News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 2 hours 44 min ago

Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari oo soo Bandhigtay Qaraxyo iyo 5 nin oo watay.[Masawiro/Cod]

Wed, 04/26/2017 - 13:45

Boosaaso:-Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ee magaaladda Bosaso oo la hadlay saxaafadda ayaa maanta waxaa uu ku soo bandhigay Boosaso 5 nin oo lagu qabtay gaari ay saaran yihin walxaha qarxa kuwaas rabay in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso walow aan weli la shaacin goobaha ay la beegsan la ahayeen qarxa.

Laamaha amniga ee Gobolka Bari iyo Sirdaanka Puntland ayaa ka war hellay 5 nin xili ay soo galen Boosaaso waxaan lagu raad joogay ilaa xalay waxaan markii danbe ku gulaystay in ay qabtaan cidanka Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa saxaafadda u soo bandhiga agab kale duwan oo lagu fulin lahaa qarax iyo weliba 5 nin ee howshaas doonaysay in ay fuliyaan, Qaraxyo iyo dilal kale duwan ayaa waxaa ay horay uga dhaceen magaalada Boosaaso qaraxyadaas oo ay masuuliyadooda sheegteen ururka Al-shabaab oo dagaalo kale duwan ay dhexmareen ciidmada kale duwan ee Puntland.

Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa waxaa uu mahad gaar ah u soo jeediyey ciidan amaanka Gobolka Bari guud ahaan gaar ahaan ciidamadii soo qabtay gaariga siday walax qarxa iyo 5 nin ee diyaarinaysay waxaan uu ugu baaqay shacabka Gobolka Bari in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamadooda.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Garoowe la yeeshay Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari, Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen

M_M_Deeq
Halgan.net

Mutamarkii Labaad ee Dhalinyarada ee lagu qabtay Malmo oo la soo Afmeeray

Mon, 04/24/2017 - 18:05

Malmo:-Waxaa lagu soo afmeeray magaalada Malmö mu´tamarkii labaad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Malmo waxaana si gaara uu mutamarku ugu socday dhalinyarada.

Mu`tamarka Labaad ee lagu qabtay magaalada Malmo ayaa waxaa soo qaban qaabisay Musasada Europain Muslim Association i Nordic (EMA)waxaana ka soo qeyb galay culumada kala ah.
1-Sheekh Maxamed Idiris
2-Sheekh C/raxmaan Abyad
3-Sheekh Dr Haaruun Sheekh
4-Sheekh Dr C/risaaq Takar

Muxaadarada ayaa waxaa si live looga daawanayey Halgan.net waxaa sidoo kale maqal ahaan looga dhageysanayey Radio Halgan Live .
Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa si toos ah u tabinaya Mutamarka 2aad ee magaalada Malmo.
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland .

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Maamulka Radio Halgan Live

Halgan.net ayaa waxaa ay idiin soo gudbin doontaa dhawaan dhamaan Muxaadaraadkii ay culumada ka jeediyeen Mutamarka Labaad ee Dhalinyara ee Malmo iyo Masawirada Inshalaah.

Halgan.net
Malmo

Baydhaba: 4 Shabaab ah oo Xukun Dil lagu Fuliyey.[Dhagayso]

Mon, 04/24/2017 - 16:31

Baydhabo:-Maxakamaada ciidamada ee Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 4 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo horey loogu soo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacey maqaayadaha Beder iyo Reero ee magaalada Baydhabo 28-kii bishii February ee sanadkii tagay.Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay illaa 80 qof, ayada oo 45 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Dhagayso warbixinta Wariye Muqtaar Maxmed Catoosh uu ka diyaariyey

Source: VOA

Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo.[Masawiro]

Sun, 04/23/2017 - 23:25

Baydhabo:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayan sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.

“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladdu waxaa ka go’an inay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay inaan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhanka beni’aadanimada iyo amniga.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ooTababar loogu qaaday Dalka Ingiriiska.[Masawiro]

Sun, 04/23/2017 - 23:00

Muqdisho:-Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday Dalka Ingariiska waxaana garoonka ku sii sagootiyay Agaasimaha Guud ee HSJ G/Sare Maxamed Adam NJimcaale ( Koofi) Saraakiishan maanta tababarka u baxay ayaa waxaa lagu soo tababari doonaa Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska gaar ahaan garoomada London , Manchester, iyo Birmham.

Wadamada Denmark , Norwey, iyo Rwanda ayaa tababaro nuucan oo kale ah waxaa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana uu dalka Ingiriiska qeyb ka noqonaa wadamada dalkooda ku soo tababaray saraakiil ka tirsan HSJ.

—-DHAMAAD—-

Madaxweynaha Puntland oo Khudbad Muhiima ka Jeediyey Shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum.[Masawiro]

Sun, 04/23/2017 - 22:59

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ka qayb galay shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa maanta 23 April 2017 khudbad muhiima ka jeediyey shirkaasi oo ka dhacayey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyo wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay shirka Tana High Level Forum ayaa sheegay in Qaarada Africa ay kucaan baxday khayraad dabiici ah kaas oo aduunka laga helo meelo faro ku tirisa, waxaana uu Madaxweynuhu kula taliyey madaxdda ka soo qayb gashay shirka inlaga Faa’iidaysto khayraadkaasi.

‘’Macdanta Africa waa qani dhinaca khayraadka dabiiciga ah sida saliidda ceedhiin oo ay ka mid yihiin shidaalka iyo gaaska, laakiin waxaan u baahanahy inaan helno hogaamiyayaal wanaagsan oo fahmi kara khayraadka faa’iidadiisa, hadaynaana hada ka faa’iidaysan oo la soo bixin, waxaa dhici karta in wakhti dhaw laga baxo is ticmaalkiisa, waayo hadaynu nahay dadka kunool Qaaradani Africa ma isticmaalo Technology-yada cusub ee maanta aduunka laga isticmaalo, caalamka intiisa kalena waa kusii horumaraysaa maalinba maalinta kadan beysa’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya dhinaca amaanka Qaarada afrika ayaa qeexay in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada,isla markaana lays dhaafsado xogo ku saabsan dhinaca amaanka si loo sugo.

‘’Waa mihiim in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada, isla markaana lawadaago xogo ku saabsan amaanka kuwaas oo khuseeya ilaalinta iyo xasiloonida wada noolaansho ee dadka kuwada nool Qaaradani qaniga ah, huru marku wuxuu ka dhashaa oo saldhig u ah nabada, nabadana waxaa suura gelinkara xidhiidhka wadamada Africa oo hagaaga’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tiibaaxay inay jiraan wadamo badan oo dib u soo kabanaya loona baahan yahay in la gacan qabto, isla maarkaana lagu taageero wax kasto oo suura gal noqonkara, si uu u hagaago xidhiidhka waddamada Qaarada Africa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta ku heelan tahay geedina ugu jirto horumarka, isla maarkaana doonayso inay dib uga soo kabato wixii hore usoo maray, hadana ay ka jirto siyaasad wanaag kala danbayn, is ixtiraan iyo dib u doonid Qaranimo Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Debedda Dalka Ethiopia oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Bahar Daar ee Dalkaasi.

Sun, 04/23/2017 - 22:58

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta 23 April 2017 kulan ku yeeshay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia oo uu ka dhacayo shirka madaxda Africa ee Tana High Level Forum.

Kulankan u dhexeeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidh ammaanka labada dhinac madaama ay Puntland iyo Ethiopia leeyihiin xuduud dhuleed aad u ballaadhan, Abaaraha baaxaddaleh ee ka jira Soomaaliya Gaar ahaan Puntland, iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo ammaanka ee labada dhinac

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn wasiirka u sheegay in iskaashiga dhanka amaanka dawladda Puntland iyo dalka Ethopia uu heer wanaagsan joogo, hadana markasta ay muhiimtahay inla wadaago xogo ku saabsan arrimaha amaniga iyo hadba wixii soo kordha madaama ay Puntland iyo Ethopia xuduud dhuleed aad u ballaadhan

sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in guud ahaan geyiga Soomaalidu degto ay ka jirto abaar sababtay in dad dadan oo shacab Soomaaliyeed ahi u dhintaan macaluusha ay sababtay abaartu, kuwo kalena ay miciin bidaan inay ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolada Soomaaliya kadib markii ay ka idlaadeen xoolihii ay manaafacaadsan jireen.

Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu tibaaxay in dawladda Puntland ay ku soo hayaameen xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimi dawladd degaanka Soomaalida Ethiopia, Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, waxaana uu cadeeyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay gargaar bini aadan-tinimo iyo mid walaal tinimoba ay u fidiyeen si hagrasho la’aanana dadkaasi, isla markaana ay ku soo dhoweeyeyn degaanada Puntland.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub oo wanaajin karta xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo wanaajinta xidhiidh kaasi gaamurey.

Wasiirka arrimaha debeda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin adkaynta xidhiidhaka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalkiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay in iskaashiga dhanka amaanka ee Puntland iyo Ethiopia u dhexeeyaa uu yahay mid mudnaantiisa leh markastana ay diyaar u yihiin xaajintiisa, waxaana uu Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay nabada gaamurtey ee ku timi kalsoonida shacabka iyo dawladda ka dhexaysa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu marti geliyey kulan lagaga hadlayey nabadaynta iyo xasilinta xaalada dalka Koonfurta Suudaan, kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailumarima iyo sidoo kale Madaxweynayaasha dalalka Liberia, Botswana, Burundi, Maser, Malawi, Sudan iyo dalka Nigeria.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA, IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 3aad)

Fri, 04/21/2017 - 23:25

Boosaaso:-Waa waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sheekh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 3aad)waxaan uu Sheekhu uga waramayaa xiliga ay kooxdaan bilaabtay iyo weliba halka laga keenay fikiriga ku dhisan in gaalnimo lagu xukumo Shucuubta Islaamka ah ee ku nool dalalka Islaamka.

