News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 35 min 17 sec ago

Tartanka Qur’aanka ee Gobollada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe .[Masawiro]

Sat, 06/17/2017 - 18:31

Garoowe:-Tartankaa oo galay sanadkii lixaad Ee heer puntland ah islamarkaana ay kaqayb galayaan dhamaan Dagmooyinka Puntland waxaa sanadkaan kaqayb galaya 16 Degmado Ardaydaan oo ah kuwii ka soo baxay is reeb reebka Degmooyin ayaa ugu danbayn Garowe ku galayaa Tartan ay ku hananayaan Kaalimaha Hore Ee Tartanka. Furitaanka Tartanka Qur’aanka Waxaa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac Gudoomiyaha Tartanka Sh Axmed Yuusuf Daad/ Madaxda sare Ee Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed / Culima Aw Diin Iyo Boqolaal Dadweyna ah oo masjidka Al-Huda Soo Buuxdhaafshay.

Waxaa goobta laga soo jeedshay dardaaran Iyo Dhiiri galin ku wajahan ardayda tartamaysa iyo Guud ahaan bulshada waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadshay ku baaqeen in lajoog teeyo barashada iyo ku camal falka kitaabka Allah .

 

Nuur Jaamac
Halgan.net

S/land iyo Khaatumo oo maanta ku kala saxiixday magaalada Hargeysa heshiis ka kooban 5 qodob.[Video]

Sat, 06/17/2017 - 18:30

Hargeysa:-Waxaa maanta heshiis ka kooban shn qodob ku wada gaaray magaalada Hargeysa Madaxda maamulka Khaatumo iyo S/land  ka dib wada hadalo gooni gooni ah oo ka kala dhacay Itoobiya , Jabuuti iyo Hargeysa waxaa heshiiska ka qayb galay madaxweynaha Khaatumo Prof Cali Khaliif  iyo Gudoomiyaha Barlamaanka maamulka Khaatumo ,Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Uxid Faysal Cali Waraame.

Hoos ka eeg heshiiska ay wada gaareen Maamulka Khaatumo iyo S/land oo ka kooban ilaa 5 qodob

WasiirkaArimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda  u akhriyay Shanta qodob ee ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Khaatumo Hoos Ka Daawowaxayna ahaayeen sidatan.

Halgan.net

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweyne Gaas.[Masawiro]

Fri, 06/16/2017 - 19:35

Garoowe:-Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka. Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweyne Gaas ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Gaas ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Khudbada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi uu ka jeediyey Kal-fadhiga 39aad.[Masawiro]

Fri, 06/16/2017 - 13:06

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Dawaladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa khubad muhiima ka jeediyey malinimadii shalay Kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland Nuxurka khubada Guddomiyaha ayaa salku haysey waxqabadka dhabta ah ee Golaha Wakiila Dawladda Puntland u qabsoomay mudadii u dhexxeysey labada kalfadhi ee 38aad iyo  39aad. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay qodobo mihiima oo uu Dawladda Fadaraalka Soomaliya usoo jeediyeey mudadaasi, kuwaasi oo ku salaysan arrimaha sharci dejinta dastuurka, lashashiyada dawladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Ka akhriso halkan Khudbada Guddomiyha oo dhamaystiran

‘’ Mudane Madaxweyne, Mudanayaal.

Kalafdhigan 39-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxu ka mid yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ay gutaan Golaha Wakiiladu, waxana diirada lagu saari doonaa shaqooyinka Qaanuuniga ah ee Goluhu u dhisan yahay kuwaas oo ay ugu mudan yihiin xaaladda arnniga dalka, Xeer-dejinta, laxisaabtanka hay’adaha Dawladda iyo gudashada waajibaadka metelaada shacabka, kuwaas oo dhammaantood ku cad ajandaha kalfadhigan 39-aad.

Muddadii labada kalfadhi u dhexaysey Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee golaha iyagoo si ku meel gaar ah u sii meelmariyey xeerar laf-dhabar u ah dalka, kuwaas oo kalfadhigan Golaha la soo hordhigi doono sida ku cad xeer-hoosaadka golaha, guddiyada kalena waxay ku hawlanaayeen u kuur-galka xaaladda dalka iyagoo ka hawlgelayey gobolada oo dhan, warbixinahoodana waxay ka soojeedin doonaan kalfadhigan haddii EEBBE idmo.

