News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 56 min 19 sec ago

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota (Masawiro+Video)

Mon, 11/13/2017 - 21:25

Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweyne ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa billaabatay.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day ,sanadkii 1991, ayaa fileyso in doorashadan ay xoojiso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Halkan ka daawo: Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamud Silaanyo iyo seddaxda musharrax ee xilka madaxweyne ee #Somaliland oo coddeeyay.

Halkan ka daawo Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamud Silaanyo iyo seddaxda mushar...

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Shan arrimood oo ku saabsan doorashada Somaliland
Maxaa ka dhigay doorashada Somaliland mid taariikhi ah?
Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku taqasusay dhaqaalaha ayaa go’aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

[See image gallery at halgan.net]

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Hargaysa ayaa weli buuxda halkaas oo dad badan ay safaf ugu jiraan in ay codeeyaan.

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Hargaysa ayaa weli buuxda halkaas oo ...

Somaliland oo sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, waxay fileysaa in doorashadan madaxtinimo ay xoojiso dadaalkooda caalamka ee ay ku doonayaan in ay ku helaan aqoonsi.

Guddiga doorashada oo arrintaasi ku amray shirkadaha isgaarsiinta wuxuu sheegay in ay ka hortagayaan “wararka beenta ah”.

Balse hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna sheegtay “war helidda in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah”.

BBC Somalia
Halgan.net

Ciidanka PSF ee Puntland Oo ka Wada Howlgallo Kadhan ah Daacish gobalka Bari (Masawiro)

Mon, 11/13/2017 - 20:28

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada PSF ee Puntland ay howlgalo ka wadaan deegaano badan oo hoos taga gobalka Bari howlgaladaas oo ka dhan ah kooxda Daacish .

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay howlgalo ka fuliyeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aaga degmada Balidhidin iyo tuulada Beeliwacatay ee gobolka Bari.
Hawlgalladan ay ciidamada Puntland ee PSF muddooyinkan dambe waxay ka wadaan howlgalo lagu baacsanayo kooxda Daacish Buuraha Cal Miskaat iyo Cal Madow ee gobolada Bari iyo qeybo ka mid ah gobalka Sanaag.

[See image gallery at halgan.net]

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa inta Daacish laga sifeyn doono Buuraha Cal Miskaat .

 

M_M Deeq
Halgan.net

Wasiirka Amniga Puntland Iyo Wafti uu horkacayo oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar

Mon, 11/13/2017 - 20:27

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska  iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland.

 “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku.

Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada awqooyi ee Soomaaliya.

“Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

[See image gallery at halgan.net]

“Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay  adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Wasiirka amniga ee JFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo (Masawiro)

Mon, 11/13/2017 - 19:51

Kismaayo:-Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo Wafdiga la socday waxaa si haboon ugu soo dhaweeyey garoonka magalada Kismaayo Wasiirka Wasarada Amniga ee dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo mas’uliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlad Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu garoonka ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta kale soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay, waxaana uu tilmaamay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

[See image gallery at halgan.net]

Socdaalka Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ka furmay magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyada dalka, kaasi oo maal maha soo socda lasoo gbo gabayn doono.

Xigasho (SONNA)
Kismaayo

Khudbadii Masjidka Saalixyada oo looga hadlay Doorashada S/land Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame (Daawo)

Sun, 11/12/2017 - 19:21

Burco:-Waxaan idiin soo gudbineynaa Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Saalixyada e Magaalada Burco waxaana Khudbada jeediyey Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame waxaana uu Sheekhu uga hadlay Doorashada la filayo in ay birito ka dhacdo S/land waxaana uu cinwaan uga dhigay khudbada sheekha Talooyin ku saabsan doorashooyinka masuuliin iyo shacaba iyo waajibka saaran .

Sheekh Dr Xasan Sh Cali Warsame ayaa waxaa kale oo uu khudbada uga hadlay aadna ugu xeel dheeraaday qof la rabo in la doorto iyo hadii la doorto qof wanaagsan in laga rabo in uu umada ku dhaqo Shareecada Islaamka .

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimaca Ee Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame uu ka jeediyey Masjidka Saalixyada e Magaalada Burco .

Shahaabu Diin
Burco

Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland oo gaaray Degmada Badhan.[Masawiro]

Sun, 11/12/2017 - 19:20

Badhan:-Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa maanta 12 Nov 2017 gaaray Magaalada Badhan, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayey Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekeddaha, wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Badhan Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka degmadda Badhan, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga, Degaanka, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi.