Waraysiga qaybta 3aad waxaa uu u dhacay sida tan:

6. Kooxdan cusub waxay u badan yihiin aqoonyahan iyo xirfadlayaal kala duwan, sida: ganacsato iyo dad aad looga yaqaan bulshada dhexdeeda, kuna dhex milnaa. Haddaba maxaa ku kallifay iyagoo muddo dheer isqarinayay inay xilligaan hal mar is muujiyaan?

Jawaab: Horta ma jiro go’aan uu gaar u qaatay faraca Jamaacada ee Soomaaliya ee waa go’aan guud oo ugu horeyn ka soo baxay wadanka masar. Way dhici kartaa inay go’aankaan qaateen ka dib markay darseen awooddooda aqooneed, dhaqaale iyo sumcadeed, ayna u arkeen inay maanta u bilantahay inay is muujiyaan, caqiidadooda iyo manhajkoodana soo bandhigaan, ayna la jahraan dacwadooda.

Waxaa kale oo suurtagal ah in go’aankaan lugu qaatay qiimeyn lugu sameeyey xaalada ay gashay ummadda muslimiinta ah gaar ahaan dadka ehlu-diinka ah fashilkii rabiic al-carabi ka dib gaar ahaan xaalada diimeed ee dalka Masar oo uu xilligaan ka jiro jaahwareer iyo balbalo fikri ah, iyo waliba bannaanaansho hoggaamineed ka dib markii madaxdii iyo culimadii hoggaanka u ahaa dacwada laga dhigay mid la dilay, mid la xiray iyo mid dibadaha u baxdsaday.

Dhinaca kale inay ismuujiyeen ka dhalan mayso inay xilligaan bulshada ka dhex baxaan ama la dagaalamaan ee kaliya waxay aaminsanaayeen ayay daaha ka qaadeen; si ay taageerayaal ugu helaan afkaartooda.

Tan kale, waxaa suurto gal in ay tillaabadaan u baahdeen si ay u ilaaliyaan jiritaankooda, xiriirkooda iyo midnimadooda , waayo way adagtahay inay sii jiraan, iskuna xirnaadaan iyaga oo aamusan afartan sano ka badan, isla markaasna sheeganaya inay diin iyo dacwo islaami ah wadaan.

7. Dalka Masar waxaa lala dagaalamayaa Jamaacooyin aan aaminsanayn gaalaysiinta bulshada, isla markaasna aan dawlada la dirirayn ee sidee ayay u suurtagalaysaa inay ka dhex shaqayso Jamaaco la jahraysa gaalaysiinta dowladda iyo bulshada?.

Jawaab: Ma hubo in shirkooda lagu qabtay Masar, mana sheegi karo awoodda ay halkaas ku leeyihiin laakiin sida bayaankooda ku cad way dhici kartaa inay u bareereen wax kasta oo kaga imaanaya dowladaha ay ka dhex shaqaynayaan. Tan kale dadka xukunka ilaashada ma eegaan qofku waxa uu aaminsan yahay ee waxay eegaan in uu xukunkooda ku qabsanayo oo uu halis ku yahay hadda ama hadhow iyo in kale. Tusaale ahaan nin sidooda ku baaqaya dimoqraadiyo ayay xiraan ama dilaan iyada oo ay dalka ka dhex shaqaynayaan dad ku baaqaya diinta islaamka ama afkaar kale oo dimoqraadiyadaas ka soo horjeeda.

Dhinaca kale madaxdu aad ugama baqdo jamaacooyinka bulshada gaalaysiiya ama dagaalka isticmaala: waayo ma laha shacab badan oo taageersan, inta badana shirqool ayay u maleegaan, si dhib yarna way u jabiyaan ee kuwa xukunka ilaashada waxaa u daran jamaacooyinka shacabka ku dhexjira oo wax tara, shacabkunau taageersan yahay; sidaa darteed way dhici kartaa in madaxda Masar fursad siiyaan Jamaacada Al-saadicuun maadaama ay dhici karto inay shacbiyada jamaacooyinka la dirirsan qayb ka leexsadaan. Tan kale nimanka xukunka ilaashada iyo gaaladuba way jecelyihiin jamaacadii islaami ah ee ku baaqda in aan xukunka la isugu dhawaan; waayo khatar ayay u arkaan in dad diin leh muslimiinta hoggaamiyaan, ciddii muslimiinta arrintaas ka hor-istaagaysana aad uga didi mayaan.

8. shakhsiyaadkan hore ma loogu yaqaanay fikradaan, mise hadda ayaa lugu ogaaday? adiguse yaad ka taqaanaa?

Jawaab: Raggaan dad badan baa horay u yaqaaney, inay afkaartaan xambaarsan yihiina ku ogaa laakiin lama wada ogayn inay wali sidii isugu xirnaayeen ama ugu xirnaayeen nimankii awal fikrada ay ka qaateen ee masaarida ahaa, hadda ayayse caddaatay.

Anigu ragga hadda is iclaaniyey waxaan ka garanayaa rag kooban oo aan taariikh ahaan u maqlay inay ka mid ahaayeen Jamaacadii Al-ahli ee fikrada takfiirku burburisay oo uu ka mid yahay ninka loo malaynayo in uu yahay hoggaamiyaha faraca Soomaaliya Dr. Cismaan Cabdulle Rooble iyo Dr. C/raxmaan Daahir Aweys.

Waxaa kale oo jira rag tiirar u ahaa jamaacadii Al-ahli, ka dibna fikradaan dadka ku hoggaamiyey, haddana aan ka dhex muuqan kacdoonkan cusub. Dad baa waxay leeyihiin: raggaas qaarkood way isaga tageen kooxdan, qaarna iyaga oo caqiidada ku waafaqsan ayay manhajka dacwo ee lugu soconayo isla fahmi waayeen.

9. Khatartooda intee le’eg tahay, marka loo eego xarakooyinka kale ee takfiirka ah ee horey u soo caan-baxay?

Jawaab: Horta la bareerista fikradan waa khatar soo siyaaday; waayo awal woxooda way la aamusnaayeen oo sida la filayo iyaga iyo qoysaskooda kaliya ayay ku koobnayd, hadda ka dibse dhawaaqu dad kale ayuu gaarayaa ha laga yeelo ama ha laga diidee.

Kooxaha dhaqanka ama afkaarta takfiir xambaarsan ee dalkeena soo marayna waa seddex qolo: a) Jamacaadan hadda la baxday Saadicuun ee aynu ka hadlayno, b) Jamaacada horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo uu hoggaamiyo Maxamuud Nuur ee ay middaan horay u kala bayreen, c) Xarakada Al-shabaab iyo Daacish oo ay isku fikrad iyo isku dhaqan yihiin.

Waxaan qabaa kooxahaas inay hadda waxyaabo ku kala duwanyihiin laakiin ma’aalka (aakhirka) ay meel isugu biyo-shubanayaan maadaama ay ku wada dhamaynayaan gaalaysiinta bulshada iyo la dagaalankeeda.

Marka la is barabardhigo jamaacadaan iyo kooxda horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo lafteedu muddo dheer dalka ka soo jirtey waxaan isleeyahay:
Jamaacadaan ayaa khatar yar marka laga eego ku dhexjirka ummadda iyo waxtarka; waayo waa dad ummadda ku dhexjira oo wax uun u faa’iidaynaya halka tan kale ay bulshada ka soocan tahay, waxtarna aysan u lahayn, dhinaca kalena tan ayaa khatar badan; waayo waxaa ku kadsoomi kara dad aan taas kale ku kadsoomeen.

Marka aynu is barbardhigno Jamaacadaan iyo Xarakada Alshabaab way ku kala duwan yihiin waxyaabo ka mid ah aaminaada (fahamka) oo jamaacadaan waxaa laga aaminsanyahay inay diin ahaan u rumaysan tahay waxa ay ku baaqayso ha qarsato ama ha la bareertee, halka Alshabaab lugu bartay siyaasada la yiraahdo “la jiifiyaana bannaan” oo macneheedu yahay ninkii aan rabo waa muslin haba xumaadee, kii aan nacana waa gaal haba fiicnaadee.

Tan kale Alshabaab wixii ay ku baaqayeen waxay u heleen fursad ay ku hirgaliyaan oo wax laga yiraahdo oo cad baa la hayaa laakiin waxaa isweydiin leh qoladaan iyo qolada kale ee takfiirka la jaharta waxa ay ku baaqayaan markay u helaan awood ay ku fuliyaan see noqon doonaan?. Hadday awood helaan, waxa ay ku baaqayaana daacad u noqdaan waxay bulshada ku fulin doonaan axkaamta islaamku ka dajiyey gaalada xarbiga ah oo waxay laynayaan ninkii aan habkooda u islaamin, waxaana laga yaabaa in aysan isticmaalin qarxinta dumarka, waayeelka iyo carruurta, inkastoo ay dhici karto inay addoonsadaan.

Hadday sida Alshabaab la jiifiyaana bannaan ka dhigaana shabaabka ayaa loo ooyi doonaa; waayo Alshabaab badankoodu inay bulshada been ka sheegayaan waa is ogyihiin laakiin qoladaan gaalaysiinta run bay u qabaan sida loo filayo, xadgudubka kalena waa u sii dheeraan doonaa.