Waxa xusid mudan, Alla ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Clqaadir Faarax Bootaan, oo isagoo gudanaya waajibaadkiisii shaqo muddadii labada kalfadhi u dhexaysey qarax lagula beegsaday magaalada gaalkacayo. Waxa la fuliyey shaqadii dib u habaynta iyo casriyeynta Fadhiga Hoolka Golaha, taas oo dhaqaalaha ku baxay ay iska kaashadeen hay’adda UNDP iyo Golaha Wakiillada.
Amnigu waa hal-bowlaha jiritaanka qaranimadeena sidaas darteed inagoo kaashaneyna shacabkeena waa in aan lanimaadno qorshayaal wax ku ool ah oo lagu difaacayo dalka lagagana safaynayo cadow kasta oo jira, waxan ammaan u soo jeedinayaa hay’adaha amnniga iyo nabadgelyada shaqada adag oo ay dalka u hayaan waxana ku boorinayaa iney sii laba jibaaraan gudashada xilkaas culus.

Golaha Wakiilladuna wuxu diyaar u yahay inuu kaalintiisa Dastuuriga ah ka qaato xaalad kasta oo ku aadan difaaca dalka iyo dadka Puntland, waxana dadweynaha Puntland ugu baaqayaa iney ka qayb qaataan difaaca,jiritaanka iyo midnimada Puntland lana shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Dawladda Puntland way ku kalsoon tahay Ciidankeeda, Shacabkeeda iyo Dawladniimadeeda wayna ka guulaysatey waana ka guulaysan doontaa cadowgeeda Insha Allah. Puntland waxay muddoba hiigsaneysey ineynu dalka gaadhsiino kana hirgelino nidaamka xisbiyada badan, arrintaas oo dadaal badan la’geshey waqti badana lagu bixiyey waxaa loo baahan yahay in dadweynaha Puntland ku dhiiradaan furashada ururada siyaasadda, anaguna aan fududayno wixii caqabado ah ee Baarlamaanka doorkiisa ah. waxaan ka codsaneynaa beesha Caalamka iney naga taageeraan arrimaha geedi socodka dimoqraadiyadda oo aanay gacmaha ka laaban.

ILLAAHAY ayaa mahad leh inaga saaray abaartii adkeyd ee dalka soo martay, waxana mahad Eebe ka sokow halkan uga mahad celinayaa iskaashigii iyo isku tashigii shacabka iyo dawladda Puntland, guddigii abaaraha, hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba oo dhammaantood ku hawlanaa taakulaynta shacabkeena.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ayax teg Eelna reeb, abaartii way baxday hase yeeshee waxajirta saamayn weyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo caafimaadka ah oo ay abaartu reebtay loona baahan yahay in wax laga qabto. si aynu u yarayno saamaynta abaaruhu reebaan waxa lagamamaarmaan ah inaan ilaashano deegaanka lana ilaaliyo quwada lagu xakamaynayo dadka ku hawlan xaalufinta deegaanka.

Mudane Madaxweyne, Mudanayaal

Axdi qarameedkii lagu asaasay Puntland 1998-dii iyo Dastuurka hadda jiraba waxa ku cad in Puntland hormuud ka tahay hirgelinta iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, sidaas awgeed Puntland waxay markasta diyaar u tahay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Federaalka si taas loo helona waxa loo baahanyahay:-

In uu dastuurkeenu ahaado mid dhamaystirkiisa laga wada qayb-qaato laguna wada heshiiyey, isla markaasna la waafajiyo Dastuurada Maamulada qaybta ka ah Dawladda
Inla sameeyo xeerka nidaamka Federaalka, kaas oo aanu marar badan soo jeediney, caqabadaha hortaagana anaan weli garan.
In xeerarka loosamaynaayo dalka meel marinta kahor lagala tashto hay’addaha uu khuseeyo ee Puntland, si loo ogaado saamaynta uu ku yeelan karo dalka la isuna waafajiyo xeerarka Puntland ku dhaqanto.
Waxaa lagama maarmaan ah in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Geba-gebadii, Puntland waxay halka aan maanta joogno ku soogaartey iskaashiiyo wada tashi, sidaas darteed waxan kula dardaarmayaa dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ilaalinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga Puntland. Mudane madaxweyne,waxan kugu soo dhoweynayaa furitamkii dastuuriga ahaa ee kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wakiillada’’.

