News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 1 hour 31 min ago

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyey Tv-ga SBC.[Daawo Video-ga]

Thu, 09/28/2017 - 21:54

Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu wareysi gaar ah siiyey Barnaamijka Kulanka SBC waxaan uu uga hadlay Arimo ay dadweynuhu ay hadal hayanaa waxan ka mid ah Dhismaha iyo la wareegitaanka Dekedda Boosaso ee Dowladda Imaaraadka Carabta, Nidaamka Asxaabta badan ee Puntland, Kaluumeysiga Sharci darada ah, iyo weliba Sare U kaca Sarifka & Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga.

Hoos ka Daawo Tv-ga SBC oo waraysi gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

M_M_Deeq
Halgan.net

Ra’iisul wasaaraha DFS Xassan Cali Kheyre Wafdi Uu Hogaaminayo oo caawa lagu Soo Dhaweeyey Muqdisho.[Masawiro]

Thu, 09/28/2017 - 21:53

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib, socdaal uu ku tagey dalka Mareykanka oo uga qeyb galay Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib, lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna Eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

[See image gallery at halgan.net]

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—- 

Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee tegay degmada cadaado oo soo saaray War-murtiyeed

Thu, 09/28/2017 - 21:46

Cadaado:-Xildhibaano ka tirsan labad gole ee dowlada Federaalka Somaaliya oo shalay tegay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Gal-Mudug una tegay in ay dhex dhexaadiyaan madaxda ugu saraysa Gal-Mudug oo uu soo kala dhex galay khilaaf waxaan ay caawa soo saareey warmurtiyaad.

Hoos ka Akhriso warmurtiyeedka ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan labad gole ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

[See image gallery at halgan.net]

 

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gal-Mudug “Diyaaradaha Muqdisho way ku degi karaan Garoonka degmada Cadaado

Thu, 09/28/2017 - 16:55

Cadaado:-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gal-Mudug oo sheegay in uu yahay Ku simaha Madaxweynaha ee Gal-Mudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in aysan jirin wax duulimaad ah oo diyaaradaha looga joojiyey aysan jirin diyaaradihii imaan jiray garoonka diyaaradaha degmada Cadaado.

Hoos ka Daawo warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Cabdi

 

[See image gallery at halgan.net]

 

A/cawaale
Halgan.net

Galmudug oo joojiyay dhamaan Duulimadyadii kaga imaan jiray Muqdisho (Akhriso)

Thu, 09/28/2017 - 10:41

Cadaado:-War-saxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay dhamaan duulimaadyada ka imaanayay magaalada Muqdisho.

Waxaana Warsaxaafadeedka lagu sheegay in wax duulimaadyo ah aysan ka iman karin magaalada Muqdisho marka laga reebo kuwa hey’adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM.

Warsaxaafadeedkan ayaa imaanaya xili Khilaafka u dhexeeya Maamulka Galmudug iyo DFS uu sii kordhayo .

[See image gallery at halgan.net]

Xildhibaano ka tirsan  labada Aqal ee Galmudug ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado si ay u qaboojiyaan  Khilaafka DFS iyo Galmudug.

A/Cawale
Halgan.net

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Boosaaso kulan kula yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolada Sanaag iyo Hayland.[Masawiro]

Wed, 09/27/2017 - 14:50

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 September 2017 magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka gobolada Sanaag iyo Hayland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliyaha ciidamada qalabka sida Sareeyo Guud. Saciid Maxamed Xirsi, saraakiisha ciidamada gobolada Sanaag iyo Hayland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

kulanka oo ahaa mid looga hadlayey xaalada guud ee amniga gobolada sanaag iyo Hayland ayaa waxaa sigaara diirada loogu saaray cidhib tirka kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Calmadaw, kooxahaas oo ay lagama maarmaan tahay in laga yeesho hadaf midaysan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horayn kulanka furay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysta buuralayda Calmadaw, islamar’ahaantaana sheegay in dawladdu diyaar u tahay qorshe kasta oo lagaga gungaadhayo soo afjaridda kooxaha Al-shabaab ee lidka ku ah jiritaanka, horumarka, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shacabka Puntland looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo firxadka yar ee ku sugan buuralayda Calmadow ee ka tirsan kooxaha Al-shabaab.