10. Saamayn intee le’eg ayay kooxdan cusub ku yeelan kartaa kooxaha kale ee takfiirka ah ee dalka ka jira?

Jawaab: rag aqoonyahan ah oo da’ iyo khibrad leh baa Jamaacdan hoggaaminaya inkastoo aysan takhasus diimeed wadan badankoodu sida la ii sheegay, halka kooxaha kale aysan aqoon iyo da’ la sheego lahayn. Taas waxay keeni kartaa in xubno kooxaha kale saluugsan ay ku soo biiraan ama ad-adaygoodu khafiifo. Dhinac kale waa suurtagal dhallinyarada lugu ababiyo gaalaysiinta bulshada inay u hilowdo kooxaha takfiirka ah ee qoladan ka ad-adag oo ay markaas odayaasha meesha ku cidleeyaan. Marka aynu eegayno suurtagalnimada isdhexgalka kooxahan waxaa tixgalin leh in hoggaanka jamaacadan cusub didmo badan ka qabo dadka aysan taariikhdooda hayn ee xamaaska la soo galaya. Dabcan meesha kama marna suurtagalnimada in darka la isku ciriiryo oo af ama addin ay isu isticmaalaan.

Halgan.net

Dowrado lagu baranayo Hogaanka iyo Maamulka oo qabatay Musasat Al-Bayaan oo la soo Afmeeray.

Fri, 04/21/2017 - 22:56

Cape town :-Waxaa Lagu Qabtay Magaala Xeebeedka Cape Town oo u Jirta Xarunta Ganacsiga Ee Koofur Afrika Ee Johannseburg 1400 Km Dowradii Labaad oo Lagu Baranaayay Hogaaminta Iyo Maamulka Ee Golaha Albayaan. Majliska Albayaan Oo Ah Mu’asasa Ka Shaqeesa Dacwada, Samafalka iyo Tacliimta ee Jaaliyadda Soomaalida Koofur Afrika Ayaa Go,aan Ku Gaaray In Ay Horumarin u Sameeso Xaga Aqoonta Hogaaminta Iyo Maamulka Xubnaheeda Maamula Maraakista Kala Duwan Ee Wadanka Iyo Ducaadda Ka Shaqeeya Dacwada Ee Koofur Afrika, Waxayna Sanadkiiba Ay Qaban Doontaa Insha Allah Laba Dowro Oo La Qabto Laba Xili Oo Kala Duwan.

Gudiga Fulinta Ee Albayaan Oo Dowraadka Soo Qabanqaabiya Ayaa Waxaa Ay Qabteen Sanadkii Hore Dowradii Kobaad Oo Lagu Qabtay Johannesburg.

Dowradan labaad Oo La Qabtay 15 Iyo 16ka Bishan April Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Inta badan Maamulayaasha Xarumaha Dacwada Ee Gobolada Koofur Afrika iyo Ducaada Albayaan Qaarkood Waxaana Lagu Bartay Duruus Kala duwan Oo Socday Labadii Maalinba.
Waxaana Duruusta Soo Jeedinaayay Culimo kale Duwan Oo Kala Ahaa.
1. Diktoor Yusuf Maxamed Xuseen
2. Sheekh Suleemaan Salaama oo Masri Ah
3.Sheekh Usaama Jaad oo Masri Ah
4. Sheekh Cabdulahi Cabdi Ibraahim
5. Ustaad Axmed Cabdi (Axmed Dheere)
6. Ustaad Hussein Shibis
7. Sheekh Mohamed Aden Waadi
Dowrada Waxaa Qayb Ka ahaa Dersi Niqaash Ah Oo si wacan ay Uga doodeen Xubnihii Soo Xaadiray Mowduuc muhim ahaa oo Lagu Soo Bandhigay Dowradaa, Mowduucaa Oo Runtii Si Fiican Loo Lafa guray Lana Filaayo In Gudiga Fulinta Ay si fiican uga faa,iidaysan Doonaan Mowduucaa o Ka Mid Ahaa Caqabadaha Haysta Dacwada Koofur Arika Oo Lagama Maarman ay tahay in laga gudbo.

Waxaa Furitaankii Dowrada Ka Jeediyay Kalimad Ku saabsan qaabka Dowrada u Socon Doonto Iyo In Laga Faa,iidaysto Dowaradan Aadka U Qiimaha Badan Sheekh Shariif Afey Oo Ka Mid Ah Gudiga Fulinta Albayaan Oo Ah Gudiga Soo Diyaariyay Dowraadkaan.

Ugu Danbaystii Waxaa U Mahad Naqay Ka Soo Qaybgalayaashii Dowrada Arday iyo Macalimiin Gudoomiyaha Fulinta Ee Albayaan Sheekh Maxamuud Adar oo Aad ugu Dheeraaday Muhimada Ay Leedahay Dowraadka Nocaan Oo Kala Ah Waxaana Uu Xusay In Sanadkiiba Laba Jeer Ay Qaban Doonaan Insha Allah.

Dowraadkaan Lagu Hormarinaaya Xubnaha Hogaanka Albayaan Ee Maamula Maraakista Dacwada ee Koofur Afrika. Intaa Ka Dib Waxaa La gudoonsiiyay Xubnihii ka faaiidaystay Dowradaa Shahaado Muujinaysa In dowradaa Ay xaadireen.

Waxaana Si Wacan U Xiriirinaayay intii Dowrada Socotay Gudoomiyaha albayaan Ee Gobolka Westren Cape Oo Caasimada u tahay Cape town Sheekh Saciid Aadam jaamac.

HALGAN.NET.
SOUTH AFRICA

Nadwo ka socotay Masjidka Rowda ee Boosaaso oo la soo gaba gabeeyey iyo bayaan laga soo saaray.[Masawiro]

Thu, 04/20/2017 - 22:56

Boosaaso:-Waxa caaway gashay habeenkii lixaad nadwo cilmiyeedii sanad laha ahayd ee ka socotay magaalada Boosaaso, caaway waxay isugu jidhay nadwadu labo qaybood ,qaybta hore waxaa lagu qaatay labo muxaadaro oo oo ka mid ahaa duruusta nadwada, muxaadarada hore ee nadwada oo kusaabsanayd ”Burburka Akhlaaqda ” waxaana soo jeediyay Dr Xasan Sh. Cali Warsame , muxaadarada labaad oo iyaduna kusaabsanayd ”Deegaanka iyo wanaajinta iyo xumaynta uu ku hayo bini aadamku ”, waxaana soo jeediyay Shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf.

Intaa kadib waxa loo gudbay qaybtii danbe ee nadwaa oo ku saabsanay soo xiritaanka nadwada, waxayna ka koobnayd kalmado ay soo jeediyeen qaar ka mid ah culimaada, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanadii ka soo qayb galay nadwada caaway .

Ugu danbaytii Shiikh Faarax Maxamed Cajab ayaa akhriyey bayaankii nadwdii shan iyo tobanaad.

Bayaankuna waxa uu u qorraa sidan soo socota:

Bayaankii gabagabada Nadwada 15aad ee Boosaaso

Mahad oo dhan Allaah baa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisi Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato, Intaa ka dib:-

Qodobada Bayaanka

1- Culimada ka soo qaybgashay nadwada 15aad ee magaalada Boosaaso waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed in ay Rabbigood u soo wada noqdaan, ayna joojiyaan wax kasta oo Ilaahay ka caraysiinaya, isla markaasna ay shareecada islaamka si buuxda ugu dhaqmaan, hoggaanka siyaasada iyo hoggaanka dhaqankuna ay arrintaas hormuud ka noqdaan.

2- Shacabka Soomaaliyeed waa shacab 100% muslim ah, diyaarna u ah in diintooda la baro, wixii ka qaldanna loo saxo; sidaa darteed Jamaacooyinka ku andacoonaya in shucuubta caalamka islaamku riddoobeen, waxaan ugu baaqaynaa inay Ilaahay ka baqaan oo ay joojiyaan marinhabaabinta ummadda, hadday khayr doon yihiinna ay awooddooda galiyaan sidii bulshada diinteeda loo bari lahaa, wixii ka qaldanna loogu sixi lahaa, ee aysan isku dhabarjabin inay dadka ka dhaadhiciyaan inay gaalo yihiin.

3- Markii aan si qotodheer u darisnay afkaarta iyo dhaqamada kooxda la magac-baxday maandoon waxaa noo caddaatay in aysan xurmaynayn Qur’aanka iyo Xadiiska nabigeena midna, ayna caqligooda iyo afkaarta gaalada diin ka dhigteen; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan baadinimada iyo kufriga ay ku faafinayaan baraha bulshadu ku xiriirto (Social media). Dhalinyarada aqoonyahanka ahna waxaan ugu baaqaynaa inay afka iyo qalinkaba kula diriraan ilaa ay xerada diinta ku soo celiyaan ama ay sharkooda ummadda ka aamusiyaan.

4- Annaga oo ka ambaqaadayna aayadaha Qur’aanka ah iyo axaadiista nabigeena صلى الله عليه وسلم waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan walaalnimada iyo midnimada , ayna ka dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya xiriirkooda walaalnimo, sida: qabyaalada, dulmiga iwm.

5- Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan bulshada soomaaliyeed iyo maamulkaba inay ilaaliyaan deegaanka oo saamayn toos ah ku leh nolosha dadkeena iyo duunyadeenaba, lagana sameeyo cilmi-baarisyo faahfaahsan iyo wacyigalin joogto ah, si looga badbaado masiibooyinka ka dhalan kara baabi’inta deegaanka bad iyo berriba.

6- Umadda jiritaankeeda iyo awoodeeduba waxay ku jiraan ilaalinta akhlaaqda islaamka iyo dhaqankii wanaagsanaa ee soo jireenka u ahaa soomaalida, waxaan ka digaynaa burburka akhlaaqeed ee ku lammaan aaladaha netka iyo filimaanta afsoomaaliga loo turjumay, iyo waliba dhar-xirashada aan waafaqsanayn shareecada islaamka rag iyo dumarba.

