News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 2 hours 45 min ago

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo 11 Eedaysane sii deysay (Masawiro)

Sun, 05/07/2017 - 15:30

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland gaar ahaan maxkamada 5 gobol Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa maanta Dib Xoriyadoodii ugu soo celisay 11 maxbuus oo ku Eedaysanaa in ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabab oo dilal iyo qaraxyo ku leysa shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.

Eedeysanayaasha ayaa waxay ku xirnaayeen Saldhiga Bartamaha Ee Boosaaso mudo sadex bilood ah .

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta gobal ee Puntland Col Cabdi Fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaqay in 11 Eedaysane ay wax danbi ah lahan wax cadeyna la keeni waayey Maxakamada ka dibna Xoriyadoodii la siiyey.

Col .Cabdi Fataax Xaaji Aadan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta gobal ee Puntland ayaa ka codsaday Xeer ilaalainta maxkamada iyo Haya,daha Danbi barista in ay soo gudbiyan Dacwadaha ay gacanta ku hayan inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadan.

Qaar ka mid ah 11 Eedaysane ee dib Xoriyadoodii u helay ayaa mahad celiyey Maxakamd Ciidmada Qalabka sida Ee Puntland waxayna warbaahinta u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay heleen xoriyadooda.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Raisul wasaaraha JFS “’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”.

Sun, 05/07/2017 - 14:06

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhalinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo u Amba baxay Shirka London

Sat, 05/06/2017 - 21:59

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland​ ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah ugu amba baxay Shirka London ee kaalmada loogu yaboohayo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sii mari doona Magaalada Nairobi oo uu maalmo kadib uga sii gudbi doono London oo 11 bishan uu si rasmi ah shirku uga furmayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koobad siinayso nabadgalyada oo ah waxa ugu badan ee maanta Soomaalidu ay u baahan tahay si gaar ahna Jubbaland ay dhawaan gali doonto hawlgalo saf balaadhan ah oo Al-Shabaab gobolka lagaga xorayn doono.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaalida looga baahan yahay isku tashi iyo wada jir si hawlagaha socda ay u guulaystaan.
Bulshada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Madaxdooda ay aaminan oo ay ku kalsoonadaan taas oo wanaagu uu ku jiro.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Khudbadii Jimacaha Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq Sh Maxamed Cabdi Umal (Daawo)

Sat, 05/06/2017 - 19:20

Nairobi:-Waxaan idinka soo gudbineynaa Khudbadii Jimacaha Masjidka Abu Bakar ee magaalada Nairobi waxaana Khudbada jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana uu khudbadiisa Soo Dhawaynta Bisha Ramadaan iyo sida aan uga faa,ideysan lahayn.

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimce ee uu Sh Umal ka jeedyey Masjidka Abubakar Assadiq ee Nairobi Af-Soomaali

Salaf Media
Halgan.net

Madaxweynaha Puntland oo safar ugu Ambabaxay Dalka Ingiriiska (Masawiro)

Sat, 05/06/2017 - 19:07

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 06 May 2017 safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo uu 10 May 2017  ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb gelayaan Madaxdda DFS iyo Dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS.

Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada gobolka Mudug iyo qaar kamida wax garadka magaalada gaalkacayo.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa sii maridoona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbi donaan magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in halkaasi ay uga qayb geli doonaan shir ay isugu iman doonaan madaxdda DFS iyo dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS,  isla markaana lagaga arrin sanayo arrimo khuseeya dib u dhiska ciidan qaran iyo horumarka dalka Soomaaliya.

‘’ Saaka waxaan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajaynayaa inuu noqdo shirkaasi shir guul iyo khayreh Soomaaliyana wax uga soo kordhaan, waxaan rajaynayaa shirkani inuu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu tegijirey wadamada kale sababtu waxa weeye muhiimada uu maanta leeyahay shirkaasi, shirkani muhiimadiisu waxa weeye in lahelo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis  horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo  ladhaqaajiyo nabad gelyadii iyo horumarkiiba, waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo  mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD—                                                                                                           

XAFIISKA, WARFAAFINTA WACYI-GLINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Xukuumada JFS oo War murtiyeed ka soo saartay doorashadii Madaxweynaha Galmudug

Sat, 05/06/2017 - 19:00

Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

  1. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.
  1. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.
  2. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.
  3. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.
  4. Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

 

—–Dhamaad—

Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacayo ka Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed (Masawiro)

Sat, 05/06/2017 - 18:53

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 May 2017 magaalada Gaalkacayo ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinaayo magaaladasi, waxaana hirgelinaya mashaariicdani Company-ga Al- Baashid.

