahaan wax barashadooda iyo arday nimadooda.

Dhinaca kale Sh.Yuusuf Cabdicasiis ayaa isna dhankiisa ugu baaqay dhalinta iska ilaalinta iyo inaysan Naftooda khatar gelin Isagoo Sido kale uga digay dhalinta aafada tahriibka. Cali Cabdow Qaasim oo ku hadlay Afka mamulayasha iskoolada ardaydodu ka qayb qaadatay Kulankan Ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahy Kulankan loo qabtay ardyda isagoo ardaydana ku dhiiri galiyay inay ka faaiidaystaan kulamada noocan oo kale ah. Arday kamida ardaydii Kaqayb gashay Kulan aqonedkan intii uu socday ayaaa isna dareenkiisa ku cabiray Siday ula dhacsan yihiin barnamijkan iyo inay jeclan lahayeen aradydu in marar badan loo qabto kulan aqonedkan oo kale.

Guntii iyo Gunaanadkii ayaa waxaa la shegay kooxii kaalmaha hore ka galay Intii uu socday kulanku. Aydoo halkaa lagu gudoon siiyay Hadiyado iyo jawaais kala duwan. Halka Gabagabdiina Arday walba lagu doonsiiyay Shahado cadynasa inuu ka qayb galay kulankaas.

Isku soo duuboo Ma aha Markii ugu Horaysay ee ay mu’sasada al-minhaaj uqabo Ardayda dugsiyada sare barnaajim noo can ah lkn waa mid soo taxnaa siina socon doona hddii alle idmo.

Mu’sasada al-minhaaj
Boosaas, Halgan.net

Rai’isul Wasaare Sharmarke oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsan soohdinta Badda

Thu, 02/02/2017 - 19:22

Muqdisho:-Rai’isul Wasaarahaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda.

“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go’aanna ay ka gaarto xuduudda. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaartay in ay dhageysato dacwadda ka dibna calaamadeyso xuduudda.Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda oo kama dambeys ah uguna baaqay Kenya in ay tixgeliso.

—DHAMAAD—

Golaha Wasiirada Dawladda Puntland oo ka hadlay arimaha amaanka iyo Abaaraha

Thu, 02/02/2017 - 19:01

Garoowe:-Shirkii Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa waxaa maanta looga hadlay Arimaha laxiriira Ammaanka, Xaalada Abaaraha iyo Doorashooyinka Soomaaliya waxaana ay golaha si qoto dheer uga hadleen xaalada abaaraha ka jira deegaanada Puntland

Golaha wasiirada Puntland ayaa waxaa ay soo sareen Warmurtiyeed waxaana uu u qorna sidan

M_M Deeq
Halgan.net

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho

Wed, 02/01/2017 - 17:31

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaaake ahna murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay magaalada Muqdiso waxaa uu uga waramay xaalaad dalka Soomaaliya sidda Abaaraha , xaaladda hadda ay u sugan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo weliba fargelinta shisheeyey ee ay ku hayaan dalalka soomaaliya dariska la ah iyo maamul gobolleedyada oo bara taaraya musharax gaar ah.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee Muqdisho uu ku qabtay Ra’iisul wasaare Sharmaake magaalada Muqdisho

A/cawaale
Halgan.net

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo soo Bandhigay Lacagihii soo gaaray

Wed, 02/01/2017 - 17:00

Boosaaso:-Guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay liiska dadka muslimiinta ah ee taakulada lacageed soo gaarsiiyay Guddiga, waxayna u mahadceliyeen  cid walba oo ka qayb qaadatay gargaarka walaalahooda ku tabaaloobay abaaraha baaxadda leh ee ku habsday gayiga Soomaalidu degto.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto in ay dadka abaartu hayso u dadaalaan oo aysan ka daalin inta Allaah raxmad waasic ah ina siinayo. “Liiskaan waa dadka ka baxsan magaalada Boosaaso ee guddiga soo gaarsiiyey lacago taakulo ah, waxaana ku xigi doona liisaska Boosaaso hadba intaan ka gaarno, Allaha abaarta naga saaro” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur.

Hoos ka Akhriso Liiska Magacyada dadka Muxsiniinta ee Lacagaha soo diray.

