News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 3 hours 3 min ago

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Safiir Ku-xigeenka Dalka Jarmalka ee Soomaaliya.[Masawiro]

Wed, 08/30/2017 - 17:49

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 qasriga Madax tooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyna kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana lagaga arrinsaday kulankani arrimo ay ka mid ahaayeen adkaynta xidhiidh ka labada dhinac iyo  mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu horayn weftigani kusoo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana uu kusimaha Madaxweynuhu tilmaamay inay tahay muhiim in layska kaashado sidii loo xoojin lahaa loona wanaajin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Jarmalka, taasi oo suura gelin karta in uu sii wanaagsanaado xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya hadda labada dhinac.

[See image gallery at halgan.net]

Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa weftiga uga warbixiyey mashaariicda horumarineed ee dalka jarmalku ka hirgeliyo Puntland muhiimadda ay u leeyihiin shacabka iyo dawladda Puntland, maadaama ay salka ku yahaan kobcinta arrimaha aasaasiga ah ee bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeedba, isla markaana waxa uu uga mahadceliyey dawladda Jarmalka mashaariicda horumarineed ee ay ka fullinayaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Safiir kuxigeenka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa cadeeyey inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana uu sidoo kale hoosta ka xariiqay inay sii laban laabi doonaan mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay kuyimaadeen iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Maamulka Gal-Mudug oo warsaxaafeed ka soo saaratay diyaaradaha sidda gargaarka bani’aadamnimo

Wed, 08/30/2017 - 17:35

Cadaado:-Maamulka Gal-Mudug ayaa waxa uu warsaxaafadeed ka soo saaray maanta in diyaaradaha gargaarka bani’aadamnimo sidda ee ka soo dega Garoomada diyaradaha ee Gal-Mudug aan wax lacag canshuur ah aan laga qaadi karin.

Hoos ka eeg warsaxaafeedka ka soo baxay wasaaradda gadiidka ee maamulka Gal-Mudug.

[See image gallery at halgan.net]

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka Daah-Furay Mashruuca Xoojinta Caafimaadka Puntland ee 2017-2019.[Masawiro]

Wed, 08/30/2017 - 17:32

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 magaalada Garoowe ka Daah-furay mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, waxaana mashruuca maalgeliyey Bangiga horumarinta Jamarlka.

Daahfurka Mashruucani balaadhan ayaa waxaa madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha ku weheli naayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar Camey oo kahadlay daahfurka mashuucani ayaa sheegay in mashruucani yahay mid wax weyn ka taridoona hawlaha horumarineed ee caafimaadka Puntland, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in mashruucani isugu jiro hawlo caafimaad iyo dhismayaal ruggo caafimaad oo laga hirgelinayo labada gobol ee Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in mashariicdani tahay mid muhiima taasi oo ka kooban dhismayaal ruggo caafimaad, tayaynta shan cusbitaal oo kuyaala labada gobol ee Nugaal iyo Mudug, dhisme cusub oo xarun caafimaad ah oo laga hirgelindoono Garoowe iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo lagu kordhin doono dhimeyaal sucub iyo dib u dayactir.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dib u habayn iyo dayactir lagu samayn doono 20 MCH iyo daboolidda hawlaha caafimaad ee aasaasiga ah ee labada gobol ee Nugaal iyo Mudug oo iyana kamidda qorshe yaasha lagaga faa’iidaysanayo mashruucani horumarinta caafimaadka Puntland ee 2017 -2019.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in mashaariicaha dalka Jarmalku ka fullinayo gudaha Puntland ay badan yihiin oo ay kamid tahay dhismaha waddada Gaalkacayo-Garoowe oo ay dawladda Jarmalku bixisay dhaqaalaha lagu hirgelinaayo waddadaasi.