Dhigax dhiga mashaariicdani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo kamida wax garadka magaaladaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay mashaariicdan horumarineed ee laga hirgelinaayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay wax weyn ka bedeli doonaan waxbarashada, Caafimaadka, Amniga  iyo biyaha magaalada Gaalkacayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in mashaariicdani ay isugu jirto dhisme iskuulo, dhisme goob caafimaad, dhismaha xafiisyada gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo, saldhig Booliis, iyo ceel-biyaadyo iyaguna ka qayb ka ah mashruuca.

‘’waa mashruuc weyn oo ka kooban iskuulo, cusbitaal, saldhig Booliis, xafiisyadii gobolka iyo kan degmada, iyo ceel-biyoodyo, magaaladan oo ah runtii magaalo muhiima oo kutaala koonaha Puntland, micne weyn ugu fadhida difaaca iyo nabad gelyada Puntland in horumarku wax kasoo gaadho waa muhiim weeye, mashruucan waxaan rabnaa inuu siday tahay u fulo waxaana fulin doona Company-ga Al-Baashid oo runtii shaqooyin badan oo muhiima dalka hore uga fuliyey waxaan ka rajaynaynaa Company-ga inuu masharuuca say tahay u fuliyo, mashruuc wax ku oola oo wax badan ku soo kordhiya bulshada reer Gaalkacayood uu noqdo ayaan rajaynaynaa hadii Alle idmo’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo fariin u diray bulshada magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in mashruucdani  lagu qiimayn doono hadba sida ay uga qayb qataan bulshada magaalada Gaalkacayo hirgelintiisa iyo dardar gelinta dhamaystirka mashruuca, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashaariicdani qiimayn u tahay mashaariicda kale ee laga hirgelin doono xarunta gobolka Mudug.

‘’Dabcan  reer Gaalkacayood waxaan u sheegaynaa waxa weeye hadba sida aad u fulisaan oo uga qayb qaadataan ayaa mashaariicda danbena ku xidhnaan doonaan hadii Illahy yiraahdo’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Puntland meelkastay joogaan inay ilaashadaan xasiloonidooda, sharaftooda iyo karaamadooda intaba.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI,GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Askari Mareykan ah oo Lagu Dilay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose ee Soomaaliya

Fri, 05/05/2017 - 17:07

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo 40 KM galbeed ka xiga Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

“Kooxda Al-Shabaab ay ku xiran tahay ee Al-Qacida waxay dishay dad Mareykan ah, waxay xagjir ka dhigtay oo ay dagaalyahano ka qoratay gudaha Mareykanka, waxayna isku dayday inay fuliso ama dhiiri-geliso weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadeena dunida”.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada gobolka, si loo burburiyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

VOA Somalia
Halgan.net

Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Fri, 05/05/2017 - 17:02

Wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey diyaar garowga shirka London oo 11ka May ka dhacaya dalkaas UK, gaar ahaan Lancaster House ee caasimada London. Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlaya diyaar garowga shirka ayaa yiri “Dowladda Federaalku si aad ah bey ugu diyaar garowday shirka London oo ay wada shir-guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayna ka soo qeybgalayaan beesha caalamka.”

Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudana Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka qeybgali doona. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Wasiir Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah ka howlgaleysey sidii shirkan u noqon lahaa mid miro dhala, iyadoo guddi loo xilsaaray si joogta ah ula kulmayey saraakiisha dowladda UK iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo diblomasiyiinta saaxiibada la ah Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa diyaarisey qorsheyaasha amniga si ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed loo tayeeyo oo ay mustaqbalka dhow amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidanka AMISOM.

“Sidoo kale Dowladdu waxey diyaarisay qorshihii maamulka iyo maareynta maaliyada oo beesha caalamka siin kara kalsooni buuxda iyo qorshihii u diyaar garowga nidaamka dimoqraadiyeynta dalka si 4 sano gudahood loo qabto doorasho hal cod iyo hal qof ah.”