–DHAMMAAD–

Ra’iisal Wasaare Kheyre “Dagaalka Hiiraan waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa

Thu, 06/15/2017 - 21:48

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.

 “ Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in weli qeybo kamid ah dalkeena ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo dadku u taagan yihiin cibaadada ALLE. ayuu yiri R-Wasaare Kheyre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha Dawladda uu yahay in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, wuxuna baaq u diray maamulka Hirshabelle, Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.” Ayuu raaciyey R.W Xasan Kheyre.

 —–DHAMMAAD—

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta 15 June 2017 si rasmi ah u furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Dawladda Puntland.[Cod/Masawiro]

Thu, 06/15/2017 - 21:42

Garoowe:-Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland,  gudoomiyaha daladda PUNSA, ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, Isimo, cuqaal, waxgarad, Aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawlaada Puntland oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray hoolka baarlamaanka Puntland oo lagu sameeyey dib u casriyeyn, waxaana uu munaasimada Furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad taarikhi ah taasi oo uu xooga kusaaray wax qabadka xukuumada uu hormuudka u yahay madaxweynuhu mudadii u dhexaysey labada kalfadi ee 38aad iyo 39aad, waxayna  khudbadiisu  salka kuhaysey waxqabadka  dhisida iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale xidhiidhada caalamiga ah ee Beesha Caalamka.

Mdaxweynaha Dawladda Puntland oo ku dheeraaday xaalada nabadgelyada dalka ayaa sheegay in dawladda Puntland markasta ku heelantahay ilaalinta nabadgelyada, sharafta, cisiga, karaamada shacabka Puntland iyo sidii shacabkeedu nabadgelyo iyo xasilooni ugu warilahaa, waxaana uu ugu horayn ka hadlay wax qabka xukuumadu ka samaysay arrimaha amaanka.

” Mudane Gudoomiye, Mudanayaal sida aan wada ogsoonahay Puntland waxaa lagu soo qaaday duulaan wajiyo badan leh, oo uu ugu danbeeyay, duulaankii saldhiga ciidanka Daraawiishta ee Af-Urur si loogu waxyeeleeyo nabad galyadeena iyo jiritaankeena.

Mudanayaal, sida aad la socotaan waxay Dowladdu ku dhawaaqday 9kii June 2017 dagaal balaaran oo looga sifeynayo Puntland Burcad-Diimeedka Al-shabaab, waxayna ciidamadeenu u diyaarsan yihiin inay u dhaqaaqaan goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan Al-shabaab, waxaana hubaal ah inay ka qoomameyn-doonaan shacabkii iyo Askarteenii ay waxyeelada u geysteen iyagoo Illaahay hortii u soomanaa. Sidoo kale Mudanayaal, waxaa lagu qabtay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso qaraxyo waaweyn oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Puntland ee qaaliga ah, waxayna Dawladdu abaal-marin iyo dalacsiin u diyaarisay ciidamadii qabtay qaraxyadii Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo mujaahidkii ku dhintay qaraxii Boosaaso oo Dawladdu qoyskiisii u diyaarisay damaanad qaad nololeed.

Sidoo kale Dawladdu waxay hirgelisay

Unugta Gorfaynta Amniga
Barnaamijka Sharciga iyo kala-danbeynta laamaha Booliska,
Dhismaha & furitaanka xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa hadda ka socda guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland hawl-galo lagu sugayo nabad-galyadeena iyo xasiloonideena, anagoo adeegsaneyna awoodeena ciidan, isla markaasna kaashaneyna shacabkeena waxaana naga go’an in aysan argagixisadu magaalooyinkeena ku yeelan xarumo ay ku cabsi geliyaan shacabka.