[See image gallery at halgan.net]

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay mashaariicdani u leedahay Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba ee ku sugan guddaha Puntland, waxaana uu sidoo kale kahadlay waxqabadka balaadhan ee Wasaaradda Caafimaadku ka qabatay goboladda Puntland iyo kuwa hadda qorsha ugu jira inay fulliso oo dhamaantood waxtar buuxa u leh arrimaha caafimaadka ee Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa u mahadnaqay hawl-wadeenadda Waaradda caafimaadka iyo hay’addaha hawlwadeenka la ah Wasaaradda sida wanaagsan ee ay u dardar gelinayaan, isagana kaashanayaan socodsiinta mashaariicaha muhiim ka ah ee wax tarka u leh shacabka dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Sucuudiga Kulan Kulayeeshay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.[Masawiro]

Mon, 08/28/2017 - 16:01

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo guddashada wajibaad ka Xajka u jooga dalka Sucuudiga ayaa maagaalada Jidda ee dalkaaasi Sucuudiga kulan kula yeeshay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar ayaa waxa ay kaga wadda hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha Puntland, iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, adkaynta xidhiidhka Puntland iyo Sacuudiga iyo sidii dalka sucuudigu maalgashi caalami ah uga samayn lahaayeen   Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn uga mahad naqay soo dhoweynta Amiirka iyo guud ahaan masuuliyinta kala duwan ee uu kulamada kala duwan laqaatay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen una qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu Madaxweynuhu amiirka usoo jeediyey inay tahay muhiim in laga wadda hadlo sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeya Puntland iyo dalkaasi Sacuudiga, sidoo kalena loosii wanaajin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadda dhinac.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa ka wadda hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in maanta Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leedahay, isla markaana ay kasoo kabatay dhibaatooyin badan oo soo gaadhay muddo dheer oo haatan laga joogo in ka baddan labaatan sano, dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dhammaan dawladdaha xunaha ka ah DFS ayaa diyaar u ah kana middaysan sidii loo midayn lahaa ummadda Soomaaliyeed, looguna horseedi lahaa nabad iyo horumar.

[See image gallery at halgan.net]

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay soo dhoweynayaan maalgashiga dalalka ay saaxibadda dhaw la tahay iyo cid kasta oo kale oo danaynaysa inay maalgashtaan Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dalka Sucuudiga iyo Puntland ay leeyihiin xidhiidh taarikhi ah oo salka kuhaya maalgashiga, ganacsiga iyo wax wadda-qabsiga.

Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisa dalkaasi Sucuudiga, waxaana uu xaqiijiyey in xidhiidha Puntland iyo dalka Sucuudi Arabia ahaa mid soo jireena oo xaqiiq ku salaysan, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in Dalka Sacuudigu danaynayo maalgashiga dhulka dihin ee taarikhda badani ku duugan tahay ee Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gudajira gudashada waajibaadka Xajka, isaga oo kamidda malaayiin Muslimiina oo sanadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFITA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Taliyaha Booliska Puntland oo ka hadlay Sababta Shaqada looga Joojiyay.[Video]

Mon, 08/28/2017 - 15:49

Garoowe:-Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Faarax Erag oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu xusay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shaqada ka joojiye maalintii shalay ayaa waxaa uu ka warbixiyey sababaha shaqada looga joojiyey.

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Faarax Erag ayaa sheegay in sababaha shaqada looga joojiyey ay ahayd in Taliyaha Saldhiga dhexe Garoowe uu Dhame Maxamuud Muuse Bile uu sii daayey 13 dhalinyaro arday ah oo uu soo xiray Gen.Muxayadiin Axmed Muuse uuna ku eedeeyey in ay yihiin Falal burcad ah.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Sareeyo Guuto Cabdiqaadir Faarax Erag

M_M_Deeq
Halgan.net

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shaqada ka joojiyey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland.

Mon, 08/28/2017 - 15:48

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha Ciidamada Booliska Puntland. Cabdulqaadir Faarax Shire (EREG) ka dib dood ka dhalatay dhalinyaro 13 ah oo lag sii daayey xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe uuna soo xiray Taliyaha ciidanka aragagixa la dirirka Gen . Muxiyidiin.

Hoos ka eeg warqada uu shaqada uga joojiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.