7- Cadaaladda iyo Garsoorku waa tiirka ugu muhiimsan oo umaddi ku dhisnaan karto, sidaa awgeed waxaan ugu yeeraynaa umadda soomaaliyeed shacab iyo dawladba xaqiijinta iyo garab istaagga Garsoorka heer kasta (qofka, qoyska, qabiilka, maxkamadaha, maamulada).

والله التوفيق

Bayaankan waxa saxiixay culimada Kala ah:-

1-Sh .Daahir Aw Cabdi
2- Sh . C/wahaab sh isxaaq
3-Sh . Maxamuud xaaji yuusuf
4- Dr Xasan Sh Cali Warsame
5- Dr Aadam Sh Cali
6- Sh. Axmed c/samed
7- Sh . Maxamed macalim axmed
8- Sh . Axmed Daahir Xasan
9- Sh . C/raxmaan Maxamed dhowre (Bukhaari)
10- Sh fu’aad Maxamuud x. Nuur
11- Sh. Faarax Maxamed cajab
12- Sh axmed faarax warsame
13- Sh axmed maxamed faarax (dheeli)
14. Sh c/laahi cabdi shabeele
15-Sh Maxamed c/laahi c/dule

Mu’assadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Maxay ku kala duwan yihiin Firqo iyo Jamaaco W/Q Mukhtaar Axmed Faarax

Thu, 04/20/2017 - 22:55

HORUDHAC:-Waxaa kamid ah Sunnada Allaah ee kowniga ah (aduunka ku maamulo), in aadanuhu is khilaafi karo, iyadoo Sharci ahaanna aysan bannaanayn qaybo badan oo kamid ah khilaafka, balse ma aha wax lala yaabi karo hadii uu yimaado, waayo Allaah wuxuu ku tilmaamay aayadaha:118-119 ee Suuaradda Huud in “Aadanuhu aysan ka joogsanayn inay is khilaafaan ciduu Allaah unaxariisto mooyaanee, ayna tahay arrin waafaqsan Dabeecada Abuurtooda”
Taariikhda Khilaafka Islaamka dhexmaray inta la ogyahay wuxuu bilowday Xilligii Khilaafada Islaamka uu hayey Imaam Cali Bini Abii daalib (RC) wuxuuna khilaafkaasi Saxaabadii Nebiga dhexmaray sandkii 35-36 ee Hijriyada, nooca Khilaafka ee Saxaabada dhexmaray gadaal ayaan kusheegi doonaa, hadii Allaah idmo.
Hadaba hadii dabeecadda Aadahuba aysan ka badbaadi karin khilaafka, hadii ay saxaabadii Nebiga (SCW) oo ahaa ciddii ugu khayrka badnayd ummadaan uu khilaaf dhexmaray, ma aha arrintani mid ugub ah, oo dadka Diinta Islaamka aqoonta ulihi ay layaabaan, balse waxay ka digaan oo keli ah inaan la is khilaafo, waxaana kala duwan in khilaafka laga digo inuu dhoco iyo in laf ahaantiisa la dhalliilo, tan hore waa sax, balse tan labaad sax ma aha.
NOOCYADA ISWAAFAQA IYO ISKHILAAKA AADANAHA
Marka la eego hannaanka is fahamka iyo kala duwanaanta Aaadanaha dhexmara waxaa loo qaybiyaa Saddex qaybood oo kala ah:

1. Iswaafaqid: (الاتفاق) waana in laga midaysanyahay dhanka aragtida (fikirka) iyo dhanka wadajirka guud.
2. Iskhilaafid: (الاختلاف) waana in lagu kala duwanaado dhanka aragtida iyo afkaarta, balse wadajirka guud aan waxba soo gaarin.
3. kalatagid (الافتراق): waana in lagu kala duwanaado argtida iyo fikirka kadibna ay kadhalato in lagu kala tago waxbadan oo dadkaas kadhexeeyey.

Hadaba marka sidaas loo qeexo waxaa kuuso baxaysa in qodobadani ay ukala wanaagsanyihiin siday ukala horreeyaan, kan koowaadna yahay midka ugu wanaagsan hadiiba laheli karo, balse nolasha aadanaha dhankeeda Diinta iyo dhankeeda aduunka midna kama suurto geli karo inta badan.
KHILAAKA IYO QAYBIHIISA.

Qodobada aan sare kusoo xusnay waxaan kala baxnay khilaafka, maadaama aysan labada kale waxbadan oo hadal ah ubaahnayn waayo iswaaqadinu waa guul iyo wadajir, Sharci ahaanna waa arrin aad loo ammaanay, halka kala tagguna yahay guuldarro iyo kalaguur, diin ahanna uu Allaah kaga digey aayado badan oo Qur’aan ah, sida: Suuradda Aalu-cimraan, aayadaha: 103-105.
Habada khilaafka marka laga hadlayo waxaa loo qaybiyaa marka hore labo qaybood oo kala ah:
1-Mid aduunyo ku salaysan, sida Siyaasadda, dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, IWm, Sharci ahaanna kaasi wax dhib ah maleh, hadii uusan keenin, qodobkii Saddexaad ee ahaa kalatagga Bulshadaas wadanool.
2-Khilaaf ku salaysan Diinta: Khilaafkan isagana waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah.
A) Mid la isku khilaafo Diinta Usuusheeda iyo waxyaabaha diinta saldhigga u ah (الكليات), sida: Caqiidada, Arkaanta Islaamka, Arkaanta iimaanka, Xaaranta, Xalaasha, iwm. khilaafka noocaan ahi Sharci ahaan ma bannaana, hadii uu dhacana, labada qof ama qolo waxaa khaldan midka garab marsan sida ku cad Nusuusta Qur’aanka iyo Xadiithka, waayo arrimaasi Diintu waxay ucadaysay si aad ufaahfaahsan.
B) Mid la isku khilaafo Arrimaha diinta ee uusan kusoo aroorin Nas la isku waafaqsanyahay sugnaantiisa, ama ujeedkiisa iyo macnihiisa, kaasoo yeelan kara in laga dhanbasho fahamyo kala duwan, run ahaantiina waa arrinta ay diintaani kaga duwantahay diimaha kale, oo Fahamkaas ijtihaadka ku dhisan waa kan Diintaan xilli katsa casriga ku xiraya, iyadoo aan laga baxayn Qawaacidda iyo Nusuusta Sharciga ah. eeg: (الفرق بين الجماعات والفرق، محمد بري علي، ص:11-13).
Khilaafka noocan ahi waa kii dhexmaray Saxaabadii Nebiga (SCW), waayo waxay isku khilaafeen arrimo Ijtihaad ku dhisan, sidoo kalana waa midkii dhexmaray Madaahibta Fiqhiga ah, oo ku kala duwan masalooyin badan oo faham iyo ijtihaad ku dhisan.
Natiijo: Halkaas waxaa inooka cadaaday inaan khilaafka dhammaantiis ceed ahayn balse hal mar oo keli ah la dhalliilo waana marka uu keeno kala tag iyo kala fogaansho.
MAXAA FIRQO LEEXSAN LAGU NOQDAA
Marar badan dadka qaar waxaa isaga dhexyaaca, magacyada kala ah, (Firqo, Xarako, Jamaaaco, Xisbi, Iwm) waana arrimo kala duwan marka Diinta loo eego. Culumada Islaamkuna markay ka hadlayaan waxay Firqo diimeed oo leexsan ku sheegaan markii la helo labadan Shardi ee soo socda:
1-In ciddaasi ay muslimiinta (اهل السنة) ku khilaafto Asal usuusha Diinta ka mid ah (الكليات) sida, Tawxiidaka wax kamid ah, Iimaanka, arkaanta Islaamka, ama, wixii waajibnimadiisa ama Xaaraantinimaytiisa Diintu adkaysay, iyo sidoo kale inay Muslimiinta (أهل السنة) ku khilaafaan faracyo badan oo diinta ka mid ah (الجزئيات).
2- Iyo inay yihiin labo iyo wixii kabadan, balse hal qof keligiis laguma tilmaamo firqo Diineed oo leexsan, sidaa waxaad ka eegi kartaa, (الامام الشاطبي في كتابه الاعتصام الباب السابع، المسالة الخامسة: 3/177-178، والشهرستاني في الملل والنحل21-22)

Hadaba ciddii aan labadaas shardi usu raacin Firqo leexsan laguma tilmaami karo, magicii ay doonaanba ha wataanee.
waxaana muhiim ah inaan ogaanno, inaan magaca firqo, dhammaantiis uusan ahayn mid la diiday, basle waxaa ladiiday waa Firqada leexsan, waayo, Nebiga(SCW) wuxuu sheegay in ummadiisu ukala baxayso 73,firqo, hal midna ay kasaxantahay, marka Magaca firqo wuxuu xunyahay markii uu Diintka garab marsanyahay, qofkii yiraahda anigu firqona kuma jirona, waa qof aan waxbadan diinta kagaranayn, waxaana hadalkiisa kadhalanaysa inuusan Islaamka ku jirin, marka qofku waa inuu dhahaa “anigu waxaan ka mid ahay Firqada Saxsan ee (اهل السنة والجماعة).