Mudanayaal, mudaddii u dhaxeysay labada kal fadhi ee Baarlamaanka waxaa socday hannaanka isku dhafka ciidamada Federaalka Soomaaliya oo aan dhawaan doonayno in la howl-geliyo ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo looga gudbo ciidan beeleed-yadii watay magaca ciidan qaran” ayuu yiri Madaxweynuhu. sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha Fadaraalka ayaa sheegay in Dawladda si dhaw ula shaqayn doonto dawladda cusub ee ee Soomaaliya.

”Mudanyaal, sida aan la socono dalku hadda wuxuu u jahaystay hirgelinta hannaanka Federaalka, sidaa owgeed Dawladda Puntland waxay ka rajeynaysaa Madaxda cusub ee hadda hogaanka haya oo ay Puntland kusoo dhaweysay niyad-sami balaaran inay taabo-geliyaan hannaan Federaal oo dhab ah, lagana fogaado caqliyadii Dawlad dhexe oo xoog badan oo ah tii Soomaaliya ku bur-burtay” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gudoomiayaha Baarlamaanka Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku dheeraaday wax qabadka golaha Wakiilada Dawladda Puntland mudadii u dhexeysey labada kal-fadhi, sidoo kale waxaa uu talobixin iyo baaq usoo jeediyey dawladda Fadaraalka Soomaliya kaasi oo ku saabsan arrimaha dib u habaynta Dastuurka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in dawladdu wakhti xaadirkan ku hawlan tahay qodida ceel biyoodyo horleh taasi oo laga hirgelin doono Puntland, madaama nolosha bini aadanku ku xidhantahay Biyaha.

”Waxaan hadda ka socda oo dhawaan shaqo-gelaya Ceelal gaaraya 8 oo laga qodayo deegaamada kala ah Xiriiro, Xabaal-Reer, Bali-dhidin, Kala-dhacda, Karin-dabel-weyn, Garoowe iyo mid kale oo laga qodayo Xaar-xaarka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Kahadlay wax qabadka Dawladda ee la xidhiidh arrimaha kala ah, Arrimaha Maaliyadda, Ilaalinta Hantida Dawladda. Arrimaha  Guddaha, Gurmadkii Abaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Beeraha iyo Waraabka, Arrimaha Deegaanka, Arrimaha Cadaaladda, Dekadaha, Garoomada Puntland, Arrimaha Ganacsiga, Arrimaha Qorsheyta iyo Xiriirka Caalamiga, Arrimaha Haweenka, Arrimaha Waxbarashada, Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Dhismaha wadada Garoowe – Gaalkacyo, Xanaanada Xoolaha, Kaluumeysiga Puntland, Arrimaha Xisbiyada badan ee Puntland, Biyo dhaan Abaaraha  Puntland, Heshiiyada Caalamiga ah.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweyne Gaas uu ka jeediyey Kalafadhigii 39 ee Baarlamaanka Puntland

Halkaan ka dhagayso Mp3

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland [Masawiro]

Wed, 06/14/2017 - 16:53

Garoowe:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.

 Kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka. “Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda. Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa.[Masawiro]

Wed, 06/14/2017 - 16:52

Muqdisho, 14 June 2017 –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Wasiirka Amniga DFS oo amray masuuliyiinta DFS in ay ka diiwaan galiyaan ilaalada & hubkood xarunta CID-da

Wed, 06/14/2017 - 16:35

Muqdisho:-Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray dhamaan madaxda dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho in mudo dhan 2 usbuuc gudahooda ay ku diiwan geliyaan ilaaladood iyo hubka ay wataan si loo sugo amniga guud ee caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Qoraalka aya waxaa kale oo lagu sheegay in ay si dhaqso ah ku tagaan xarunta Dambi baraista CID-da si ay u diiwaan geliyaan ilaaldooda iyo hubka ay wataan.

