News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 41 min 10 sec ago

Wasiirka Amniga JFS oo Ka hadlay Qarax lala eegtay Saldhigga degmada Waaberi.

Thu, 06/22/2017 - 19:01

Muqdisho:-Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow oo la hadlay saxafadda ayaa waxaa uu cambaareeyey qarax maanta ururka Al-shabaab ay la beeg sadeen saldhiga degmada Waaberi. Dhinac kale Afhayeenka wasaarada arrimaha amniga Axmed Maxamed Maxamuud Axmed sayid Carab oo isagana la hadlay saxaafaddaa ayaa u sheegay in qarax ay ku dhinteen 5 qof oo shacab ah halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Daawo Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow oo ka hadlay qarax lala eegtay saldhiga degmada Waaberi

A/cawaale
Halgan.net

Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe.[Masawiro]

Thu, 06/22/2017 - 19:00

Muqdisho:-Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe iyo kulamo kala duwan oo ay la qaateen masuuliyiinta kala duwan ee Puntland iyagoona ka wada hadalay qaabka ugu habeen  oo dowladdaha xubnaha ka dowladda Federaalka looga qayb gelin lahaa wada tashi guud oo ku saabsan qorshaha 5-ta sano  ee soo socota iyo weliba qaabta loo hirgelin karo hanaanka ku dhisan Xibiyadda badan.

 

WARMURTIYEED KU SAABSAN SAFARKII GUDDIGA DOORASHOOYINKA HEER QARAN AY KU TAGEEN PUNTLAND

Muddada Safarka: June 20th to 24th, 2017

UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayoDawlad Goboleedyada Soomaaliyeed. Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyoDawlad Goboleedyada.

Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland.

SOO DHAWAYNTA IYO LA SHAQAYNTA GUDDIGA

Waxaa Guddiga soo dhawayn iyo sidii lagula shaqayn lahaa la sameeyey Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka. Madaxdan waxay kala shaqeeyeen Guddiga fulinta qorshe hawleedka sare ku xusan ee Guddiga iyo hagidda iyo isku xirka dhammaan waaxaha iyo hay’adaha dawladda iyo Guddiga.

LA KULANKII MADAXWAYNAHA PUNTLAND

Guddigu waxaa uu kulan heer sare ah la qaatay Madaxwaynaha Puntland oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland, waxaa Guddiga ka qayb galay Guddoomiyaha, Ku xigeenka iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Guddiga xarunta Madaxtooyadda Puntland. Soo dhoweynta kadib wuxuu Mudane Cabdiweli ka dhegeystey warbixin tifatiran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana ugu muhiimsanaa:

Wixii u qabsoomey Guddiga mudadii uu jirey Caqabadaha horyaala doorashada 2020 iyo sida looga gudbi karo iyo Sida ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhex marta Dowla goboleedka Puntland iyo Guddiga

Warbixinta kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland si diiran uu u soo dhoweeyey warbixinta Guddiga iyo howsha adagee ay u dhabar adeegen, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Guddiga. Waxaa kale uu Mudane Cabdiweli Guddiga ku boorriyay in u dhaqmaan una shaqeeyaan inay yihiin Guddi Soomaali oo dhan matala. Sidoo kale in ay la yimaadaan hufnaan iyo wada shaqayn hufan. Gaar ahaan hay`adaha ay shaqada kala dhexeyso.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu meesha ka saarey in xisbiyada Siyaasadeed ee abuurmaya aysan ku koobnaan hal deegaan oo kaliya. Wuxuu ku dhiirra geliyey Guddiga in ay la wadaagaan Wasaaraddaha iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland aqoonta iyo hay`adaha kale ee shaqada la leh wixii dhaqaale ah ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka.

Waxa Madaxwaynaha Puntland muujiyay in ay tahay waajib in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ku dhisan qof iyo cod. Wuxuu ku boorriyay dawladda dhexe in aay wax kasta ka hormariyaan xooggana saaraansidiidalka looga xoreeyn lahaa si loo helo afti iyo codayn loo qaado dastuurka. Dhanka kale waxaa Cabdiweli Gaas uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in Puntland laga qabanayo doorashooyin iyadoo dhawaan la billaabayo u diyaar garowgeedii.

Guddigu wuxuu gacanta u geliyay Madaxwaynaha Puntland Dokumentiyo ay kamid yihiin Qorshaha Howleedka shanta sano ee Guddiga, Dokumeentiga diwangalinta Xisbiyada, warbixinnadii afarbilood laha ahaa ee sannadkii hore iyo document-ga dhismaha xarunta weyn ee loo dhisaayo Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga oo ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u faah faahisay sida ay Guddigu ugu diyaar yihiin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah 2020 haddii Eebbe idmo.

 

——DHAMAAD——-

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharciyada Isgaarsiita iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Thu, 06/22/2017 - 19:00

Muqdisho, 22 June 2017 —-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale. Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa’iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.

Wasaarada Garsoorka ayaa golaha wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra’iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga 2aad Ee Golaha Shacabka Oo La Go’aamiyey

Thu, 06/22/2017 - 18:49

Muqdisho:-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka. Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ahi ay go’aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka loo mudeeyey in uu noqdo 08-July-2017 waxaana uu ku wargeliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fasaxa ku maqan iney usoo diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Golaha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.