JAMAACA HEBLA IN LALA BOXO MASAXBAA?
Marar badan waxaad arkaysaa iyadoo dad badani aad udiidayaan magacyada badan ee ay Jamaacooyink labaxaan Soomaaliya iyo aduunka kalaba, hadaba hadii aan soo koobno jawaabta arrintaan waa sidan:
1-Jamaaco, Xarako, Urur, Xisbi, Iwm, dhammaan waa magacyo isu micno dhaw dhow, dhammaantoodna in lala baxaa way bannaantahay, waayo waxaan soo seegnay in cid gaar ah looga saaro firqada saxan ee Muslimiinta(أهل السنة) waxay ubaahantahay labo Shardi oo kala ahaa, Inay ku khilaafaan Diinta Usuusheeda(الكليات) ama qaybo badan oo furuucdeeda kamid ah (الجزئيات) iyo inay yihin dad labo iyo kabadan ah.

Hadaba waxaa isweydiin leh, magacyada badan ee Jamaacooyinka Soomaaliya kajira sida: (AL-ICTISAAM, Al-ISLAAX, TABLIIQ, AALU-SHEEKH,SUUFIYADA CAADIGA H, TABLIIQ, DAMUL-JADIID, TAJAMUC, IWM.) ma firqooyinbaa mase waa Jamaacooyin?, dhammaan kooxahaasi hadii aan kaduulo aqoonta aan uleeyahay waa Jamaacooyin ama xarakaat katirsan firqada saxan ee (أهل السنة والجماعة) Magacyadaas ay labexeen dartoodna ugama baxayaan Alhu-sunnaha, hadii aysan ku dhicin labadii Shardi oo wada socda, si fahamku usoo dhawaado aan idin siiyo Saddex tusaale.
TUSAALE-1: Qarnigii 2-3 waxaa soo ifbaxay Madaahibta Fiqhiga ah ee Islaamka sida( Shaaficiyada, Xanafiyada, Maalikiyada, Xanaabiliya, Iwm) waxaana soo baxay in lagu abtirsaday oo qofku yiraahdo anigu Xanafi, ama Shaafici ayaan ahay, waana arrin la isticmaalo ilaa iyo manta, Culumadii Muslimiita ee Xilligaas joogtey ilaa iyo maantana majiro-intaan ogahay cid ku xukuntay bidcanimo. (شيخ الاسلام بن تيمية،مجموع الفتاوى، 3/416، و 28/227 ).

TUSAALE-2: waxaa kale oo soo baxay Culumo Dariiqooyin ku abtirsada sida: (ASHCARIYA, MAATURIIDIYA, JAHMIYA, AXMADIYA,QAADIRIYA, iwm,) manajirin cid magacaa ay labexeen sababtiis bidconimo ugu xukuntay, balse qaybahooda bidcanimada loogu xukumay waxay katimi waxay aaminsanayeen. eeg (المصدر السابق نفسه).

TUSAALE-3: Waxaa soo ifbaxday Qarniyadii 2-3, ee Islaamka, Culumo badan oo loogu magac bixiyey Goboladoodii, sidaa: Shaamiyiin, Masriyiin, Xijaasiyiin, iwm (المصريين، الحجازيين، والشاميين، وغيرهم) mana jirin cid Muslimiinta ka mid ah oo ku xukuntay bidcanimo iyo inay layimaadeen wax cusub: eeg: (المصدر السابق نفسه).

Hadaba hadii ay Jamaacadu aysan ku dhicin labadii Shardi ee aan soo sheegnay oo wada jir ah, ma bannaana in lagu xukumo inay firqo leexsan tahay, basle wixii ay Sharciga khalad ka gasho waa lagu qabsanayaa,iyadoo aan bidconimo lagu xukumin, ogowna qofku inuu khalad galo keli ah Ahlu-sannaha loogama saaro, waayo qofku hadii uu tuugo sameeyo, ama sinaysto, ama waxdilo, miyaa laga saarayaa?, dabcan waa maya, sidoo kale ciddii aan labadaas shardi oo wada jira aan kudhicin loogama saari karo Ahlu-sunnaha. Eeg: (الفرق بين الجماعات والفرق، محمد بري علي ص:45)

Dareesiin: Waxaa kala duwan in sheygu bannaayahay iyo inaad samayso, adigu kuma khasbanid waxkasta oo bannaan inaad samyaso, balse waa khalad inaad tiraahdo sharci ma aha, sidoo kale kuma khasbanid inaad Jamaaco kamid noqoto, balse sax maaha inaadan tiraahdo diintu ma oggola.

FG: Kooxdii ku khilaafta Ahlu-saunnaha, Shuruudaas aan sare kusoo sheegnay waxay noqonaysaa FIRQO LEEXSAN, waxaana waajib ah markaas in shartooda umadda looga digo.

Natiijo: waxaan ogaanay inay bannaantahay in lasamaysan karo Jamaaco iyo kabanba hadii aan Shuruudaas lagu dhicin, iyadoo laharsanayo magaca weyn ee Islaamka, ciddii laga helo Shuruudaasna aytahay Firqo leexsan, sidoo kale soo dhaweynta iyo goynta dadka muslimiinta ah dhexdoodana, waxaa lagu salaynayaa ma aha Jamaacada xubnaha kujira ee waa sida Allaah loogu kala dhowyahay,

WAA MAXAY SABABTA JAMAACOOYINKA LOO SAMEEYEY?
Waxay dadbadani isweydiin karaan, maxaan uga baahannahay Jamaacooyin miyaanaan diintayada fidin karin annagoo isku duubaan oo wadanna hal magac oo islaam layiraahdo?.
Jawaab: Hadii aan Taariikhda dib ugu laabanno 1924M,markii ay Burburtay Khilaafadii/Dowladii weyneyd ee Islaamku ku midaysnaa ee fadhigeedu ahaa wadanka TURKIGA, kadibna reer galbeedku kusoo duuleen Caalamka Islaamka, Dowlado yaryar oo aan tabar lahaynna loo kala qaybiyey, qaarkoodna lagumaystay, qaarna gacan ku gabbad noqdeen, waxaa Caalamka Islaamka ka asaasmay ururo xornimo doon ah, oo ujeedkoodu ahaa inay xoreeyaan wadamadooda, taasi waxay keentay in Diintii iyo Dacwadii oo awal Dowladii Islaamku wadijirtayl-waayo xilligaas lama aqoon sida hadda jirta ee ah in Dowladuhu ay maamulaan oo keli ah wixii aduunka ku saabsan, balse aysan wax dan ah ka gelin wixii diin laxiriira- waxaa dhacday in lawaayey cid uxilsaaran diinta fidinteeda, xilligaas ayaa waxaa bilowday in lasmeeyo Jamaacooyin ama xarakooyin diinta ka shaqeeya,kuwaasoo ilaa maalinkaas marba ay midi asaasmeysey, wuxuuna ujeedkoodu ahaa, inay dadka diinta gaarsiiyaan, iyo in dib la isugu xiro Caalamaka Islaamka, ee walaalaha ah, intaas kadib waxaan umalaynayaa inaad ila fahamtay sababta keentay in jamaacooyin la asaaso.

MAXAY JAMAACOOYINKA QAARKOOD MAGACAYADA UBEDESHAAN?
Waxaa dhacda marar badan in dadka qaarkiis ku dhaliilaan jamaacooyinka qaarkood inay magacoodii bedelaan.
Jawaab: Waxaan horay usoo sheegnay inay bannaantahay asal ahaan inay Jamaaco iyadoo Al-sunnaha ka mid ah ay labixi karto magac ugaar ah, baahi keenatay awgeed, taasina waxdhib ah aysan sharci ahaan lahayn, hadaba hadii sheyga asalkiisu bannaanyahay faraciisuna waa bannaanyahay, in Magac la iska bedelaana Islaamka kuma cusba, waxaana jiray Saxaabo badan oo Nebigu (SCW) kabedelay Magacoodii hore sida: زيد الخيل، oo loo bedelay, زيدالخير. برّه oo loo bedelay جويرية. Waxayna Culumada qar ay gaarsiiyeen Magacyada uu bedelay ilaa 59,magac.
sidoo kale in magac labedelaa maaha wax ceeb ah, imisa qof ama dal, ama caasimadood ayaa magaca laga bedelay, miyaad aragteen weligiin cid layaaban? qodobkaanina ma aha qodob ayay ka hadlaan dadka aqoonta uleh taariikhda Islaamka, ama guud ahaan tan aduunkaba.waxaana jirta qaacida macruuf ah oo oranaysa (العبرة تتعلق بالأحكام والمعاني لا بالألفاظ والمباني).

XILLIGAAN JAMAACOOYINKA MALLAGA MAARMI KARAA?.
Waxaa dhici karata inay dad badani isyiraahdaan waxaa fiicnaan lahayd in jamaacooyinka dhammaanba faraha laga qaado, si looga badbaado khilaaf yimaada marar badan.
Jawaab: maxamu balse intaanan kajawaabin waxaan idin weydiinayaa saddexdaan Su’aalood.
– Hadii lakala diro Jamaacooyinka yaa diyaar ah oo xilka mas’uuliyadda diinta lawareegaya? hadii qolo kale loo magacaabose maxaa isbedelay?.
-Diyaar ma uyihiin Dowladaha maanta joogaa inay kaalintaas buuxiyaan, oo wacdiga, maamulidda Masaajidda, D.Qur,aanka, iwm, lawareegaan?.
– Hadii ay meesha kabaxaanse Khilaaf danbe ummadda Malaga waayayaa?
Aniga aragtidayda waxaan u arkaa, in laga maarmo Jamaacooyinka xilliga maanta lajoogo waa waxaan dhici karin, waxayna ka dhigantahay diinta faraha hallaga qaado, waayo hadii aynaan is indhatirayn kaalintooda weli cid kale looma hayo.
Waxaa dhici karta in layiraahdo, oo magacyada may iska daayaan?, oo hadde see usu garanayaan maxayse isku oqoonsanayaan? waxaa kale oo la isweydiin karaa maxay umidoobi waayeen? waa su’aal sax ah, waana arrin fiican oo furan, balse hadii ay usooroobi waydo waxaa ufuran inay is garabsadaan, wixii ay kamidaysanyihiin kawada shaqeeyaan, wixii kalana umaraan sida sharcigu qabo in loo xalliyo.