[See image gallery at halgan.net]

 

A/cawaale
Halgan.net

Laamaha Amaanka ee Muqdisho oo Fashiliyey Qarax Khaasaro badan Geysan lahaa (Daawo)

Sun, 08/27/2017 - 18:16

Muqdisho:-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la soo dhigay meel u dhow halka lagu magacaabo Xaaji Baasto oo ku taal wadada Maka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal ka dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ciidamada Booliska ay ka shakiyeen gaariga la soo dhigay wadada ka dibna ay labada dhinac ka xireen wadada in yar ka dibna uu qarxay gaariga

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray 2 askari oo aan sidaa uga fogeyn halka qaraxu ka dhacay.

[See image gallery at halgan.net]

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa si wadajir ah uga hadlay qarax galabta ay fashiliyeen ciidanka Amaanka waxayna amaan u soo jeediyeen ciidamadii howshaas qabtay.

A/Cawale
Halgan.net

RW Ku Xigeenka oo xarigga ka jaray xarunta maamulka Internet-ka ee Hay’adaha DFS

Sat, 08/26/2017 - 23:11

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay’adaha dowladda (Network Operations Center – NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda.

Xaruntan oo laga qeybiyo Internet-ka lagu bixiyo khadka Fiber Optic-ga ah oo la dhigay ilaa 15 xarumood oo ku yaalla caasimadda ayaa khadka internet-ka laga gaarsiiyaa illaa 26 hay’adood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ah. Mashruucan oo dhinaca maaliyadda uu ka taageero Bankiga Adduunka, wuxuu sidoo kale wasaaradaha u fidin doonaa taageero dhinaca farsamo ah iyo cillad-bixin joogto ah.

Wasiirka Waxbarashada, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan iyo Garyaqaanka Qaranka, Mudane Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa ku tilamaamey xaruntan mid adeeg muhiim ah u haysa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, iyagoo intaas ku daray in adeeggan uu sare u qaadayo waxqabadka iyo wax-soo-saarka hay’adaha dawladda.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknooljiyada, ayaa sheegay in adeeggan uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay Wasaaraddu ku soo ceshaneyso kaalintii laga filayay ee ahayd inay adeegyo teknoolojiyad siiso hay’adaha dawladda. “Waan dareensannahay in adeegga internet ee aan bixinno uusan wada gaarin dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, welina loo baahan yahay in la kordhiyo xawaarihiisa. Hase yeeshee, waxaan ka shaqeyneynaa sidii adeeggaas loo ballaarin lahaa mustaqbalka dhow hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiirku.

—–DHAMMAAD—-

Gudoomiyaha cusub ee Al-Minhaaj Gobalka Nugaal oo Xilkii la wareegay [Masawiro]

Fri, 08/25/2017 - 21:26

Garoowe:-Xafladaan oo ahayd mid uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj faraceeda Gobalka Nugaal aya lagu qabtey Hool ka Macadka Maryama Bintu Cim raan ee Magalada Garowe. Xil-wareejintaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey Madaxda Mu’asasada Al Minhaaj Puntland, Wasaarada Caddaalada Diinta iyo Awqaafta, Aqoon-yahano iyo Haweenka Dacwada Gobalka Nugaal.

Gudoomiyihi hore ee Mu’asasada Al Minhaaj faraceeda Gobalka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Farax oo ka war bixiyey wax qabadkiisi mudadi uu joogey Xafiiska ayaa sheegay iney wax badan u qabsoomeen waxna qabyo yihiin, Isagoo Gudoomiyaha cusub ku booriyey inuu sii dhameystiro howlaha dhiman wuxuuna Alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo.

Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobalka Nugaal Sh.Maxamed Siciid Xassan ayaa uga mahad celiyey Sheekh Mukhtaar wax qabadkiisa, Isagoo sheegey inuu dedaalka halkaasi ka si wadi doono, Sheek Maxamed Siciid ayaa ka codsadey bulshada Gobalka Nugaal iney si fican ula shaqeeyaan.

Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka hadley xaflada xil-wareejinta ayaa sheegey iney Al Minhaaj ahayd abuur wanagsan iyo hindise ka yimid Culumadda, wuxuu intaasi ku darey shaqooyin badan ay qabtey isla markaana waxyaabaha harey laga doonayo Gudoomiyaha cusub oo uu shegey inuu yahay mirihi Al-minhaaj.