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan shirkan bacdamaa uu noqonayo shir ka duwan kuwii hore oo Dowlada Federaalka ay la tageyso qorsheyaasheeda, beesha caalamkana aya nagu taageeri doonto. Shirkan ayaa noqonaya mid ay Soomaali hoggaamineyso, qorsheyaasheedana ka codsaneyso in caalamku ku taageero.

——–DHAMAAD——–

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Shiinaha oo Burcad Badeed ku Wareejiyey Puntland [Dhagayso]

Fri, 05/05/2017 - 17:01

Boosaaso:-Magaalada Boosaaso waxaa maanta ku soo xidhay saxiimado sida ciidamada Shiinaha waxayna ku wareejiyen mas’uuuliyiinta Puntland saddex nin oo budhcad badeed ah oo lagu qabtay hawlgal dhicisoobay oo 8-deedii bishii hore ay burcad badeedu doonayeen inay ku afdbuubteen Markab sita calanka Lubnaan.

Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda. Ciidamada Shiinaha ayaa sidoo kale maamulka Puntland ku wareejiyey hubka ay siteen budhcad badeeddaasi ee ay u adeegsadeen weerarkaas.

Weriyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasin Jaamac ayaa Nuur Xasan Nuur uga warrantay arrintan.

Source: VOA

Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo kula kulmay wafti ka socda Turkiga

Thu, 05/04/2017 - 19:41

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 may 2017 ku qaabilay magaalada Gaalkacayo wefti uu hogaaminayo kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy.

Kahor inta aanu Madaxweynuhu ku qaabilin xafiiskiisa weftigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abdulaahi Yuusuf Ahmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloha wasiirada dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo masuuliyiin kale.

Weftigani uu hogaaminayey kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy ayaa u socdey kormeer ku aadan maashaariico horumarineed oo ay ka hirgelin doonaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, waxaana kamida shaaricdaasi dhismaha cusbitaal weyn iyo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta kaas oo wax weyn ka tari doona sare u qaadida xirfada iyo aqoonta  dhalinta ku dhaqan magaaladaasi iyo guud ahaan Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah kuwo madaxweynaha Dawladda Puntland uu hore ugu gudbiyey safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya inay ka caawiyaan Puntland, isla markaana ay ka hirgeliyaan magaalada Gaalkacayo maadaama ay cubitaalkii weynaa ee magaaladaasi hore u soo gaadhey burbur xoogan oo gebihaanba dhulka uu la sinmay dhismihii cusbitaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kulan kula qaatay xafiis kiisa magaalada Gaalkacayo wufuuda kasocotey safaarada Turkiga ee Soomaliya, waxaana uu madaxweynuhu uga mahad naqay dalka Turkiga mashaaricdaasi wax-tarka leh ee ay ka hirgelinayaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo kuwaas oo wax weyn ka taridoona baahiyaha caafimaad iyo kuwa wax barashowe ee shacabka Puntland iyo ummaadad Soomaaliyeedba.

Dhinnnaca kale weftiga uu hogaaminayey kuxigeenka danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa soo kormeeray goobaha laga hirgelinaayo mashaariicdaasi iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ay wax yeelo u geysatay abaartii Alle ka dulqaaday ummaadiisa iyo iskuulka Cumar Samatar oo ka mida goobaha waxbarasho ee ugu facaweyn Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada degaanka Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ahay albaabkii koowaad ee ay markii ugu horaysey ka soo galeenTurkigu Soomaaliya, taas oo sababtay in Soomaliya iyo Turkigu noqdaan laba dal oo saaxiiba, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeediyey shacabka Turkiga iyo xukoomadooda oo ummaadda Soomaaliyeed markasta garab taagan.

Mr. Alican Aksoy ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland ay ka jirto maamulwanaag, kala danbayn, xasilooni iyo wada jir dhanwalba leh, waxaana uu madaxweynaha dawladda Puntland uga mahadnaqay qaabilaada boqran ee uu ku qaabilay.