Gabagabo:
Waxaan aaminsanahay in Jamaacooyinka Soomaliya iyo kuwa Caalamka Islaamka ka jiraa ay ummadahooda abaal weyn kuleeyihiin, ayna buuxiyeen kaalin ay gabeen Dowalidiihi iyo Shucuubtiiba, waa dhici kartaa inay Jamaacooyinku khaldamaan, waayo dhankaas waxay kala midyihiim Basharka kale, balse Jamaacooyinku waa udubdhexaadka ay Diintu ka nooshahay, qofkastana hadii uu dib isu fiiriyo, wuxuu ogaanayaa inuu kasoo baxay, Dugsi, Iskuul, ama Jaamacad, ay Jamaaco dhistay ama maamusho, sidaas darteed Soomaali waxaan kula talin lahaa, in hadii aysan Jamaacooyinka u abaalgudayn, ay qaylada iyo canaanta kadaayaan, waxaana hubaa inaan weli lahayn ciddii kaalintooda buuxin lahayd.

Wixii aan asiibay Allaah ayaa ku mahadsan, wixii aan khaldayna cafis ayaan kaweydiisanayaa Raxmanka cafiska badan.
FG:
1-Qoraalkan waxaan codsanayaa inaan loo turjumin si kabaxsan nuxurka iyo aragtida qoraaga.
2-Maxay Jamaacooyinku bulshada uhayaan waxaan kaga hadli doonaa Maqaal kale, hadii Allaah idmo.

Walaalkiin: Mukhtaar Axmed Faarax, Roob314@hotmail.com

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)

Thu, 04/20/2017 - 22:16

Boosaaso:-Waa waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sheekh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)waxaan uu Sheekhu uga waramayaa xiliga ay kooxdaan bilaabtay iyo weliba halka laga keenay fikiriga ku dhisan in gaalnimo lagu xukumo Shucuubta Islaamka ah ee ku nool dalalka Islaamka.

Waraysigu waxaa uu u dhacay sida tan:-

6. Kooxdan cusub waxay u badan yihiin aqoonyahan iyo xirfadlayaal kala duwan, sida: ganacsato iyo dad aad looga yaqaan bulshada dhexdeeda, kuna dhex milnaa. Haddaba maxaa ku kallifay iyagoo muddo dheer isqarinayay inay xilligaan hal mar is muujiyaan?

Jawaab: Horta ma jiro go’aan uu gaar u qaatay faraca Jamaacada ee Soomaaliya ee waa go’aan guud oo ugu horeyn ka soo baxay wadanka masar. Way dhici kartaa inay go’aankaan qaateen ka dib markay darseen awooddooda aqooneed, dhaqaale iyo sumcadeed, ayna u arkeen inay maanta u bilantahay inay is muujiyaan, caqiidadooda iyo manhajkoodana soo bandhigaan, ayna la jahraan dacwadooda.

Waxaa kale oo suurtagal ah in go’aankaan lugu qaatay qiimeyn lugu sameeyey xaalada ay gashay ummadda muslimiinta ah gaar ahaan dadka ehlu-diinka ah fashilkii rabiic al-carabi ka dib gaar ahaan xaalada diimeed ee dalka Masar oo uu xilligaan ka jiro jaahwareer iyo balbalo fikri ah, iyo waliba bannaanaansho hoggaamineed ka dib markii madaxdii iyo culimadii hoggaanka u ahaa dacwada laga dhigay mid la dilay, mid la xiray iyo mid dibadaha u baxdsaday.

Dhinaca kale inay ismuujiyeen ka dhalan mayso inay xilligaan bulshada ka dhex baxaan ama la dagaalamaan ee kaliya waxay aaminsanaayeen ayay daaha ka qaadeen; si ay taageerayaal ugu helaan afkaartooda.

Tan kale, waxaa suurto gal in ay tillaabadaan u baahdeen si ay u ilaaliyaan jiritaankooda, xiriirkooda iyo midnimadooda , waayo way adagtahay inay sii jiraan, iskuna xirnaadaan iyaga oo aamusan afartan sano ka badan, isla markaasna sheeganaya inay diin iyo dacwo islaami ah wadaan.

7. Dalka Masar waxaa lala dagaalamayaa Jamaacooyin aan aaminsanayn gaalaysiinta bulshada, isla markaasna aan dawlada la dirirayn ee sidee ayay u suurtagalaysaa inay ka dhex shaqayso Jamaaco la jahraysa gaalaysiinta dowladda iyo bulshada?.

Jawaab: Ma hubo in shirkooda lagu qabtay Masar, mana sheegi karo awoodda ay halkaas ku leeyihiin laakiin sida bayaankooda ku cad way dhici kartaa inay u bareereen wax kasta oo kaga imaanaya dowladaha ay ka dhex shaqaynayaan. Tan kale dadka xukunka ilaashada ma eegaan qofku waxa uu aaminsan yahay ee waxay eegaan in uu xukunkooda ku qabsanayo oo uu halis ku yahay hadda ama hadhow iyo in kale. Tusaale ahaan nin sidooda ku baaqaya dimoqraadiyo ayay xiraan ama dilaan iyada oo ay dalka ka dhex shaqaynayaan dad ku baaqaya diinta islaamka ama afkaar kale oo dimoqraadiyadaas ka soo horjeeda.

Dhinaca kale madaxdu aad ugama baqdo jamaacooyinka bulshada gaalaysiiya ama dagaalka isticmaala: waayo ma laha shacab badan oo taageersan, inta badana shirqool ayay u maleegaan, si dhib yarna way u jabiyaan ee kuwa xukunka ilaashada waxaa u daran jamaacooyinka shacabka ku dhexjira oo wax tara, shacabkunau taageersan yahay; sidaa darteed way dhici kartaa in madaxda Masar fursad siiyaan Jamaacada Al-saadicuun maadaama ay dhici karto inay shacbiyada jamaacooyinka la dirirsan qayb ka leexsadaan. Tan kale nimanka xukunka ilaashada iyo gaaladuba way jecelyihiin jamaacadii islaami ah ee ku baaqda in aan xukunka la isugu dhawaan; waayo khatar ayay u arkaan in dad diin leh muslimiinta hoggaamiyaan, ciddii muslimiinta arrintaas ka hor-istaagaysana aad uga didi mayaan.

8. shakhsiyaadkan hore ma loogu yaqaanay fikradaan, mise hadda ayaa lugu ogaaday? adiguse yaad ka taqaanaa?

Jawaab: Raggaan dad badan baa horay u yaqaaney, inay afkaartaan xambaarsan yihiina ku ogaa laakiin lama wada ogayn inay wali sidii isugu xirnaayeen ama ugu xirnaayeen nimankii awal fikrada ay ka qaateen ee masaarida ahaa, hadda ayayse caddaatay.

Anigu ragga hadda is iclaaniyey waxaan ka garanayaa rag kooban oo aan taariikh ahaan u maqlay inay ka mid ahaayeen Jamaacadii Al-ahli ee fikrada takfiirku burburisay oo uu ka mid yahay ninka loo malaynayo in uu yahay hoggaamiyaha faraca Soomaaliya Dr. Cismaan Cabdulle Rooble iyo Dr. C/raxmaan Daahir Aweys.

Waxaa kale oo jira rag tiirar u ahaa jamaacadii Al-ahli, ka dibna fikradaan dadka ku hoggaamiyey, haddana aan ka dhex muuqan kacdoonkan cusub. Dad baa waxay leeyihiin: raggaas qaarkood way isaga tageen kooxdan, qaarna iyaga oo caqiidada ku waafaqsan ayay manhajka dacwo ee lugu soconayo isla fahmi waayeen.

9. Khatartooda intee le’eg tahay, marka loo eego xarakooyinka kale ee takfiirka ah ee horey u soo caan-baxay?

Jawaab: Horta la bareerista fikradan waa khatar soo siyaaday; waayo awal woxooda way la aamusnaayeen oo sida la filayo iyaga iyo qoysaskooda kaliya ayay ku koobnayd, hadda ka dibse dhawaaqu dad kale ayuu gaarayaa ha laga yeelo ama ha laga diidee.

Kooxaha dhaqanka ama afkaarta takfiir xambaarsan ee dalkeena soo marayna waa seddex qolo: a) Jamacaadan hadda la baxday Saadicuun ee aynu ka hadlayno, b) Jamaacada horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo uu hoggaamiyo Maxamuud Nuur ee ay middaan horay u kala bayreen, c) Xarakada Al-shabaab iyo Daacish oo ay isku fikrad iyo isku dhaqan yihiin.

Waxaan qabaa kooxahaas inay hadda waxyaabo ku kala duwanyihiin laakiin ma’aalka (aakhirka) ay meel isugu biyo-shubanayaan maadaama ay ku wada dhamaynayaan gaalaysiinta bulshada iyo la dagaalankeeda.

Marka la is barabardhigo jamaacadaan iyo kooxda horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo lafteedu muddo dheer dalka ka soo jirtey waxaan isleeyahay:
Jamaacadaan ayaa khatar yar marka laga eego ku dhexjirka ummadda iyo waxtarka; waayo waa dad ummadda ku dhexjira oo wax uun u faa’iidaynaya halka tan kale ay bulshada ka soocan tahay, waxtarna aysan u lahayn, dhinaca kalena tan ayaa khatar badan; waayo waxaa ku kadsoomi kara dad aan taas kale ku kadsoomeen.