[See image gallery at halgan.net]

Wasiir ku xigeen ka Wasaarada Caddaalada Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland Dr Abdifitaah Xassan Xuseen oo soo xirey xaflada ayaa bogaadiyey Mu’asasada, wuxuna sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono Gudoomiyaha cusub, Isagoo ka codsadey in loo geeyey feelasha wax qabad ee Mu’asasada Al Minhaaj si uu uga war hayo.

Maxamed Fowsi Askar

Al Minhaaj.com

Muxaadaraadkii laga jeediyey Mutamarkii Iskandinafiyanka ee lagu qabtay Örebro (Daawo)

Fri, 08/25/2017 - 19:44

Sweden:-Waxaan idiin soo gudbineynaa Mutmarkii Iskandinefiyanka ee sanad laha ahaa waxaana sanadkan lagu qabtay dalka Sweden gaar ahaan magaalada Örebro.

Mutamarka ayaa waxaa sanadkan uu cinwaankiisu ahaa Dhismaha Bulsho Muslin ah oo is heysta wuxuuna ahaa Mutamarkii 25aad .

Waxaa mutamarka ka soo qeyb galay Culumada kala ah

1-Sh Dr Cali Maxamed Saalax
2-Sh Dr Cabdi Nuur Maxamed
3-Sh Dr Cabdi Wel Sh Maxamed
4-Sh Maxamed Idirs Axmed
5-Sh C/raxmaan Abyad
6-Sh Saciid Raage
7-Sh Yuusuf Axmed
8.Sh Maxamed Cali Mowliid

Mutamarka ayaa culumada waxaa ay ka jeediyeen muxaadaraad qiimo leh waxayna dadweynihii ka soo qeyb galay uga jawaabeen su,aalooyin kala duwan waxaa ka mid ahaa muxaadaraadkii laga jeediyey Mutmarka

1-Tarbiyada Caruurta
2-Ilaalinta Sirta Guryaha
3-Manhajka nabiga ee saxida khaladaadka
4-Ku wada noolaanshaha nabada wadamada Reer Galbeedka
5-Islaamka oo lagu walaaloobo
6- Cadaalada waa asaaska Dhismaha Bulshada
7-Danbiyada iyo Raadka xun ay ku reebaan Bulshada
8-Fitnada iyo halka uu qofka Muslinka loo baahan yahay in uu ka Istaago.
9-Halista Maandooriyaha u leeyahay Bulshada.
10-Ilaalinta iyo dhowrista bulshada Muslinka ah
11-Kaalinta Masjidka ku leeayahay tarbiyada dhalinyara oo ah tiirska Bulshada
12-Adaabta Daaciga Muslinka ah .
13-Sidee Dhalinyarada looga Badbaadiya dhaqankooda iyo diintooda
14-Weelka Salka ka Daloola yey noqon Bulshada Muslinka ah.

Hoos ka Daawo Dhamaan Muxaadaraadkii laga jeediyey Mutamarkii 25aad ee wadamada Iskandenefiyanka

1-Tarbiyada Caruurta Sh C/raxmaan Abyad

2-Ilaalinta Sirta Guryaha Sh Dr Cabdi Nuur Maxamed

3-Manhajka Nabiga CSW ee Saxida Khaladaadka Sh Dr Cabdi Weli

4-Ku Wada Noolaanshaha Nabada Wadamada Reer Galbeedka Sh Maxamed Idirs Axmed.

5-Islaamka oo lagu walaaloobo Sh Maxamed Cali Mowliid.

6- Cadaalada waa asaaska Dhismaha Bulshada Sh Maxamed Idirs Axmed

7-Danbiyada iyo Raadka xun ay ku reebaan Bulshada Sh Yuusuf Axmed

8-Fitnada iyo Halka uu Qofka Muslinka loo baahan yahay in uu ka Istaago Sh Dr Cali Maxamed Saalax

9-Halista Maandooriyaha u leeyahay Bulshada Sh Dr Cali Maxamed Saalax.

10-Ilaalinta iyo dhowrista bulshada Muslinka ah Sh Dr Cabdi nuur Maxamed.