Soo dhaweyn ka dib Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo Hayland aysan ka jirin kana dhici doonin wax doorasho shabaha oo dhinaca Somaliland ka timaada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in faragalinta iyo xadgudubka maamulka Somaaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysaa ay tahay oo kaliya in la jaahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

“meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo og, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga, sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhiga ahayd ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga,

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa tilmaamay in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

[See image gallery at halgan.net]

“Dawladda Puntland cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaamnimo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubtaa waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, ayna ka hortagaan faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaaliland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-Guddoomiyey Shirka looga hadlayey Amniga dalka (Masawiro)

Sat, 11/11/2017 - 15:54

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

[See image gallery at halgan.net]

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

DHAMMAAD—-

Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub u magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen.

Sat, 11/11/2017 - 15:53

Garoowe:-Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                   Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:              Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay                  Guddoomiyaha degmada Dhudhub.

 

  1. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay                Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Jubbaland oo soo bandhigay nin ku eedeeysan Fal kufsi ah oo ka dhacay Bosaaso.[Video]

Fri, 11/10/2017 - 23:41

Kismaayo:-Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan C/qaadir Warsame Axmed oo ah eedeysane gabar Soomaaliyeed damcay in uu kufsado ka dibna markii ay isku diiday dhaawac culus u geystay ka dibna ka soo baxsaday laamaha amniga ee Puntland.

Eedaysane C/qaadir Warsame Axmed ayaa 27-ka bisha October, falkaas foosha xun u geystay Fa’izo Maxamed, oo hadda lagu dabiibayo isbtitaal ku yaal magaalada Muqdisho ee caasomada Soomaaliya.

Laamaha amniga ee Jubbaland ayaa waxaa ay cadeeyeen in ninkaan dambiilaha ah ay u gacan geli doonaa Puntland oo ah halka uu falka ka geystay si loo mariyo cadaalada.

Hoos ka Daawo Jubbaland oo soo bandhigay nin ku eedeeysan Fal kufsi ah oo ka dhacay Bosaaso

A/cawaale
Halgan.net

Shirka Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay Amniga[Masawiro]

Thu, 11/09/2017 - 23:03

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xiran, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xiriirta ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xuray kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi. Sidoo kale, wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kana mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

[See image gallery at halgan.net]

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga Hadlay Amniga Xuduudaha Puntland iyo Arrimo kale

Thu, 11/09/2017 - 15:54

Garoowe:-Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa looga Hadlay Amniga Xuduudaha Puntland, iyo weliba Siyaasad Wadaagga iyo Arrimo Kale. Hoos ka Akhri warsaxaafadeedka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland.

[See image gallery at halgan.net]

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Sidee ku Dooran kartaa Hogaamiye Wanaagsan Sh Dr Feysal Maxamed Cali (Daawo)

Wed, 11/08/2017 - 19:48

Burco:-Waxaan idiin soo gudbineynaa Muxaadaro aad muhiim u ah oo uu jeediyey Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali waxaana uu Sheekhu Muxaadaradiisa cinwaan uga dhigay Sidee ku Dooran kartaa Hogaamiye Wanaagsan taas oo uu Sheekhu uga hadlayey Doorashooyinka ka socda S/land iyo guud ahaan Muslimiinta in ay doortaan hogaan wanaagsan .

Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ,Sheekh ayaa aad ugu faahfaahiyey muhimada doorashada Hogaan wanaagsan iyo Hogaanka wanaagsan marka la doorto wax laga rabo in ay umada u qabtaan

Hoos ka Daawo Sidee ku Dooran kartaa Hogaamiye Wanaagsan Sheekh Dr Feysal Maxamed Cali

Musasat Al-Karam Burco
Halgan.net

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay (Masawiro)

Wed, 11/08/2017 - 18:45

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminyo ayaa maanta 08 Nov 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka gadaal muddo laba todobaad ah oo ay Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashi ee DFS iyo dawladdaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabullaahi Cumar Camey, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in isaga iyo weftigisu Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashiga qaran ee muddada halkaasi kocdey, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ahaayeen qodobo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah dhexmaray, waxaana uu timaamay Madaxweynuhu in heshiiskaasi uu hormuud u ahaa shirkii Kismaayo ee lagu aas aasay golaha iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa xusay in hebeenimadii xalay 07 Nov 2017 isaga iyo guddiga gurmadka Puntland ee masiibadii qaraxii Soobe ku wareejiyeen Madaxda DFS iyo guddigii gurmadka qaran ee DFS deeqdii shacabka Puntland ugu tala galeen walaalahooda ku wax-yeeloobey masiibadaasi, deeqdaasi ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun $491, 107 Dollar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay tacadi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabadh da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka  iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg dega ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoona wakhti xaadirkan lagula tacaalayo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka danbeeyey falkaasi sharciga la horgeydoono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada denbiilihii gaystey falkaasi.

