News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 14 min 33 sec ago

Mu’asasada Safa oo lacag gudoonsiiyey 200 ku agoontoobay Qaraxii Soobe(Masawiro)

Sun, 11/05/2017 - 20:10

Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo kaashaneysa Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa maanta kaalmo lacageed gudoonsiiyey 200 Agoon oo ka kala socdey 70 Qoys oo ka mida dadkii musiibadu kasoo gaadhey dhacdadii Soobe ee 14-kii bishii October ee na dhaaftey.

Agoon walba waxaa la gudoonsiiyey lacag $300 Dollar, taas oo loogu tala galey iney kaabid u noqoto Nolasha & Waxbarashada Agoonka muddo 6 bilood ah.

Agoonta maanta kaalmada lacageed la gudoonsiiyey waxaa ka mida kuwo isku darsadey rajanimo & agoon.

Deeqdan oo ku dhaweyd $70,000 waxaa Agoonta soo gaarsiiyey jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ooy wakiil uga ahaayeen:

1- Sh. Maxamuud Maxamed Adar

2- Xaaji Caynte Cusmaan

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socdey gudiga Qaran ee gurmadka musiibadii dhacdey, Culima’udiin, ganacsato, Maamulka cusub ee Safa & marti sharaf kale.

[See image gallery at halgan.net]

Dhamaan xubnihii goobta ka Hadley ayaa bogaadiyey kaalmeynta Agoonta abayaashood ku waayey mudiibadii dhacdey, waxaa sidoo kale la booriyey in lasii wado gacan siinta Qoysaska & Agoonta faraha badan ee musiibadii dhacdey ay saameynta balaaran ee naf & maalba leh ku yeelatey.

Muqdisho 15 Safar 1439 05 November 2017

وبالله التوفيق

Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta .

Akhriso: War murtiyeed ay ku heshiiyeen Madaxda DFS iyo maamul goboleedyada (Masawiro)

Sun, 11/05/2017 - 14:44

Muqdisho:-Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:
1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo

Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.
c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga

a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.
ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.
iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).
ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.
iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka

a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.
b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.
c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.
d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

[See image gallery at halgan.net]

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.
b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.
d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka

a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.
c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.
b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

——————-DHAMMAAD————

Gudiga Gurmadka Qaraxii Soobe ee Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.[Video/Masawiro]

Sat, 11/04/2017 - 20:18

Muqdisho:-Wafdi iskugu jira culimo’udiin iyo wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta waxaa ay socdaal ku gaareen magaalada Muqdisho si ay gudiga taakuleynta Musiibadii is-goyska Soobe ugu wareejiyaan lacag tabarucaad ah oo culimadu ka soo aruuri yeen deegaanada Puntland. Waftigan saaka ka ambabaxay magaalada Boosaaso kana dhoofay garoonka Diyaardaha ee Boosaaso waxayna ka koobnaayeen Wasiiro ,Culumo’udiin, ganacsato iyo masuuliyiin ka socda waxaa ay kala yihiin:-

-Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade

-Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje

-Mareeyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid

-Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire.

-Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf

-Sh.Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur

-Sh.Yaasiin Abdulaahi

– Madaxa Mu’assadda Al-minhaaj Sh Maxamed Cabdulaahi.

Hoos ka Dhagayso Sh Fu’aad Xaaji Nuur oo idaacadda VOA ka waraystay safarkooda Muqdisho


Wafdiga oo maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan 2-da gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno Xildhibaano ah iyo culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo aruuriyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa gaareysay In ka badan 480,000 kun oo Dallar taasi oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

[See image gallery at halgan.net]

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceynsane ayaa mahad u jeediyey shacabka Puntland iyo Madaxda Puntland wuxuuna wasiirku xusay in Soomaali ay midnimo haddii laga hello ay iyagu is caawin karaan.

Hoos ka Daawo wafdi ka socda Puntland oo Deeq Lacageed Gaarsiisayey magaalada Muqdisho

M_M_Deeq
Halgan.net

Ciidanka Amniga Puntland PSF oo howl gal ka fuliyey deeganka Harweyn ee Buuraha Cal Madow.[Masawiro]

Sat, 11/04/2017 - 18:46

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland PSF oo ay weheliyaan ciidamada kale ee difaaca dowladda Puntland ayaa maanta 04 November, 2017 waxaa ay howl gal ka fuliyeen si wada jir ah Buuraha Calmadow gaar ahaan degaanka Harweyn ee Buuraha Cal Madow.