Hoos ka eeg qoraalka ka soo baxay Wasiirka Amniga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay Inay Isku Soo Dhiibeen 50 Shabaab ah.[Dhagayso]

Wed, 06/14/2017 - 16:34

Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay isku soo dhiibeen tan iyo intii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhowaaqay cafiska loo fidiyey xubnaha kooxdaas. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ahaa madax ka tirsan dawladda oo shalay kormeer ku tagay saldhigga ciidamada Laanta Buuro halkaasi oo ay iska soo dhiibeen laba ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegay in badi dadka isku soo dhiibay dawladda ay ka tirsan dhalinyarada dagaalanta ee Al-Shabab.

Hoos ka Dhagayso Haaruun Macruuf oo waraystay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed

Source:VOA

Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa in ka badan 200 oo arday Tababar Ugu soo Gabagabaysay Garowe.[Masawiro]

Tue, 06/13/2017 - 15:24

Garoowe:-Tababarkaan oo ah mid sanad walaba Mu’asasada Alminhaaj ee Dacwada Iyo Horumarinta Arimaha Bulshada Xafiiskeeda Gobolka Nugaal waqtiada Fasaxa ardayda uga faa iidayo Aqoon korarsi Muhiim ah oo ay ka soo qayb galaan Aqoon yahano Waqtigaas Arda siiya Cilmi Diini iyo Maadi intaba leh. Mudadii Aysocotay Dowradaan waxaan ardaydu ku qaadatay Kutub diini ah /Aqoon guud /Axaadiista Nabigeena S.C.W / Suugaanta Somali/Khayraadka Dalkeena Iyo Duruus Kaloo lamid ah.

Soo Xiritaanka Kulan Aqooneedkaan Loogu Magacdarady Dowrada Risaala waxaa kasoo qayb galay Wasiirku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax /Gudoonka waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax /Madaxda sare Ee Mu’asasda Alminhaaj Nugaal /Culima Awdiin Iyo Marti sharaf kae loo Badan .

Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo soo agaasimay ayaa Waxaa laga soo Jeediyay Dardaarano Iyo Khudbado Ku aadan Qiimaha uu leeyaha aqoon kororsigaan oo kale ah waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadashay Ay Siwada jir ah u ladardaarmeen ardadii ka faa ii daysatay Mudadii ay Socotay Dowrada Risaala . Ugu Danbayntii ardadaan oo kakala socotay Jaamacadaha Garowe/Dugsiyada Sare/Macaahidda Iyo arday ka soo xagaa baxay Boosaso waxaa lagu doon siiyay Shahaado Cadaynaysa Aqoontii ay Qaateen .

Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe.Halgan.net

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Soo dhoweeyey Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS.[Masawiro]

Tue, 06/13/2017 - 15:23

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 June 2017 qasriga madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil, waxaana ay isugu jireen wedtigani masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

kadib kulan gaara oo ay wadda qateen madaxweynaha iyo waftigaasi ayaa waxay ay Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh JIbriil iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dawladda Puntland Cali Ciise Oogle ka hadleen muhiimada uu daraanaa socdaalka ay weftigani kusoo gadheen Puntland gaar ahaan caasimada Garoowe,

Wasiirka Wasaaradda Dasruurka Puntland Cali Ciise Oogle aayaa ugu horayn ka warbixiyey muhimada ay u yimadeen weftigani Puntland, waxaana uu sheegay Wasiirku in weftigu ay u socdeen arrimo la xidhiidha dib u eegista dastuurka Soomaaliya,  kaasi oo ay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ku hawlan tahay dib u habayntiisa.

” waxaa sharafweyn noo ah inaan maanta ku soo dhoweyno Garoowe wefti aad u culus runtii oo nooga yimi dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka DFS, booqashadani runtii waxay daba socotey shirweyn oo hadda ka hor ka dhacay muqdisho si uu wasiirku usoo arko dawladd goboleedyadii oo dhan, nasiib waxaan u helnay Puntland inuu yimaado isaga iyo weftigiisa si loogu kuur galo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo ah hawlweyn oo sugaysa Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil  ayaa sheegay dhankiisa in ka wasaarad ahaan ay muhiimad gaara u leedahay imaanshaha Puntland, madaama Punatland ay tahay hooyadda Maamul goboleedyada dalka, isla markaana ay wax badan ku kordhin karto kana saarikarto dastuurka DFS.