11-Kaalinta Masjidka ku leeayahay tarbiyada dhalinyara oo ah tiirska Bulshada Sh Saciid Raage

12-Adaabta Daaciga Muslinka ah Sh Saciid Raage

13-Sidee Dhalinyarada looga Badbaadiya dhaqankooda iyo diintooda
14-Weelka Salka ka Daloola yey noqon Bulshada Muslinka ah.

Hoos ka Daawo Halgan web Tv Station Broadcasting oo aad ka heleyso Duruus iyo Muxaadarooyin kala duwan

Halgan.net
Sweden

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay Amiga, dhibaatadda Shillin Soomaaliga

Thu, 08/24/2017 - 22:41

Garoowe:-Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa maanta  looga hadlay Amiga, dhibaatadda ka taagan Shillin Soomaaliga ee ka taagan degaanada iyo gobalada Puntland iyo arrimo kale.

[See image gallery at halgan.net]

M_M Deeq
Halgan.net

Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada JFS oo looga Hadlay Arimo kala Duwan

Thu, 08/24/2017 - 21:48

Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale.
Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tanoo dad badan naftooda ku waayey. Sidoo kale doomanka waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasaarada ayaa wada qorshe lagu ururinayo canshuuraha si loo kordhiyo dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa golaha siiyey warbixin kooban oo ka hadleysa horumarka wadatashiga hannaanka dib u eegista dastuurka oo dowlad goboleedyada la gaarsiiyey wadatashiga bulshada, isla markaasna maamulka gobolka iyo degmooyinka Benadir lala sameeyey wadatashiga Maqaamka Muqdisho. Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagay golaha caqabadaha jira sida dhaqaalaha, amniga, iyo arrimo kale. Wasiirka ayaa sheegay in Shirweyne Wadatashi Qaran la qaban doono dhammaadka bisha September.

La Taliyaha Ra’iisul Wasaarahaa ayaa soo bandhigay waxqabadka Wasaaradaha uguna baaqay Wasiirada inay labo jibaaraan waxqabadkooda si shacabka loola wadaago oo isla xisaabtan dhab ah loo hirgeliyo.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Golaha ayaa maanta loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinisga oo ay soo gudbisay Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka iyo Hindise Sharciyeedka Urarada Aan Dowliga aheyn (NGO) oo uu soo gudbiyey Wasiirka Qorsheynta. Labadaan sharci ayaa xubnahu ay soo akhrisan doonaan si looga doodo, loona ansixiyo shirarka danbe.

——-DHAMMAAD—–

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee QM (Masawiro)

Thu, 08/24/2017 - 20:34

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

[See image gallery at halgan.net]

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

—-Dhamaad—

Dufcaddii 10aad oo Ka Qalin Jabisay Mac-Hadka Khadiija ee Magaalada Garowe (Masawiro)

Wed, 08/23/2017 - 20:20

Garoowe:-Waxaa maanta ka qalin  jabiyay Machadka Khadiija Bintu khuweylid ee Barashada Shareecada Islaamka   dufcadii 10aad Ahna Tiradii ugu badnayd ee Intii uu jiray Machadu Kaqalin jabisa.

  Dufacdaan Maantay Kaqalin jabisay ayaa dhamayd 63arday oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho sida uu sheegay Maamule kuxigeenka Machadka Cabdalla saciid Khayaad.

Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Wasiirka Arimaha diinta  Dowlada puntland /Culima Aw Diin /Madaxda Mu’asasda Al-minhaaj /Mamulka &Mcaliimnta Machadka Khadiija Bintu Khuweylid Iyo Waliba marti sharafkaloo badan.

Waxaa xusid mudan in labadii arday oo ugu sareeyey ay jaamacadda bariga afrika  iyo mu’asasada alminhaaj u ballan qaadeen deeq waxbarasho.

[See image gallery at halgan.net]

Xafladu Waxay kusoo dhamaatay Jawi farxad ka muuqato dhamaan ardaydii iyo waalidiinta ayaa siwadajir ah  uga mahadceliyay Mamulka Iyo Macalimiinta Khadiija Bintu Khuwaylid .

Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net

Raisulwasaaraha DFS oo magacaabay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud

Tue, 08/22/2017 - 22:13

Ra’iisul wasaaraha JFS Xasan Cali Khayre ayaa galabta magacaabay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka, kaas oo buuxin doona booskii alaha u naxariisto wasiirkii hore Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Eng. Saadiq C/llaahi Cabdi, inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Hoos ka Daawo Wareegta Raisulwasaaraha DFS ku magacaabay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka

[See image gallery at halgan.net]

 

A/Cawale
Halgan.net

Madaxweyanah Galmudug oo magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug

Mon, 08/21/2017 - 23:03

Cadaado:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa galabta magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub ee maamulka Galmudug waxaana uu Madaxweynaha Galmudug magacaabay 22 wasiir 22 wasiir ku xigeen iyo 8 wasiiro dowlo.

Hoos ka Akhriso Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Galmudg Axmed Ducaale Xaaf.

[See image gallery at halgan.net]

A/Cawale
Halgan.net

DFS oo Go’aan Ka Gaartay Khilaafka Siyaasadeed ee Maamulka Hirshabeelle

Sun, 08/20/2017 - 16:42

Muqdisho:-Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa cadeysay mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosan kana taagnaa Maamulka Hirshabelle.

Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in ay qadarinayaan go,aanka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle waxay ku baaqaday DFS qabashada Doorasho Madaxweyne Hirshabeelle

Madaxweyanaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyey madaxada DFS in ay ka shaqeeyeen burburka Maamulka Hirshabeelle isaga oo shalay gaaray magaalada Muqdisho kulamana la qaatay xubno ka tirsan beesha Caalamka.

Hoos ka Akhriso wareegta ay soo saartay wasaarada arimaha gudaha ee DFS .

[See image gallery at halgan.net]

A/Cawale
Halgan.net

 

Maamulka cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj (faraca Galdogob)oo la magacaabay

Sat, 08/19/2017 - 15:26

Shir ay isugu yimaadeen qaybaha ugu muhiimsan ee goloyaasha iyo xubnaha Muassasada ayaa galabnimadii Jimceha 18/08/2017 ka dhacay xarunta Mu’asasada.

Shirkaan oo qabanqaabadiisa ay lahaayeen culumada golaha ta’siiska ee Muasasada, ayey uga dhawaaqeen Gudoomiyaha cusub ee mu’asasada Sh. Farxaan Axmed Busur oo kamid ahaa culumadii dhawaan kasoo qalin jabisay machadka sare ee ducaada Hargaysa.

Doorashadaan ayaa timid, kadib wadatashiyo iyo kulamo usoo socday golayaasha Muassada afartii bilood ee ugu danbaysay oo aad arintaan loogu lafaguray.

Dhamaan xubnihii goobta soo xaadiray ayaa Shiikha taageeray Allaahna uga baryey inuu u fududeeyo muhimada loo igmaday.

Halka maamulkii hore ee muasasadu uu u wareegay hawl-wadeenada guud ee jaamacadda bariga africa.

Waxaana loo rajaynayaa maamulka cusub inuu la yimaado dardar cusub asagoo sheekhu kamid yahay ragga aadka loogu hanwayn yahay, oo bulshada reer Galdogob uga tilmaaman hal-abuur, hufnaan adeega bulshada iyo dadaalka khayrka.

Mu’asasada Al-Minhaaj
(faraca Galdogob)
Halgan.net

Khudbadii Jimcaha Masjidka Abu Bakar Sh Maxamed Cabdi Umal (Daawo)

Fri, 08/18/2017 - 17:55

Nairobi:-Waxaan idinka soo gudbineynaa Khudbadii Jimcaha Masjidka Abu Bakar ee magaalada Nairobi waxaana Khudbada jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah waxaana uu khudbadiisa uga hadlay 3 dardaaran uu nabiga (scw) ujeediyay Mucaad Bin Jabal .

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimce ee uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ka jeedyey Masjidka Abubakar Assadiq ee Nairobi Af-Soomaali.

Hoos ka Daawo Khudbadii Jimce ee uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ka jeedyey Masjidka Abubakar Assadiq ee Nairobi Af-Carabi.

.