Guddoomiayaha golaha wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ku caana maaleen iskaashi, is garabsi, cudud midaysan, hadaf midaysan iyo isku tashi, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto cadawga tirada yar ee tamarta yar ee kooxaha Al-shabaab loona baahan yahay in si adag loo cidhib tiro.

Dhinaca kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, isla markaana waxa ay xukuumadda dawladda Puntland uga mahad celiyeen mashaariicaha horumarineed ee ka socda gobolada Sanaag iyo Hayland, gaar ahaan wadda Ceel-daahir – Ceerigaabo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo.

[See image gallery at halgan.net]

Ugu Danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meel kastay joogaan inay ka qayb qaataaan halganka lagula jiro cidhibtirka kooxaha al-shabaab iyo sugidda xasiloonidooda iyo amaanka guud ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray degmada Cadaado

Wed, 09/27/2017 - 14:48

Cadaado:-Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaareeny magaalada Cadaado xarunta KMG ee maamulka Gal Mudug. Xildhibaanada tegay degmada Cadaado ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari waxaan garoonka Cadaado ku soo dhaweeeyey xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Gal-Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in ay u yimadeen magaalada Cadaado in ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu saraysa ee Maamulka Gal-Mudug oo u dhexeeyo khilaaf iyo kala aragti duwanaan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa xusay in ay la kulmi doonaa labad qaybood ee Madaxada Gal-Mudug ayna si xal waara looga gaaro muranka siyaasadeed ee soo kala dhex gala Madaxda Maamulka Gal-Mudug.

Safarka wafiga Xildhibaanada 2 Gole ay ku gaareen degmada Cadaado ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Gal-Mudug ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf walow arinkaas uu beeniyey Madaxweynuhu.

A/cawale
Halgan.net

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo beeniyey in xilka laga qaaday[Dhagayso]

Wed, 09/27/2017 - 12:50

Cadaado:-Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Xubnaha ka tirsan Xildhibaannad Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa ay ku shireen Hotel ku yaalla magaaladan oo la yiraahdo Hotel Mansuur waxaan kulanka yimid 55 Xildhibaan dood ka dib waxaa oglaaday in xilka Madaxweyne xaaf xilka laga qaado 52 xildhibaan.

Ugu danbayntii ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo xabsi guri ku ah madaxtooyada Gal-Mudug ee Cadaado waxaa uu soo saaray War Saxaafadeed uu ku faahfaahiyey qaabka xilka looga qaaday weynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoos ka Akhriso warsaxaafeed uu soo saaray gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir  uu ku taageerat xilkii laga qaday Madaxweynaha Gal-Mudug

[See image gallery at halgan.net]

Dhinac kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadista lagu sameeyey ku tilmaamay mid been ah isagoona eed u soo jeediye Madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka wuxuun ku eedeeyey in ay doonayaan in ay dumiyaan maamulka Gal-Mudug siddii ay horay u dumiyeen Maamulka Hirshabeele oo xilka ay ka xayuubiyeen Madaxweynihii ee Hirsahbeele Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hoos ka Dhagayso waraysiga lala yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf 

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

A/cawaale
Halgan.net

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa oo warmurtiyeed ka soo saartay Xaalada Maamulka Gal-Mudug

Tue, 09/26/2017 - 23:44

Muqdisho:-Wasaarradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa caawa War saxaafadeed kasoo saartay Xaalada ka taagan Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Gal-Mudug.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa

[See image gallery at halgan.net]