”Waxaan dooranay runtii inaan kusoo hormarno Puntland, sababtuna waxa weeye waa calaamadii fadaraalka waana curadkii Maamul goboleedyada Dalka, waana meeeshii lagu qaban jirey shirarka Dastuurka saas awgeed waxaa sharaf noo noqotay inaan nimadno Puntland gaar ahaan Garoowe” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn kula dardaarmay masuuliyiintani inay masuuliyad gaara iska saaraan dardar gelinta shaqooyinka adag ee horyaala,  isla mar’ahaantaana ay arrimaha dib u eegista dastuurka ku qabyo tiraan sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Tue, 06/13/2017 - 15:22

Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda. Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Puntland.

Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland Mudane Cali Siciid Oogle, iyo masuuliyiin kale, kadibna waxaa wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Puntland iyaga oo salaan ugu tagay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

AVV. Xoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa isaga oo sheegay in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaraddu ay si rasmi ah ay maanta u biloowday safaro ay ku tegi doonaan dhamaan dawlad goboleedyada dalka ka jiro si ay madaxda iyo shacabka uga la tashtaan Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarisay.

—–DHAMAAD—–

Caasha C/Casiis Cali Yusuf Keenadiid oo ku geeriyootay galabta magaalada London

Sun, 06/11/2017 - 19:30

London:-Waxaa galabta ku geeriyootay magaalada London, Allaha u naxariistee Walaal Caasha C/Casiis Cali Yusuf(Keenadiid). Waxaan tacsi tiraanyo leh u diraynaa dhammaan xigtadii, eheladii, asxaabteedii, gaar ahaan adeer Maxamed Abshir Cumar Ismaaciil, ilmaheedii oo Kala ah Amaal, Libin, Ayaan, Liibaan, Sharmarke, Abshir iyo Ismaaciil. Waxaan kale oo uga tacsiyaynaynaa geeridaas naxdinta leh dhammaan Reer Cabdicasiis, Reer Abshir Cumar iyo Reer Keenadiidba. Waxaan Eebbe uga baryaynaa in uu iyadana Jannadii Firdowsa ahayd ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan inaka siiyo.

Aamiin yaa Allaah

Halgan.net

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa guddoomiyey shir heer sare ah oo looga hadlayey Arrimaha Gargaarka.[Masawiro]

Sun, 06/11/2017 - 19:29

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada JFS Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta guddoomiyey Shir heer sare ah. Wafdi heer sare ah oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Africa, Ururka Caalamka Islaamka (OIC), xubno ka kala socday wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo u kuurgalaya xaalada Geeska Afrika ee Abaaraha.

Dhanka Dawlada Federaalka waxaa kulankan muhiimka ah uga qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, La taliyeyaal ka kala socday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal kooban u jeediyey wafdigan caalamiga ah ee soo gaaray dalka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida beesha caalamku ugu soo gurmaday Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in weli loo baahanyahay gurmad deg-deg ah iyo in mashaariic horumarineed laga fuliyo dalka si loo baajiyo abaaraha soo noqnoqday, isla markaasna shacabka loogu abuuro shaqooyin ay howlahooda ku maareystaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladu ay mudnaan gaar ah siisey arrimaha Garagaarka oo Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka la sameeyey oo dadaal weyn ku bixisey xiriirka iyo iskudubaridka arrimaha gargaarka. Sidoo kale RW ku xigeenka ayaa sheegay in Guddiga Qaranka ee Abaaraha uu dadaal fara badan ku bixiyey in shacabku is gargaaro isla markaasna ku guuleystay in lacag ka badan 6 milyan oo dollar ay shacabka Soomaaliyeed iska soo ururiyeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa wafidga heerka caalami ah ee soo gaaray Muqdisho ugu baaqay inay booqdaan xerooyinka barakacayaasha ah isla markaasna u rajeeyey inay waqtigooda ay joogaan Soomaaliya ay si wanaagsan uga xog wareystaan Wasaaradaha Gargaarka iyo Qorsheynta si mashaariicda horumarineed ay u noqdaan kuwo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Wafdiga heerka sare ee ka kala scoday QM, Midowga Afrika, Ururka Caalamka Islaamka, wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku ammaanay Dowlada Federaalka dadaalka ay ku bixisey sidii abaaraha loo yareyn lahaa oo suurtogalisey in laga hortagay in abaarahu noqdaan macluul.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Shir Wadda-tashi Ah oo Ku Saabsan Nidaamka Xisbiyadda Badan ee Puntland.[Masawiro]