Marka aynu is barbardhigno Jamaacadaan iyo Xarakada Alshabaab way ku kala duwan yihiin waxyaabo ka mid ah aaminaada (fahamka) oo jamaacadaan waxaa laga aaminsanyahay inay diin ahaan u rumaysan tahay waxa ay ku baaqayso ha qarsato ama ha la bareertee, halka Alshabaab lugu bartay siyaasada la yiraahdo “la jiifiyaana bannaan” oo macneheedu yahay ninkii aan rabo waa muslin haba xumaadee, kii aan nacana waa gaal haba fiicnaadee.

Tan kale Alshabaab wixii ay ku baaqayeen waxay u heleen fursad ay ku hirgaliyaan oo wax laga yiraahdo oo cad baa la hayaa laakiin waxaa isweydiin leh qoladaan iyo qolada kale ee takfiirka la jaharta waxa ay ku baaqayaan markay u helaan awood ay ku fuliyaan see noqon doonaan?. Hadday awood helaan, waxa ay ku baaqayaana daacad u noqdaan waxay bulshada ku fulin doonaan axkaamta islaamku ka dajiyey gaalada xarbiga ah oo waxay laynayaan ninkii aan habkooda u islaamin, waxaana laga yaabaa in aysan isticmaalin qarxinta dumarka, waayeelka iyo carruurta, inkastoo ay dhici karto inay addoonsadaan.

Hadday sida Alshabaab la jiifiyaana bannaan ka dhigaana shabaabka ayaa loo ooyi doonaa; waayo Alshabaab badankoodu inay bulshada been ka sheegayaan waa is ogyihiin laakiin qoladaan gaalaysiinta run bay u qabaan sida loo filayo, xadgudubka kalena waa u sii dheeraan doonaa.

10. Saamayn intee le’eg ayay kooxdan cusub ku yeelan kartaa kooxaha kale ee takfiirka ah ee dalka ka jira?

Jawaab: rag aqoonyahan ah oo da’ iyo khibrad leh baa Jamaacdan hoggaaminaya inkastoo aysan takhasus diimeed wadan badankoodu sida la ii sheegay, halka kooxaha kale aysan aqoon iyo da’ la sheego lahayn. Taas waxay keeni kartaa in xubno kooxaha kale saluugsan ay ku soo biiraan ama ad-adaygoodu khafiifo. Dhinac kale waa suurtagal dhallinyarada lugu ababiyo gaalaysiinta bulshada inay u hilowdo kooxaha takfiirka ah ee qoladan ka ad-adag oo ay markaas odayaasha meesha ku cidleeyaan. Marka aynu eegayno suurtagalnimada isdhexgalka kooxahan waxaa tixgalin leh in hoggaanka jamaacadan cusub didmo badan ka qabo dadka aysan taariikhdooda hayn ee xamaaska la soo galaya. Dabcan meesha kama marna suurtagalnimada in darka la isku ciriiryo oo af ama addin ay isu isticmaalaan.

Halgan.net

Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo oo Muhiima ugu Amba Baxay Dalka Itoobiya.[Masawiro]

Thu, 04/20/2017 - 22:13

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017 safar shaqo ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.

adaxweynaha ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ku sii sagootiyey masuuliyiinka ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa isugu jira ka qayb galka shirka Tana Forum oo ay kasoo qayb gelidoonaan madax badan oo ka kala socda dalalka Africa, iyo kulamo kale oo u dhexayn doona Dawladda Puntland iyo Dalka Itoobiya, kuwaas oo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga, amaanka iyo mashaaruca horumarineed ee dalka Itooyabiya dhowaan ka hirgelin-doonto Puntland.

Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa ayaa waxaa lagaga hadli doonaa xidhiidhada wadamada Qaarada Africa, siyaasada, Amaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray shirkan kii ka horeeyey ee sanad kii hore ay yeeshaan, waxaana uu socon donaa shirkani mudo laba cisho ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi kaga hadli doonaa xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaan Puntland, is bedelka siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, saamaynta abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiima.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS oo War ka soo saartay Ururka Al-saaciduun Bil Xaqi

Thu, 04/20/2017 - 13:52

Muqdisho:-Warsaxaafadeed a soo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Amar ka soo saartay Urur diimeedka la magac baxay Al-saaciduun Bil Xaqi oo dhawaan laga dhawaaqay deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya. Warmuriyeedkaan ka soo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in kooxdaan ay tahay TAKFIIR ayna gaalaysiiyaan shacabka Muslinka ah guud ahaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya ayaa uga digtay xubnaha kooxdaan ka tirsan in ay sameeyaan kulamo , Bayaanaat iyo weliba Muuqaalo ay iska duubaan.

Hoos ka Daawo warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 1aad)

Wed, 04/19/2017 - 17:09

Boosaaso:-Waa waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sheekh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 1aad)waxaan uu Sheekhu uga waramayaa xiliga ay kooxdaan bilaabtay iyo weliba halka laga keenay fikiriga ku dhisan in gaalnimo lagu xukumo Shucuubta Islaamka ah ee ku nool dalalka Islaamka.

Waraysigu waxaa uu u dhacay sida tan:-

1. Goorma ayay bilowdeen xarakooyinka Takfiiriga? Sidee u bilowdeen? Yaa bilaabay? Halkee ka bilowdeen?, maxaase sababay inay fikradaan qaataan?.

Jawaab: Asxaabtii Nabigeena صلى الله عليه وسلم oo nool bay bilowdeen, waxaana loo yaqaaney Khawaarij, Rasuulkuna waa sii sheegay inay soo baxayaan iyo sidii loola macaamili lahaaba.

Kooxaha Takfiirka cusub waxay ka bilowdeen Masar lixdamaadkii qarnigii tagey, ka dib markii Jamaal C/naasir cadaadis xun kula dhaqmay xubnihii jamaacadii Al-ikhwaan Almuslimuun oo uu dil iyo xabsi isugu daray. Nin la oran jirey Shukri Musdafa oo xabsiga ku jirey ayaa keenay fikrada, wuxuuna yiri: dadka diinta darteed sidaas noogu cadaadinaya muslimiin maaha, askarta iyo shaqaalaha ku caawinayana muslimiin maaha, dadweynaha aamusan ee aan ka hortagayna muslimiin maaha.

Ka dib markii la soo daayeyna wuxuu guda galay dhismaha urur ku dhisan fikradaas gaalaysiinta ah, isaga ayaan loo doortay amiirka jamaacada oo la magacbaxday Jamaacat Almuslimiin, dadkuna u baxsheen Alhijra wa Altakfiir oo looga jeedo gaalaysiinta iyo ka dhexbixida bulshada. Ka dibna fikradu waxay ku faaftay caalam Al-islaami oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

2. Goormay ugu horrayn fikrada takfiirku soo gaartay dalka Soomaaliya, yaase keenay?

Jawaab: toddobaatanaadkii qarnigii tagey ayay dalkeena timid, waxaana dalka Masar ka keenay rag ka mid ah madaxdii Jamaacadii Al-Ahli oo xilligaas dacwada dalka hormuud ka ahayd.

3. Kooxdan cusub ee Al-saadicuun iyo kooxihii Takfiirkii hore u jiray Maxay ku kala duwan yihiin ?

Jawaab: Horta ragga hormuudka ka ah jamaacadan Al-saadicuun faraceeda Soomaaliya waxay ka mid ahaayeen raggii toddobaatemeeyihii ku qancay fikrada Takfiirka ee aasaasay jamaacada fikradaan ku dhisan, wayna qarsoonayd ee maaha takfiir cusub.

Jamaacada Al-saadicuun iyo Jamacaada Takfiirka la bareertay xilli hore ayay kala bayreen oo midna waxay qaadatay manhaj dacwadeed oo la jahraya (ku dheeraysanaya) gaalaysiinta bulshada, isla markaasna muujinaya shacaa’irta islaamka (calaamdaha lugu garto), sida: la bixida garka, xirashada xijaabka dumarka, in diinta si bareer ah loo sheego iwm, halka ragga hadda Al-saadicuun la baxay xilligaas raaceen manhaj sheegaya in aan la muujin waxa laga aaminsan yahay bulshada, dacwada aan lala jahrin, isla markaasna aan la muujin calaamadaha diinta ee ay garka iyo xijaabku ka mid yihiin.

Tan kale inkastoo ay ka midaysan yihiin gaalaysiinta madaxda iyo duuduubka bulshada, haddana waa hubaal inay ku kala duwan yihiin masalooyin fahamka diinta ah, sida: cunista hilibka xoolaha dadweynuhu gawracaan, la tukashada bulshada qaarkeed, dhexgalka bulshada iwm.

4.Caqiidadooda maxaa saldhig u ah, halkeese ka shidaal qaataan?

Jawaab: caqiidadooda waxaa saldhig u ah Qur’aanka iyo xadiiska ee mushkiladu waa sida qalloocan ee ay u fahmeen; waayo khawaarijtii soo baxday asxaabta nabiga oo nool waxay daliishanayeen Qur’aanka laakiin fahamkiisa ayaa ka qaldanaa oo raggii Rasuulku iyaga oo nool jannada ugu bishaareeyey ayay gaalaysiiyeen oo dhiiggooda bannaysteen ilaa ay markii dambe dileen Sayid Cali oo ahaa khaliifkii muslimiinta.

Waxay ka shidaalqaadanayaan hoggaanka jamaacada oo saldhiggeedu Masar yahay sida aad ku aragteen bayaanadooda, horayna fikradaan looga soo minguuriyey toddobaatanaadkii qarnigii ina dhaafay, waxaana muuqata inay muddada intaas le’eg iyaga meel ugu dabranaayeen.

5.Haddii aad daawatay Muuqaaladii iyo barnaamijyaddii ay ku faafiyeen baraha bulshada, Maxaa kaaga baxay?