Sarkaalka u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howl galka ay ka fuliyeen deegaanka Harweyn ay guul ka gaareen ayna burburiyeen saldhig ay cidanka Al-shabaab ku lahayeen deegaanka waxaan uu sheegay in howl galku uu sii soco doono.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka Amniga Puntland (PSF) iyo Ciidanka badda Puntland ay howl gal ka fuliyeen si wada jir ah Buuraha Calmadow gaar ahan deegaanka Dolqooxle oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Sanaag iyagoo sheegay in howl galkaas ay ku soo qabteen 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

[See image gallery at halgan.net]

Ma ah markii ugu horaysay oo dagaalo fool ka fool ah ay ku dhexmaraan deegaano ka tirsan Buuraha Calmodow ciidanka Puntland iyo ururka Al-shabaab waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhinac Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Calmadow ayaa weeraro gaadmo ah oo dhowr ah ku qaaday fariisamo ay leeyihin ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku geysteen khasaaro kale duwan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxda Soomaliya oo go’aan midaysan dul dhigtay sariikiisha AMISOM

Sat, 11/04/2017 - 15:53

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa siweyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka looga ciribtirayo Alshabaab iyada oo sidoo kale la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

—-Dhamaad—

Sh .Maxamuud Shibli oo maanta khudbadii Jimce kaga hadlay حرمة دم المسلم.[Daawo]

Fri, 11/03/2017 - 23:03

Nairobi:-Sh .Maxamuud Sh.Maxamed Shibli, ayaa maanta Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi, waxaa uu ka soo jeediyey khudbo qiima badan, taasoo uu uga hadlayey حرمة دم المسلم in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhiiga qofka Muslimka ah oo aysan banaanay in lagu xadgudbo.

Hoos ka Daawo حرمة دم المسلم || خطبة || فضيلة الشيخ محمود محمد الشيلي

Hoos ka Daawo khudbadii Jimacaha Xurmada Dhiigga Muslimka Sh Shibli

A/cawaale
Halgan.net

Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Saalixiyada Sheekh Dr Xasan Sh Cali Warsame (Daawo)

Fri, 11/03/2017 - 21:25

Waxaan idiin soo gudbineynaa Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Saalixyada e Magaalada Burco waxaana Khudbada jeediyey Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame waxaana uu Sheekhu uga hadlay Khudbadiisa Muhiimadda ay leedey inay bulshadu isku duubnaanto o ay isku kalsoonaadaan.

Sheekh Dr Xasan Sh Cali Warsame ayaa waxaa kale oo uu khudbada uga hadlay waxyaabaha baryaham ka socda Socail media ee ay is dhaafsanayaan madaxda xisbiyadda,Somaliland hadaladaas oo sababi kara bur-bur iyo nabad galyo xumo.

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimaca Ee Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame uu ka jeediyey Masjidka Saalixyada e Magaalada Burco .

Halgan.net

Guddoomiyeyaasha Golaha shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday (Masawiro)

Fri, 11/03/2017 - 19:26

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

[See image gallery at halgan.net]

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

——– Dhamaaad—-

Bulshada Galdogob oo lacag ku wareejisay gudiga gurmadka culimada ee musiibadii Isgoyska Soobe.[Video]

Fri, 11/03/2017 - 19:09

Galdogob:-Bulshada Somaaliyeed ee ku nool degmada Galdogob ee Gobolka Mudug oo ay horkacayaan culimada iyo dhalinyarada magaalada ayaa waxaa ay gurmada u sameeyeen walaalahood Soomaaliyeed ee lagu laayey qaraxii ka dhacay Is-gosyska Soobe e magaalada Muqdisho.

[See image gallery at halgan.net]

Galabnimadii Talaadada ayaa deeq lacageed oo gaaraysa 5400 oo doolar oo ay dhalinyarada iyo Culimada degmadu iska kaashadeen waxaa ay kuwareejiyeen Gudiga gurmadka Musiibadii soobe.

Hoos ka Daawo bulshada degmada Galdogob lacag wareejinta gudiga gurmadka culimada musiibadii ka dhacday isgoyska Soobe

A/cawaale
Halgan.net

Duqeyn lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya[Dhagayso]

Fri, 11/03/2017 - 18:53

Qandala:-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay. Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Duqeyntan wax ka weydiiyay, Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe waraysi siiyey VOA

VOA

Madaxweynaha Puntland oo kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada 2-da Aqal ee DFS.[Masawiro]

Fri, 11/03/2017 - 08:52

Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 02 Nov 2017 kulan casho sharaf ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland.

Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

1. Isxog waraysi.

2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS.

3. Qaybsiga khayraadka dalka.

4. Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka.

5. Ka wada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada.

[See image gallery at halgan.net]

shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka (Masawiro)

Thu, 11/02/2017 - 21:40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale.

kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka ee Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab.

[See image gallery at halgan.net]

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

—Dhamaad—

Madaxweynaha Puntland oo si ku meel gaar ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Thu, 11/02/2017 - 15:43

Garoowe:-Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax. Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo

Wuxuu Xeeriyay :

1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.

3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna
Saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab.[Masawiro]

Thu, 11/02/2017 - 15:42

Muqdisho, 1 November 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.

[See image gallery at halgan.net]

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.

—DHAMMAAD—

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xirnaanshaha Dekeda Bosaaso oo ka dhacay Boosaaso.

Wed, 11/01/2017 - 20:41

Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso.

Dadka mudaahraadayey oo u badnaa xaamalatada Dekada magaalada Bosasao iyo ganacsatada bagaashka keena magaalada Bosaaso ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee soo gala Dekada waxayana aad uga cabanayaan Dekkeda magaalada oo xiran saaka waxaa kale oo ay ka cabanayeen Shirkadda DP World oo lagu wareejiyey Dekkeda magaalada Boosaaso.

Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa xabad ku kala eryey dadkii sameynayey Banaanbaxa waxaana la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen 3 qof kuwaas oo la dhigay Isbitaalada magaalada Boosaaso.

Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay rasaas ay rideen ciidanka amaanka .

Xaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ah caawa mid degan ,Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa wada qorshe ay kula wareegeyso Dekkadaha Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah oo soo galay Xuduudka Doolow ee Soomaaliya

Wed, 11/01/2017 - 20:07

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo watana Gaadiidka dagaalka ayaa u soo talaabay Soomaaliya gaar ahaan xuduudka Doolow uu la wadaago dalka Itoobiya.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ciidamo hor leh kuwaas oo la sheegayo in ay ku soo qul qulayaan gobalka Gedo ,Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamadan ay u socdaan raxan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Xuseen Al-qaadi oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya oo hor leh ay soo galeen gobalka Gedo.

Maxamed Xuseen Al-qaadi Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay ujeedka ay ciidamadan u soo galeen dalka uu yahay codsiga Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ka dib socdaal uu ku soo maray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya isaga ka codsaday in garab lagu siiyo la dagaalkanka kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

 

Sh.c/naasir Xaaji Axmed oo ka hadlay olalaha doorashooyinka S/land[Video]

Wed, 11/01/2017 - 15:46

Laascaanood:-Sh.C/naasir Xaaji Axmed oo ka mid Culimada Soomaaliyeed kuwooda caansan uguna waaweyn kuna nool magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka hadlay dhaqan xumo fara badan oo dhinac socota Ololaha Doorashooyinka Maamulka Somaliland.

Hoos ka Daawo Sh c naasir xaaji axmed oo si adag uga hadlay olalaha dorashooyinka Somaliland

A/cawaale
Halgan.net

Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah oo bayaanka soo saaray Qaraxii Is goyska Zoobe

Wed, 11/01/2017 - 15:45

Muqdisho:-Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah waxa uu uga tacsiyaynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, musiibadii naxdinta lahayd ee ka dhacaday Sabtidi 24/muxaram/1439, 14/ 10/2017 Magaalada Moqdisho. Waxaanu Alle uga baryayaa naxariistii Janno inuu ka waraabiyo intii dhimatay cafiimaadna siiyo inta uu dhaawacu soo gaadhay.

Halkaan ka akhriiso bayaanka Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah ka soo saareen qaraxii Is goyska Zoobe

A/cawaale
Halgan.net

 

Guddoomiye Jawaari oo Shirka Baarlamaanka Carabta uga qeyb galay Suudaan (Masawiro)

Tue, 10/31/2017 - 19:27

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada dalalka carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta wadanka Suudaan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Suudaan waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS U matalaya Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka carabta ee Baarlamaanka carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa ugu horeyn u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkan dalalka carabta u leeyahay.

[See image gallery at halgan.net]

Shirkan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaaday dalkan Suudaan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka carabta.

——Dhamaad——

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Mon, 10/30/2017 - 16:04

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Pages