Sun, 06/11/2017 - 19:29

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC kaga qayb galay shir wadda-tashi ah oo ku saabsan nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirkaasi ku wehelinayey guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, guddiga ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudoomiyaha Maxkamada Sare, Madaxa xafiiska xaquuqul isnaanka Puntland, hay’adda daneeyayaasha aan dawlaga ahayn ee PUNSA iyo qaar kamid bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo hadal ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay muhiimada shirkani  loo qabtay ay tahay dood wadaag , wax is weyndiin iyo wax is weydaarsi,kaasi oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nimaad dimuquraadiyadeed oo lagu gaadhayo hal qof hal cod.

” Shirkani wuxuu ku saabsan yahay dood, wax is weydaarsi iyo wax is waydiin barnaamijka aan ku dhawaaqay oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah runtii hagaasiyey, ragaadiyey dawladd nimadeeda iyo horumarkeeda una guurto nidaam dimuquraadiyadeeda oo dadka shacab ka ahi kalsooni ku qabaan, inay muwaadinimadooda iyo codkoodu ay wax ugu goyso dawladda nimadooda, dimuquraadiyada lafteedu maha wax dhamaystisan, waa in inta badan loo hogaansamo inta yarna xuquuqdooda la ilaaliyo, anagu waxaan rabnaa dimuquraadiyad wanaagsan oo ilaalinaysa diinteena islaamka kuna dhisan dhaqankeena” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in xukuumada dawladda Puntland ay ka go’antahay hirgelinta iyo dhaqaajinta nidaamkani, isla markaana aanay dangaara ka lahayn, dan guud oo uwaada dana shacabka Puntland mooyaane , waxaana xusay in ay adagtahay marka aad u guurayso waxaadan aqoon hadaana ay lagama maarmaan tahay in lala qabsado madaama ay ka wanaagsan tahay wixii hore  aad u taqaaney.

Guddomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed cali Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in golaha wakiilada dawladda Puntland door wanaagsan ka qaatay dhisida guddi ka shaqaysa hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan kuwaas oo hadda shaqeeya, waxaana u cadeeyey in Baarlaamka Puntland uu gutey waajibaad kiisii ku aadanaa dhamystirka shuruudaha nimaadka xisbiyada badan haddana ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaq walba oo lagu horumarinaayo dimuquraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dawladdu diyaar u tahay rabitaanka shacab keeda, isla mar’ahaantaana ay ku dhiqidoonto shacabkeeda waxa ay doonayaan inay hirgashadaan, waxaana uu ku amaanay guddiga doorashooyinka shaqadda wanaagsan ee ay u hayaan shacabkooda iskagoona ku booriyey inay shacabka ku jiheeyaan sidii ay u furan lahaayeen xibiyadda si uu u midhalo mawqifka laga midaysan yahay.

DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta.[Masawiro]

Sun, 06/11/2017 - 19:27

Muqdisho:-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan Al jowhari Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la taaban karo inuu ka gaaro howlaha loo igmaday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradahooda caasimadda Muqdisho. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta February 14, 1974 kadib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qaatay.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa xubin muhiim u ah Ururka Jaamacadda Carabta marka laga eego dhinacyo badan oo ay ku jirto waxa loo yaqaan “Geopolitical strategy”.

Halgan.net

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Genaral Cali Nuur oo la afuray maxaabiista ku xiran Jeelka weyn ee Garoowe. [Masawiro]

Sat, 06/10/2017 - 11:18

Garoowe:-Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Genaral Cali Nuur Cumar  ayaa  waxaa Afur u sameeyay Ciidanka Asluubta Iyo  Maxaabiista ku xiran  Jeelka Weyn ee magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland. Kulankaan ayaa ahaa mid Balaaran ee Afurka Gen. Cali Nuur ugu sameeyay maxaabiista Iyo Ciidanka asluubta  ayaa looga gollahaa is dhex galka Ciidanka Asluubta Iyo Maxaabiista  sida uu sheegay Genaral Cali Nur.