 

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gudoonsiyey waftiga hadiyado isku jirey hidaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo sidoo kale midhaha qaar kamida kuwa Soomaalidu ugu jeceshay uguna isticmaalka badantahay.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA, IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Maamulka Puntland oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Gal-Mudug

Thu, 05/04/2017 - 00:08

Garoowe:-Madaxtooyada Puntland ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ka dib doorasho ka dhacaday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.
Maamulka Puntland ayaa Hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxayna u rajeeyeen guul

M_M Deeq
Halgan.net

 

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo loo Doortay Madaxweynaha Galmudug (Dhageyso)

Wed, 05/03/2017 - 23:57

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta madaxweynaha maamulkaasi u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ah ganacsade xildhibaan ka soo noqday baarlamaanadii hore ee Somalia ee 16-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Xubnihii Baarlamanka Galmudug ee maanta codeeyay ee 89-ka ahaa ayaa Mr. Xaaf waxa uu wareegii 2-aad kaga guuleystay 54 cod, Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay 34 cod, halka hal codna uu xumaaday.

Doorashada ka dib ayaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf lagu hor dhaariyay xildhibaanada, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qabanayo howsha weyn ee hortaalla maamulkiisa oo ay ka mid tahay dib u heshiisiinta.

Doorashada ayaa ku dhacday jawi xasillan, iyadoo murashixii laga guuleystay ee Axmed Cali Hilowlana uu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, una ballan qaaday inuu la shaqeeynayo.

Warbixintan waxaa Cadaado kasoo diray weriyaheena Cabdi Waaxid Macallin Isxaaq.

VOA Somalia
Halgan.net

Codeynta Doorashada Madaxweynaha cusub ee Gal-Mudug oo ka bilaabatay Cadaado

Wed, 05/03/2017 - 10:46

Cadaado:-Waxaa dhawaan ka bilaabtay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Cadaado ee maamulka Gal- Mudug Doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo ay u tartami doonaan ilaa 3 musharax. Xildhibaanada Galmudug ayaa bilaabay in ay codkooda dhiibtaan waxaan ilaa soo dhamaaday wareegii koowaad , masharaxiinta u tartamay xilka Madaxweynaha cusub ee Gal-Mudug ayaa waxaa ka mid ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Axmed-Shariif Cali Hilowle iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac.

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u dhoofay dalka Itoobiya

Wed, 05/03/2017 - 10:45

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Dalka Itoobiya. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Xildhibaano iyo wasiiro , Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada waxaan wafdiga Madaxweynaha uu kulan la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya Madaxda ugu saraysa dowladda Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ay ku sugnaan doonaa dalka Itoobiya hal maalin waxaan ay dib ugu soo laabam doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii 6aad ee uu madaxweynuhu ku gaaro dibadda.

A/cawaale
Halgan.net

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ah oo Isu Dhiibay maamulka Jubaland.[Dhagayso]

Wed, 05/03/2017 - 10:45

Kismaayo:-Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in maanta uu maamul kooda isu soo dhiibtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in illaa 11 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab inay maamulkooda isu soo dhiibeen illaa bishii April 20-keeda, kuwaas oo dhammaantood ka faa’iidaysanaya cafiskii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka maanta isa soo dhiibay lagu magacaabo Cabdikariim Sheekh Xasan, islamarkaana uu dhinaca caafimaadka gobolka Gedo u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Hoos ka Dhagayso Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay wasiirku.

Source: VOA

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u furay Tababar Wasiirada Hirshabeelle.[Masawiro]

Tue, 05/02/2017 - 22:51

Jowhar:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Tababar Wasiirada Dowladda Hirshabeele ay ka qeyb galayaan kaasi oo diirada lagu saarayo horumarinta qorshayaasha wasaaradaha iyo qaab dhismoodkooda, waxaana soo qaban qaabisay Hey’adaha UNDP, Iyo UNSOM.

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ka dalbaday Hey’aha Qaramada Midoobay inay xafiisyadooda ka furtaan magaalada Jawhar oo ah xarunta dawlad goboleedka, isagoo xusay taasi macnaheedu in uusan eheyn hala xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne isaga oo furan ayay Jowhar ka furan karaan waxaana uu u balanqaaday amni buuxa in ay ku shaqeeyaan Magaalada Jowhar.