Jawaab: Raggii la noolaaday bilowgii fikradaan waxay ii sheegeen in aan wax cusub soo kordhin; waayo raggu waa raggii, afkaartuna waa isla middii ay xilligaas ku baaqayeen oo ay meel marin waayeen caatanimadeeda darteed. Tan kale xilliga fikradaan dalka la keenay ee ay socon weyday waxay ahayd xilli jahligu aad dadkeena ugu badnaa, wacyiga diimeedna hooseeyey, sidaas oo ay tahay waa hirgali waydey; sidaa darteed maanta oo dadkeenu diinta aad u barteen, wacyiguna sarreeyo, xogtana la wada hayo cidna ku kadsoomi mayso fikrad baali ah oo korka laga dhalaaliyey.

Waxaa kale oo fikradaan suuq tiraya dadkeena oo la noolaaday afkaar gaalaysiin ah oo middaan ka qayaxan ama ka xoog iyo xoolo badan, isla markaasna qoriga caaraddiisa lugu meel marinayey, dadkuna waxay fahmayaan aakhirka meesha ay ku dhamaanayso gaalaysiinta bulshadu oo kuwii hortood la jahray ayaa laga soo bartay.

Waxayaabaha yaraynaya saamaynta jamaacadaan waxaa ka mid ah ragga ku baaqaya oo aan lahayn takhasus diimeed, horayna aan loogu aqoon dhaqan iyo muuqaal culimanimo.

Halgan.net

Ilaalinta Midnimada Ummadda iyo Nidaamka Waa Waajib diini ah” Dr.Sh.Aadam iyo Sh Axmed Cabdisamed.[Video]

Wed, 04/19/2017 - 16:42

Boosaaso: Waa darsigii xalay uu ka jeediyey Nadwo diini ah oo ka socotay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaso Dr.Sh.Aadam Sh. Cali,  Nadwada ayaa xalay gashay habeenkeedii 4aad ayaa uu Sheekhuka jeediyey muxaadaro uu ugu magacdaray  “ Ilaalinta Midnimada Ummadda iyo Nidaamka Waa Waajib diini ah” .Shiikhu ayaa ugu horayn waxaa uu aad ugu dheeraaday Aayadaha Quraanka iyo axaadiiista nabiga (NNKH), ee tilmaamaya waajibnimada ilaalinta midnimada ummadda.

Waxaana ka mid ahaa :-

1- (وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنْتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُمْ بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنْتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِنَ النَّارِ فَأَنْقَذَكُمْ مِنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ) [Suradda Al-Cimraan, aayadda 103].

2- (وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنْفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ) [Suuradda Al-Anfaal 63]

3- وقوله صلى الله عليه وسلم :” إن الله يرضى لكم ثلاثا ، ويسخط لكم ثلاثا ، يرضى لكم : أن تعبدوه ولا تشركوا به شيئا ، وأن تعتصموا بحبل الله جميعا ، وأن تناصحوا من ولاه الله أمركم ، ويسخط لكم : قيل وقال ، وإضاعة المال ، وكثرة السؤال .”

4- وقوله صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :”مَنْ أَرَادَ مِنْكُمْ بَحْبُوحَةَ الْجَنَّةِ ، فَلْيَلْزَمِ الْجَمَاعَةَ ، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ مَعَ الْوَاحِدِ ، وَهُوَ مِنَ الاثْنَيْنِ أَبْعَدُ ” .

Aayadahaas iyo axaadiistaas ayaa dhamaantood tilmaamaya waajibnimada ilaalinta midnimada ummadda. Intaad ka dib waxa uu sheikh ka hadlay, ilaalinta nidaamka, ugu horayn waxa uu qeexay waxa la yiraah , wuxuuna ku tilmaamay: “ waa in qof kalgiis ama kooxda ay arrimaha isku aaddiyaan, isku aaddin ka dhigaysa mid toosan, isku aadintaasina waa in ay manhaj sharciya ka shidaal qaataan”.

shiikhu waxa uu tilmaamay in Tiirarka Islaamka kulligood tusaale u yihiin Nidaamka, sida Salaadda, soonka, sakada iyo xajka, sidoo kale dhamaan Tashriicaadka Alle kulligood nidaam bay ku dhisan yihiin, ayuu yiri shiikhu.

Ugu dambayn shiikhu waxa uu muxaadaradiisa kusoo gabagabeeyay, dardaarano ay ka mid ahaaayeen:-

1- qofka muslimka ah waa in shaqadiisa uu nidaamsadaa .

2- Waa inwaalidku jadwalka wakhti ku darsadaan ay caruurtooda kula ciyaaraan.

Hoos ka Daawo muxaadaradii xalay uu ka jeediyuey Masjidka Rowda Dr.Sh.Aadam Sh. Cali

Intaa ka dib Waxaa muxaadara Tacliiqiyay Sh.Axmed C/Samad, wuxuuna dadka ku dhiirri galiyay in ay fuliyaan oo camal u bedalaan cilmiga muxaadara laga qaatay. Waxa uuna Sheekh. Axmed c/samed oo hadalka siiwata yiri “Muslimiintu markii ay madiina joogeen midnamadooda cadawgii gudaha (Yahuud iyo Munaafiqiin) iyo cadawgii dibadda waxay isaga dhiidhiyeen midnimadaas”, waxaa uuna shiikhu balan ka qaaday dhamaan dadwaynihii muxaadarada dhagaysanayay inay u istaagaan Midnimada ummadda.

Hoos ka daawo Tacliiqiyay Midaynta Umada Soomalieed Sh.Axmed C/Samad uu jeediyey xalay Nadwadii ka socotay Boosaaso

Mu’assada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Boqor Burhaan oo Qado sharaf u sameeyey Culimo Nadwo Diini ah ku qabtay magaalada Boosaaso iyo Waxgarad kale[Masawiro]

Wed, 04/19/2017 - 16:29

Boosaaso:-Boqor Burhaan Boqor Muusse ayaa hoygiisa magaalada Boosaaso qado sharaf ugu sameeyey culimo soomaaliyeed oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa isaga kala timi , kuwaas oo Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso ku qabtay Nadwado sanadle ah oo la qabto , taas oo noqonaysa nadwadii 15-aad.

Culimada uu Boqorku casumay ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Daahir Aw-Cabdi ,Sheekh Axmed Daahir ,Sheekh Dr Aadan ,Sheekh Abdiwahaab Ibraahim Isxaaq ,Sheekh Dr Xassan Sheekh Cali Warsame ,Sheekh Axmed Cabdisamad ,Sheekh Maxamed Macalin ,Sheekh Bukhaari ,Sheekh Maclin Mowliid ,Sheekh Axmed Faarax Gaas, Sheekh Fuaad Aflow ,Sheekh Axmed Yuusuf Daad , Sheekh Faarax Cajab iyo ,Ganacsato , Waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Boqor Burhaan Boqor Muusse oo hadal kooban ka jeediyey Qadadii ka dib ayaa culimada iyo waxgaradkii kale ee uu casumay u mahadceliyey , waxaana uu qeybtooda dalka dibadiisa ka timi uga mahadceliyey imaanshahooda iyo doorka wanaagsan ee ay markasta ka qaataan Ilaalinta diinta iyo dhaqankeenna suuban.

Halgan.net

Nadwadii Boosaaso ka socotay oo uu Sh C/Wahaab Sheekh uu si xeel dheer uga hadlay Bilowgii Takfiirka.[Daawo Video]

Tue, 04/18/2017 - 23:31

Boosaaso:-Waxaa su’aalo iyo jawaabo oo ay culimada ka qayb galaysa Nadwada Boosaaso ee ka socota Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ay wiidiiyeen dadweynaha ka soo qayb galay nadwada waxaan culimada ay uga jawaabeen dhamaan su’aalihii ay soo gudbiyeen dadweyanaha dhagaysanayey Nadwada.

Sheekh. Cabdiwahab Sheekh ayaa waxaa uu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed ee u soo joogay waqtigii ay fikriga Takfiirka ay timid Soomaaliya waxaan Sheekhu ka waramay xaaladii waqtigaa jirtay iyo sidda weyn oo ay culimada Soomaaliyeed ay uga hortageen Fikrigaan Qaloocan ee dadka Muslinka ah Gaalaysiiya.

Hoos ka Daawo qaybta 1aad oo uu Sh C/Wahaab Sheekh uu si xeel dheer uga hadlay Bilowgii Takfiirka

Hoos ka Daawo qaybta 2aad ee Su’aalo Iyo Jawaabo Nadwadii Bosaaso waxaan ka qayb galay Sh. Dr Aadam Sh Cali, Sh Fu’ad Xaaji Nuur, Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame

M_M_Deeq
Halgan.net

Nadwo cilmiyeedii ka socotay Magaalada Boosaaso oo gashay Habeenkeedii 4aad.[Masawiro]

Tue, 04/18/2017 - 22:25

Boosaaso: waxaa caawa gashay habeenkeedii afaraad nadwo cilmiyeedii diiniga ahayd ee ka socotay magaalada Boosaaso, gaar ahaan masjidka wayn ee Al-rowda. Darsiga caawa ee nadwada ayaa cinwaan kiisu ahaa “ Ilaalinta Midnimada Ummadda iyo Nidaamka Waa Waajib diini ah”, waxaana soo jeedinayay. Dr.Sh.Aadam Sh. Cali, oo ka mid ah culimadada reer Kenya .Shiikhu ugu horayn waxa uu aad ugu dheeraaday Aayadaha quraanka iyo axaadiiista nabiga (NNKH), ee tilmaamaya waajibnimada ilaalinta midnimada ummadda.

Pages