Ma ahan maxaabiistu Kuwa ku xiran jeel ka oo kaliya balse waxay Bartaan Shaqooyin Muhiim u ah Nolashooda Mustaqbalka kulanka afurka ka dib ayaa Gen. Cali Nuur Oo Xafiiskiisa Ciidanka Asluubta Garowe ku sugan waxaa uu Waraysi gaar ah ku Siiyay TVGA Somali News.

Maxaabiistu Waxay  Jeelka ku haystaan Dhamaan Adeegyada Qofka Muwaa dinkaa uu xaqa u leeyahay  Sida Waxbarashada /Caafimaadka / Iyo Helitaanka Biyo Nadiif ah waxaana jeelka Gudihiisa  Maxaabiistu ku Qaadataan  Cilmi Diini iyo maadi  Intaba leh  Iyadoo ay u dheer tahay Barashada Farsamada Gacanta Sida Harqaanka / Samaynta Guryaha Jiifka /Qalabka Xafiisyada /Samaynta Albaabada / Barshada Alxanka  /Samaynta Bulukeetiga  iyo Shaqooyin maxbuuska marka uu Xabsiga Ka baxo  uu ku maaraynkaro  Nolashiisa. Waa kuwaan qaybo ka mid ah Maxaabiista Baratay Mudadii ay jeelka ku jireen Xirfado Kala duwan Oo Lahadlay TVGa Somali News.

Taliya Kuxigeenka Xabsiga   Gaanshanle Maxamed Cismaan Jaamac ayaa sheegay In Maxaabiista Iyo Ciidanku ay yihiin mudada ay wada joogaan Saaxiibo. Taliya Kuxigeenka Ciidanka as luubta Puntland Gaanshanle sare  C/laahi Cismaan Liibaan ayaa  u mahad Celiyay Taliyaha Ciidanka Afuradaan qiimaha badan ee kor loogu qaadayo niyada Maxaabiista Iyo Ciidanka asluubta.

Ugu danbayntii waxaa xaflada afurda ah hadalo dardaaran ah kajeedshay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Genarl Cali Nuur isagoo Diiday Magaca Maxaabiisa balse ka door Biday La saxe Iyo Wax Saxe, Waxaana uu fariin u diray Dowlada Puntland gaar ahaan wasaarada caafimaadka In ay Indho dheeraad ah u yeeshaan Caafimaadka Jeelka Maadaama uu jiro Cudurka Shuban Biyoodka.

Nuur Jaamac
Halgan.net

Tartankii Quraan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaaso oo la soo gabagabeeyay.[Masawiro]

Fri, 06/09/2017 - 18:48

Boosaaso − Mu’asasada dacwada iyo horimarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso. Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Quraan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa Abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso , kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka puntland ee ka dhici doona magaalada garowe.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay. ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garowe, waxay kala ahaayeen:

30-ka Jus :-

1. C/lahi C/kariim siciid, kana socday Dugsiga IBNU BAAZ.

20-ka Jus:-

1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga ibinu Baaz.

10-ka Jus:-

1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan
.
5-Ta Jus:-

1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.

 

Mu’asasada dacwada iyo horimarinta
ee Alminhaaj, Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed oo Ka dhan ah ururka Al-shabaab.[Dhagayso]

Fri, 06/09/2017 - 18:18

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

‘’ Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo dalkooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo dalkooda iyo saldhigooda ciidanba, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda ugus ee Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaas oo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha Al-shabaab.

‘’Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kastoo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dawladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filan yihiin, waana ku filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhul kayaga aanu ka sifayno Al-shabaab, daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacab kayaga’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu magcaabay guddi wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaadhey dagaal kaasi.
‘’waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaadhtey dhacdadaasi foosha xun’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.

‘’waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adage e aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacabiga Soomaaliyed’’ ayii yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku qabtay Garoowe

Halkan ka Dhagayso Mp3

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Pages