[See image gallery at halgan.net]

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kahadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray Madaxweynuhu shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso, isagoona sheegay inay yihiin shakhsiyaad dana gaarale oo aan ka talinayn danta guud ee shacabka ka dhexaysa, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar u tahay inay kala hadasho kalana fadhiisato ganacsatada iyo dadka wax ku ool ka ah ee arrinkaasi ka qaba fikir.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Ergeyga QM Ee Soomaaliya.

Wed, 11/08/2017 - 18:30

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 Nov 2017 waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade International Airport wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michal Keating.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 Nov 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana Madaxweynaha ayaa tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab,

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada qaranka Soomaliyeed loo-saaray gudi arrimahooda, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamadaasi, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sido kale cadeeyey in Puntland uu ka tisqaaday kana hirgashay nidaamka xisbiyada badan dhawaanna ay shacabka Puntland iyo dawladdooduba gaadhi doonaan doorasho hal qof iyo hal cod ah, kuwaas oo looga gudbi doona nidaamka awood qaybsiga ee hada jira.

Ambassador Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda qaran ee u baahnaa wada tashida, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saaratay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga (Masawiro)

Tue, 11/07/2017 - 19:07

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.

[See image gallery at halgan.net]

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

—–Dhamaaad—

Ciidanka Amniga Puntland PSF oo howl gal ka fuliyey deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari.[Masawiro]

Tue, 11/07/2017 - 17:34

Boosaaso:-Ciidamada Puntland ee PSF ayaa waxaa hawlgalo ciidan ka fuliyeen deegaanka Timirshe iyo weliba Buuraleyda Cal-miskaad oo
ay gobo ka mid ah ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish. Bartilmaameedka hawlgalladan ciidanka PSF ee Puntland ayaa ah mid lagu beegsanayo baraha ay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ay uga sugan yihiin Buuraleyda gobolada Bari iyo gobolka Sanaag ee Puntland.

Howl galka ay ka wadaan ciidanka PSF deegaanka Timirshe iyo weliba Buuraleyda Cal-miskaad aya ku soo beegmaya xili usbucii la soo dhaafay diyaaradaha Maraykanka ay weeraro cirka ka fuliyeen deegaanka Buq oo 60 KM u jirta degmada Qandala. Duqeymaha nocaan oo kale ah oo diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ayaa inta badan dhibato ay ka soo gaartaa dad shacab ah o aan waxba galabsan.

[See image gallery at halgan.net]

Dhinac kale Ciidamada Puntland ayaa waxaa hawlgalo kale ay ka wadaann Galbeedka iyo Buuraha Calmadow halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo dhowr jeer ay dagaalo dhex mareen Ciidanka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Tue, 11/07/2017 - 16:04

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi la socda. Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Kismaayo Madaxweyne ku xigeen Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ,Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Sh.Cusmaan ayaa uga mahad celiyey shacabka reer Kismaayo iyo Madaxda maamulka Jubbaland isaoo sheegay inta uu jooga magaalada Kismaayo in uu kulamo kale duwan la yeelan doona Madaxda Jubbaland , bulshada rayidka wax badan ay ka wada hadli doonan si loo xoojiyey wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo golaha baarlamanka ee Jubbaland.

Dhinac kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mahad u jeediyey wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo uga mahad geliyey socdaalka ay ku yimaden Kismaayo si loo adkeeyo wada shaqaynta labada dhinac.

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare (Masawiro)

Mon, 11/06/2017 - 21:27

Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

[See image gallery at halgan.net]

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

—-Dhamaad—–

Wasiirka amniga JFS oo Doha kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dalka Qatar (Masawiro)

Mon, 11/06/2017 - 20:27

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

—-Dhamaaad—

Pages