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u safray dalka Sacuudiga

Tue, 09/26/2017 - 16:46

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar aan horay loo shaacin waxaa uu ugu baxay dalka Sucuudiga, sidda lagu xusay fariin qoraaleed ka soo baxday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Fariin qoraaleedka ka soo baxday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu safar shaqo uu ku tegayo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo weliba dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng.C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safar madaxweynaha uu yahay mid saaxiibti nimo lana xiriiray safarradii hore ee uu Madaxweynuhu ku tegay dalka Sacuudiga loogana wada hadlay xiriirka labad dal iyo in la xoojiyo dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno ka tirsan madaxtooyada Somaaliya,

Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo beegmay xili khilaafka u dhexeeya dowladdaha Khaliijka uu saameyn ku yeeshay xiriirka u dhexeeya maamul gobolledyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

Maamulka Gal-Mudug oo beeniyey in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya

Tue, 09/26/2017 - 16:13

Cadaado:-Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay inay xiriirka u jareen dowladda Federaalka Somaaliya ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey warsaxaafadadee lagu sheegay in maamulka Gal-Mudug aya xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ay Gal-Mudug ku beenisay in ay xiriirka u jareen DFS

[See image gallery at halgan.net]

A/cawaale
Halgan.net

Ra’iisulwasaaraha DFS oo Washington kula kulmay Madax ka tirsan Bangiga Adduunka

Mon, 09/25/2017 - 19:00

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ku sugan yihiin dalka Maraykanka ayaa la kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka, ayago ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa hanaankii Bangi ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray iska markaana loo fududeyn lahaa sidii uu xiriir ula sameyn lahaa bangiyada kale ee caalamka, arrimaha kale ee kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

“Bangiga Adduunka waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka”ayay tiri Ms. Kristalina Georgieva.

[See image gallery at halgan.net]

Kulankani ka dhacay xarunta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Magaalada Washington ayaa qeyb ka noqonaya dadaalka ay dawladdu ugu jirto soo nooleynta xiriirkii Bangiyada caalamka. Iyadoo xiligani ay dawladdu ku howlan tahay.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Gal Mudug oo joojisay Kulamada aysan ogeyn Maamulka Galmudug (Akhriso)

Mon, 09/25/2017 - 18:47

Cadaado:-Maaamulka Galmudug ayaa amaray in aan wax shir ah oo siyaasadeysan lagu qaban karin deegaanada ay gacanta ku heyso Galmudug waxaana xafiiska Madaxtooyada Galmudug ka soo baxday Wareegto lagu mamnuucayo arinkaas.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiisan Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Hoos ka Akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada dowlad gobaleedka Galmudug

[See image gallery at halgan.net]

 

M_M Deeq
Halgan.net

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka

Mon, 09/25/2017 - 15:56

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka. Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Taliye ku xigeenkii hore Saadka ee ciidanka DFS oo caawa Muqdisho lagu dilay

Sun, 09/24/2017 - 22:41

Muqdisho:-Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Muqdisho Taliye kuxigeenkii hore Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdulle Quruurux, waxaana la dilay xili uu ka soo baxay masjid ku yaal Degmada Waabari .

Alaha u naxariistee Jen. Cabdulle Quruurux ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay Salaada Cishaha oo uu ku soo tukaday Masjidka Al-iimaan oo aan sidaas uga fogeyn hoygiisa.

Kooxda dilka u geystay Jen. Cabdulle Quruurux ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Cadaado eedeyna u jeediyey DFS (Masawiro+Cod)

Sun, 09/24/2017 - 21:58

Cadaado:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey xubnaha labada gole ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa markii uu soo gaaray magaalada Cadaado waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey masuuliinta DFS waxaana uu ku eedeeyey in ay xayireen diyaaradii uu ka soo raaci lahaa Hargeyso mudo ka badan 5 saac.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal adag kula jirto Maamulka Galmudug, isaga oo shacabka reer Galmudug ugu baaqay midnimo iyo wadajir.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu intaas raaciyey in madaxda DFS ayaa faragelin cad ay ku hayso Shaqada Maamulka Galmudug iyada oo adeegsanayey xubno ka tirsan Maamulka Galmudug.