Salaf Media
Halgan.net

Machadka Al-Fatxi oo lagu barto Shareecada Islaamka oo laga furay Burco (Daawo)

Fri, 08/18/2017 - 16:54

Xilli ay Magaalada Burco ay u baahnayd cid arinteeda kor u qaada dacal kasta, ayaa waxaa la furay Machadka Al-Fatxi allaah ha uga dhigo islaamka fure e, waliba gaar ahaan saaxadda dacwada Soomaaliyeed. Xafladdii furitaanka machadka ayaa waxay ka dhacday Masjidka Al-Raxma habeenkii isniita ahaa ee 22|dul_qacdah 1438 oo ku beegnayd 14|8|2017.

Waxay ay xafladdu ilaahay mahadii ku bilaabantay jawi dagan oo ku haboon Waxa kasoo qayb galay dadkii ugu cadcadaa gobolka mas uuliyiin, caamo, culimaba iyo ganacsato gaar ahaan Shirkada Telesom.

Sh Cali Mahdi, maamulaha machadka imaamu shaafici Sh Yuusuf Maxamuud Diiriye asaasayashii machadka Sh Mustafe Aadam iyo maamulaha machadka Al-Fatxi Sh Shucayb Cabdallah Haaruun masuul sare oo kasocday wasaaradda tarbiyadda iyo tacliinya iyo sidoo kale guddoomiye ku xigeenka gobalka.

Dhamaantood waxa ay soo dhaweeyeen Furida Machadka waxaanay sheegeen inay garabtaagan yihiin ,sidoo kale waxay u dardaarmeen maamulka machadka,macalimiinta iyo ardayda inay dadaal dheeraada la yimaadaan una sabraan qodxaha yaal wadada ka sokaysa hadafkooda ilaahay dartiina ay u wadaan camalkooda.

Maamulaha machadka Sh Shucayb ayaa dadka xog kasiiyey machadkan habkiisa maamul iyo kiisa waxbarasho,waxa aanu sheegay in machadkani uu yahay mid gabi ahaanba ka duwan macaahidii kale ee ka jiray gobalka una noqon karo ayaga mid ku dayasho uga mudan,diyaarna uu u yahay sidii uu u soo saari lahaa dad ka dhisan saddex midba:
1:Aqoonta oo waa dad leh tamar aqooneed oo tayeysan waana mid loo guur galay sidii ay dadkaasi usoo bixi lahayeen marka la eego manhajka waxbarasho ee u dajisan, iyadoo ardayga loosoo bilaabayo cilmidga ilaayo loo gaadhsiiyo kutubta waaweyn ee sar sare sida:alfiyyatu_assuyuudi,alfiyyatuI_ibni maalik.

2:Manhaj dacwadeed oo dagan: kaas oo ah ardaydan in ay noqdaan kuwo baraarug islaam iyo soojeed dacwadeed leh,sidoo kale ay noqdaan hadhaw markay soo baxaan kuwa anfaca bulshada waxna kusoo celiya dadkooda,ayna u fuduudahay siday u dhex gali lahaan, wadada dhexdhexaadka ah ee fulinta dacwada ayaa lagu tababarayaa dadkaa lasoo saarayo.
3:Anshaxa:waxa ardayda lagu tababarayaa in ay noqdaa kuwo falkooda intaan hadalkooda lagaadhin sida fariimo dacwadeed,kuwa ay ka nabad gasho bulshadu culimo iyo caamaba, aanay noqon kuwo dadka badhna bidco ku xukuma badhna dil.
Waxa uu maamuluhu intaa raaciyey in machadkan oo ah dugsi sare in ardayda dhigista shareecada u raacinayaan cilmiga nolosha qaybo kamid ah sida:
1:xisaabta
2:suugaanta soomaalida.
3:juqraafiga.
Si ay ardayda alfatxi dhiganaysaa uga maarmaan inay ku biiraan ama ay doontaan dugsi maadi ah. Waxyaalaha dareenkaaga soo jiidanaya ee markaad machadki fatxi maqasho xasuusanaysid ayaa ah xifdiga iyo weelaynta,taas oo ah in ay ardayda waxa loo dhigo intooda ugu badan soo xifdiyaan oo laga dhagaysto.

Machadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa gobalka togdheer laga furo markaad eegto tayadiisa aqooneed iyo tamartiisa idaaareed.

Halgan.net
Burco

Pages