“Waxaan ka fiicanahay Maamul goboleedyo aanan xaruumahoodu ku shaqeyn oo magaalooyin kale ku shaqeeya laakiin anaga waxaan ku faaneynaa in aan ku shaqeyno xarunta Dowladda Hirshabeele waxa aan u muuqanaa kuwa xiisa ku haya Muqdisho oo inta badan yimaada anagoo amni ahaan ka wanaagsan halkan, hadana taasi waxa nagu qasbaya Hey’adihii shaqada nagala dhexeysay ayaa Muqdisho jooga, marka si wada shaqeyntu ay u fududaato waxaa qasab ah in ay xafiisyadoo ka furtaan Hey’adaha Qaramada Midoobay Jowhar” ayuu Yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa kaga mahadceliyay hey’adihii Tababarka soo qaban qaabiyay, waxaana uu sheegay isu imaatinada noocaan ah in uu wax ka tari doono horumarinta iyo sal u dhigida Hey’adaha Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ka dalbaday hey’adaha UN-ka in ay ka qeyb qaataan horumarinta Maamulkani ayna u diyaarsanyihiin qorshayaasha ay ku doonayaan in ay ugu shaqeeyaan Dadka ay matalaan lana xoojiyo dhismaha heykalkii dowladnimo.

“Shaqaalaha UN-ka ay qaataan iyo qandaraasyada ay bixiyaan ee laga fulinayo Hirshabeelle ma ahan dad aan u dhalan Hrshabeelle in ay u qaataan iyadoo hirshabeelle ay leedahay aqoonyahano iyo farsamayaqaano hanan kara shaqooyinkaasi, intii looga faa’ideyn lahaa dad kale oo aan u dhalan deegaanka kana soo jeedin, marka muhiimada koowaad waa in la siiyaa dadka deegaanka ee baaga muudada ah aqoontana leh”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Atul Shekhar oo ah u qaabilsanaha Hay’adda UNDP mashruuca tayeynta hey’adaha dawlad goboleedyada ayaa halkaasi ka sheegay in Qaramada Midoobay Hirdhabeelle ka taageerayso dhinacyo badan oo la xiriira horumarinta iyo tayeynta hey’adaha kale duwan ee maamulka sida dowlad wanaaga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha.

Hirshabeelle ayaa ah dawlad goboleedkii ugu dambeeyay ee dhisma, waxaana maamulku wadaa dadaalo dhidibadda loogu aasayo hay’daha maamulkan curdunka ah iyo sidii loo tayeynlahaa shaqo abuurna loo sameyn lahaa.

—–DHAMAAD—-

 

Sixirka iyo Daawadiisa Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax Xafidahulaah (Daawo)

Tue, 05/02/2017 - 22:40

Oslo:-Waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaro qiimo badan oo uu jeedinayo Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax waxaana uu Sheekhu ku jeedinayaa lugada Englishka waxaana muxaadarada ay ku saabsan tahay Sixirka iyo Daawadiisa.

Hoos Ka Daawo Sixirka iyo Daawadiisa Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax Black Magic: Cures and Protection (English )

Halgan.net
Oslo

Ra’iisul wasaaraha DFS Xassan Cali Kheyre oo warqad amar ah u diray Wasaaradda Maaliyada.[Akhriso]

Tue, 05/02/2017 - 17:27

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa warqad amar ah u diray Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka Soomaaliya , taas oo amar buuxa lagu siinayo Masuuliyiinta Wasaaraddaas.

Hoos ka Akhriso  warmurtiyeed ka soo baxday  xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre

A/cawaale
Halgan.net

Waraysi gaar ah oo Madaxweyne Gaas uu siiyey Radio Daljir– Qaybtii 2aad [Dhegayso]

Tue, 05/02/2017 - 17:14

Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladaha kala duwan ee Puntland siiba xagga hormarka. Madaxweynaha Gaas ayaa wareysigiisaas oo ahaa mid dheeraa, si durugsan uga warramay badankiisa hormarinta guud ee Puntland sida dhismaha kaabasyaasha dhaqaalaha oo iskugu jira garoomada, dekedaha iyo jidadka, isagoo dhinaca kale wax ka tilmaamay hagaajinta hannaanka maamul ee hay’adaha dawladda oo maaliyadda iyo meekhaaminta miisaaniyadda dalka ay ka mid tahay.

Haddaba wareysigaasi oo uu la yeeshay madaxweynaha Wariye Cabdifitaax Cumar Geeddi, wuxuu ku bilaabanayaa sidaan soo socota.

Halkan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Pages