[See image gallery at halgan.net]

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Saxaafada isaga oo eedeyn u soo jeediyey Madaxweyaha DFS

Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la Hadlay dhaliilayna madaxada DFS

 

A/Cawale
Halgan.net

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Si Kulul uga hadlay Ninkii U gafay Nabigeena Maxamed صلي الله عليه وسلم:

Sun, 09/24/2017 - 14:19

Garoowe:-Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Khudbadii Jumcaha Kadib Hadal Baraajujin ah kajeedshay Masjidka Al-Huda Garowe ayaa kutilmaama wax laga xumaado in qof Ugafay Suubanaha صلي الله عليه وسلم Lagarab istaago islamarkaana uu kunoolaado Magaalo Iyo Dhulmuslim

Sheekha Oo Lagu yaqaan in Cadeeyo xaqa Islamarkaana uusan lagaban Sheegidda Xaqa ayaa Fariin udiray Dhaman Mas’uuliyiinta Iyo Shacabka Soomaaliyeed  uguna baaqay Sidii Sharciga Loo horkeeni lahaa Ninka Gabood falay Suubanaha صلي الله عليه وسلم
Hoos ka daawo Sh Maxamed Xaji Yuusuf oo Difaacay Nabigeena Maxamed صلي الله عليه وسلم:

Halgan.net
Garoowe

Ciidamada Ilaalada Badda Puntland oo qabtey Dooni hub sharci daro ah siday (Masawiro)

Sat, 09/23/2017 - 16:29

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Badda Puntland ee (PMPF) ay gacanta ku dhigeen Dooni hub sharci daro ah sida waxayna ka soo qabteen meel magaalada Boosaaso u jirta 9 Km oo lagu magacaabo Mareero.

Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa oo ku howlgalo ay xalay iyo saaka fuliyeen ayaa waxay sidoo kale ku soo qabteen gawaari yar oo hubka lagu dajiyey oo bariga u baxsaday.

Kusimaha taliyaha Ciidamada Badda Puntland (PMPF) Maxamed Maxamuud Xasan ayaa sheegay in doonida siday hubka ay ka timid Yemen lana yiraahdo Al-Furqaan wuxuuna sidoo kale sheegay in ay waday hubka noocyadiisa kala duwan sida qoryaha Dhashiikaha, PKM iyo AK47 iyo Bistoolado

[See image gallery at halgan.net]

Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo dilal iyo qaraxyo qorsheyn ka fuliya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

A/Cawale
Halgan.net
Xuquuq masawirada All SBC

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey Shir Ku Saabsan Dar-dar Gelinta Hawlaha Dib-u-eegista Dastuurka

Sat, 09/23/2017 - 15:31

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

—- Dhamaad—

Machadlagu Baranayo Luqadaha oo laga furay magaalada laascaanood.(Masawiro)

Sat, 09/23/2017 - 15:25

Xaflad si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waxaana Xaflada lagu daahfuray Machad lagu baranayo luuqadaha Iyo Daraasatka islaamiga sidoo kalena Tababaro kala duwan lagu qaadanayo.

Waxa fursad qaaliya ahayd in Goobtaas lagusoo bandhigay furitaanka Jaamcadda Caalamiga ah ee Islamic University of Minnisota. Faraceda Geeska Africa Qaybta G Sool .

Waxa madashan Ka soo qayb galay Haldoor tiro badan oo dhamaantood aad uso dhaweeyay Horumarka Gobolka ku so kordhay
Waxa halka lagunso bandhigay Tafaasiisha Jaamacada iyo Tallaabooyinkii u ku tillaabsaday Markazku .waxaana loo bixiyey Machadka Al-Macaarif .

[See image gallery at halgan.net]

Waxana Ugu danbayntii La guddonsiiyay Maciliim tababar luuqada carabiga ah loso xidhay.
Wixii Faahfaahin khusaysa jamacada Fadlan laso xidhiidh Gudomiyaha Jamacada Aw-faarax Tel .4490106.

Laascaanood
Halgan.net

Pages