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ka socdey Qaramada Midoobey.[Masawiro]

Wed, 02/01/2017 - 16:45

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 1 February 2017 qasriga Madaxtooyada magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland ku qaabilay wefti ka socdey qaramada midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Peter De Clracq oo ah kuxigeenka ergayga gaarka ah ee qarama damidoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa arrimaha biniaadantinimada.

Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayey u qayb samaha qaramada midoobey arrimaha bini aadantinimada Soomaaliya Mr. Peter De Clracq ayaa waxaa ka mid ahaa madaxda laamaha xafiisyada qaramada midoobey ee Dawladda Puntland.

Ka dib markuu soo idlaaday kulan gaara oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftiga uu hogaaminayey uqaybsamaha qaramada midoobey arrimaha bini aadantinimada Soomaaliya Mr. Peter De Clracq ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha Dawladda Puntland in ay ka wada hadleen abaaraha baaxadale ee ka jira Puntland, taas oo uu shegay madaxweynuhu in uu u gudbiyey xalada abaareed ee ka jirta Puntland, isla markaana  loobaahan yahay in lagu tageero wax kasta oo ay kaga bixi karaan abaarta Ummada Soomaliyeed ee ku Soo hayaantay Puntland iyo dadka reer Puntland ee ay wax yeelaysay abaartu.

” weftga waan uga waranay xaalada abaareed ee dalka ka kajirta iyo wixii aanu ku soo aragnay degaanadii aanu kormeerka ku tagnay, sidoo kale wan uga waranay in sidii larabay ama ay ahaydba in beesha caalamku arintaa uga jawaabto madaama aanu ka hadalay wakhti hore abaarta ka jirta Puntland, dhankooda iyana waa ay garaabeen laftoodu maadaama ay iyana ku xidhan yihiin wadamada deeqda bixiya, hadana wixii ay hayaan oo suurtogala waan ka rajaynaynaa inay lasoo gaaraan dadka abaartu samaay ha ahaadeen kuwa ku soo hamaamay Puntland iyo kuwa reer Puntland-ba” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale ku xigeenka ergayga gaarka ah ee qaramada mioobey Mr. Peter De Clracq ayaa dhankiisa xusay inay si degdega uga qayn qaadan doonaan abaraha baaxadaleh ee ka jirta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu shay inay qorshaynayaan lacagdhan 35 million inay ku caawiyaan guud ahaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in Dawladda Puntland muhiimad gaara ay siindoonaan maadaama ay tahay meesha keliya ee ay ku soo haayaamaaneen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed, ku waas oo ka kala yimi waqooyiga, galbeedka  iyo koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii ay dadka reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeed ee ku soo hayaamay degaanada Puntland  gacan lixaadle uga helilahaayeen guud ahan beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta arrintaasi.

–DHAMMAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Dabeecadaha gobannimada iyo Dhaqanka gunnimada W/Q Sh Dr. Abdulqani Xuseen Beder

Wed, 02/01/2017 - 06:22

SHIINIDA & DUKHSIGA – Labadan noole waxa ay ka mid yihiin xasharaadka duula, waa laba noole oo aad ugu kala geddisan: xagga nadaafadda, xagga shaqada, xagga ahdaafta iyo weliba dhinacyada dhibta iyo dheefta ay noolaha kale u leeyihiin.

Labadan xasharaad waxa lagu sheegay Quraanka, mid ahaan suurad baaba loogu magac daray (النحل), halka ka kalena shaqadiisa iyo abuurkiisa wax ka mid ah qaab tusaaleyn ah loogu sheegay suurad kale (الحج).

Shiinidu waa xasharaad manaafic badan laga faa’iido, waxa ay soo saartaa dareere aad u macaan oo malab la yidhaahdo, waa cunto, waa dawo, waana wax isticmaalkiisa lagu raaxayso oo nolosha bila.
Waxay kala xulataa faraawilka udugga leh noocba nooca uu ka tayada roon yahay, kana waxtar badan yahay dhinaca dawada iyo dhadhanka labadaba.

Hawshaas waxa ay gelisaa dadaal ballaadhan iyadoo mararka qaarkood u socdaasha masaafo aad uga durugsan degelka ay ka shaqeynayso ee wax ku sameynayso.

Waxa ay leedahay hab-raac maamul oo lagu faaf reebo mid kasta oo shiinida ka mid ah shaqada ay soo qabatey, gaadh ayaa jooga albaabka laga galo goobta malabka lagu sameynayo, gaadhkaasi waxa uu hubinayaa shiini kasta oo soo gelaysa faya qabka waxa ay siddo, iyadoo mid kasta oo aan ku sugnayn heerkii loogu talo galay u diida inay gasho goobta malabka lagu sameynayo, tusaale ahaan shiinida meel wasakhaysan soo martay ama waxa ay siddaa aanu gaadhsiisnayn halbeeggii loo baahnaa waxa laga celinayaa albaabka, waxaana la marinayaa abaal ciqaabeed adag.
Hadday shiinidu caan ku tahay midha midhaysiga dheefta iyo kala xulashada wanaagga, iyadoo geedba geedka uu ka wanaagsan yahay doorata, si ay u soo saarto waxa ugu wanaagsan ee aadanuhu ku intifaaci karo, DUKHSIGA waxa dhaqan u ah fadhidda boogaha buka iyo baadhista qashinka iyo qudhunka, isagoo kala doorta boogaha iyo meelaha buka ee noolaha ama maytida kale si uu u faafiyo dhibta ugu badan ee uu noolaha waxyeellada ugu weyn ku gaadhsiin karo !.

Labadaas xasharaad mid wax soo saarkiisa waa lagu farxaa oo lagu indho doogsadaa laguna intifaacaa, halka ka kale shaqadiisa la dhibsado lagu diiqadoodo, dareenka qofka iyo deganaanshihiisana u dhabqiyo marka uu arko.
Kaaga darane, labadan xasharaad aad bay isugu xajmi dhow yihiin, dhinaca muuqaalkana mararka qaarkood inuu dukhsigu dusha marka laga eego ka qurxoon yahay shiinida ayaa dhici karta.

Sida ay labadaas xasharaad u kala duwan yihiin ayey dadka Alle abuurayna u kala duwan yihiin.
Waxa jira kuwo wanaagga fura, albaabada sharka xidha, samaha qaybiya, khayrka faafiya, xumahana reeba, walaaleynta dadka iyo wada jirkooda ka shaqeeya, ummadda diinteeda iyo dadnimadeeda u waardiyeeya, wakhtigooda, hantidooda iyo danahoodana u hura siday bulshadu u wada guulaysan lahayd adduun iyo aakhiroba, anigu kuwaas waxa aan tusaale uga dhigtaa Sheekhayga Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, Alle cumriga, cilmiga, caafimaadka, cuudka, caruurta iyo caynkasta oo wanaag ah ha u barakeeyo e.

Dhinaca kale waxa jira kuwo xasharaadkaas dukhsiga dhaqan la wadaaga, waa kuwo xumaha midha midhaysta, boogaha bulshada ee ay is leeyihiin way bukaan turturqa, waa kuwo diinta muslimka habeen iyo maalin inay sun ku afuufaan u taagan, waa kuwo xummaantu u bidhaanto, u soo urto oo aan samaha maqal iska dhaaf falliddiisa e, waxay abuuraan naxliga, waxay kala geeyaan walaaltinimada, waxay faafiyaan cuqdadda.
1. Waxay curiyaan jirrada
2. Waxay cariyaan cadhada,
3. Waxay carbiyaan cunfiga.
4. Culuumta ma xeeriyaan
5. Waxay canjilaan caqliga
6. Haddana kuma camal falaan
Kuwaasi waxay ka ugaadhsadaan mugdiga, waxay ka kaluumaystaan bullaacadaha, waxay xaabeystaan gudcurka.
Wax soo saar qiima leh ma laha, ha ahaatee faalladooda iyo falkooda, qawlkooda iyo qalinkooda ayaa ka daran virus ka uu dukhsigu ama dooryaanku sido.
Aragtidayda dad-la-moodka astaamahaas lihi way ku badan yihiin Soomaali dhexdeeda, adiguna waad tusaaleyn kartaa mid iyo laba.

Allahayow nagu badbaadi samo farista, xuma reebista, xaq u hiilinta, jeclaanta ahlu diinka iyo culimada.
Ma kula qurxoon tahay inaynu dhaqanka shiinida ee dheef gudbinta ku suntan ka dooranno dhaqanka dukhsiga ee xabaalo qodka ah, xaar walwaalkana la dhaqanka ah?
Haddaad qormadan wax uun ka faa’iideysatay fadlan share dheh si lagaaga sii daba dheefo, noqo sida shiinida.

W/Q Sheekh Dr. Abdulqani Xuseen – Beder

Pages