—-DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaaraha DFS Khayre oo si kulul u cambaareeyey Qaraxii lala beegsaday xarunta degmada Wadajir

Wed, 06/21/2017 - 15:52

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.  Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada Al-Shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan. Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kooxdan argagaxisada ah ee Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeybqaataan. Dowlada ayaa u ballanqaadeysa in dhalinyaradaas la daryeelo oo ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

—–DHAMMAAD—

Heshiis ay magaalada Gaalkacyo ku wada gaareen masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Gal-Mudug iyo Puntland

Wed, 06/21/2017 - 13:35

Gaalkacyo:-Masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku wada gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Heshiis is Afgarad ah oo ka kooban dhowr qodob,waxaana Heshiiska ugu muhiimsan in la iska kaashado Ammaanka Gobolka Mudug oo laga hortago cid walba oo nabadgelyo xumo ama amni daro ka wada Gobolka Mudug.

Hoos ka eeg Heshiiska ay Gaalkacyo ku wada gaareen masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Gal-Mudug iyo Puntland

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisey in Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee G/Benaadir la soo qabtay

Mon, 06/19/2017 - 10:10

Muqdisho:- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun), waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah. Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.

“Waxaa maanta qabanay C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga oo raaciyey.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa tilmaamay; “Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxaana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen”.

Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadka xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeyaa ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.

DHAMAAD

Madaxweynaha Puntland oo Lacag Ku Wareejiyey Labada Guddi ee Dhismaha Airport ka Garoowe iyo Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

Mon, 06/19/2017 - 10:03

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 June 2017 ku wareejiyey Saddex Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Dollar labada Guddi ee mashaariicda   Airport  ka Garoowe iyo waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, lacagtaasi oo loogu talagalay dhamaystirka ladaasi mashruuc.

Munaasibada uu Madaxweynu ku wareejinayey lacag taasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudiga dhismaha Airport ka Garoowe iyo guddiga dhamaystirka wadada Ceeldaahir Ceerigaabo, maamulka degamada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Isimo, nabadoono, cuqaal, aqoon yahano, iyo qaarkamida bulshada qaybaheeda kala duwan.

Lacagtani uu Madaxweynuhu ku wareejiyey labdaasi guddi ayaa u kala qoondaysneyd sidan:-  Airport ka Garoowe Labo Milyan iyo Shan Boqol oo kun oo Dollar ($2,500,000), halka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo -na loo qorsheeyey Hal Milyan oo Dollar ($ 1,000,000) waxaana uu madaxweynuhu lacagtaasi ugu tala galay dhamaystirka iyo dardar gelinta labdaasi mashruuc ee habawlaha u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn usoo jeediyey mahadnaq, bogaadin iyo amaan guddiga ku hawlan dhamaysirta iyo dardar gelinta wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, kuwaas oo uu madaxweynuhu sheegay inay yihiin guddi ay dhab ka tahay dhamaystirka mashruucaasi bulshada Puntland halbawlaha u ah, waxaana  uu xaqiijiyey inay yihiin gudigaasi guddi ku filan shaqadooda.

” Runtii waxaan aad ugu mahad naqayaa oo mahad gaara u jeedinayaa gudiyadii ku hawlanaa hawshan, guddiga wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, runtii aad iyo aad baan u amaanayaa waana mahadsan yihiin, waa dad bulshada reer Puntland kamida oo isu xilqaamay hirgelinta iyo taaba gelinta mashruucani muhiimka u ah dadkeena iyo dalkeena, runtii hadii aysan iyagu isxilqaamin oo qaadan hogaaminta wanaagsan, oo marwalbana guubaabada iyo dhiiri gelinta aysan la garab joogin mashruucu halkaa masoo gaadheen, dabcan dawladduna talaabada ay qaaday ma aysan hirgasheen iyaga la’aantood, anaguna dhaqaale uun baan ku taageerayney” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlay muhiimada mashruuca dhismaha gegida diyaaradaha Garoowe ayaa bogaadiyey guddiga ku hawlan mashruucasi iyo cidwalba oo ka qayb qaadatay hirgelinta iyo socodsiinta dhismaha garoonkaasi, waxaana Madaxweynuhu uu sheegay in mashruucani markii hore balan qadeen dhamaysrikiisa Dawladda Kuwait hase yeeshee wejigii labaad ee mashruucaasi ku yimi dib udhac ka yimid dhinaca dalka Kuwait, maantana loo baahan yahay in bulshadda Puntland ku dhameeyaan isku tashiga ay ka midaysan yihiin.

” Garoonka diyaaradaha Garoowe waxaa gacanta ku hayey wasaarada duulista hawadda Puntland laakiin dabcan waxaa jirey marwalbaba dad is xilqaamayey oo hawshaasi ay ku weyneyd ha’ugu horeeyeyo Islaan Maxamed Islaan Ciise” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha Airport ka ay ku baxayso dhamaystirkiisa Saddex Million oo Dollar dawladduna maanta ay bixisay Labo Million Iyo Shan Boqol oo dollar, inta hadhayna lagu eegi doono shacabka Puntland sida ay hadba uga qayb qaataan intaasi hadhay, isla markaana shacabka lagaga tala gelidoono mashruucani sida ay hadda uga qayb qaataan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay  in waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo muhiimad gaara u leedahay Puntland, isla markaana aanay mashaariicdu ku koobnaan doonin wadadaasi oo keliya, waxaana uu xusay in shaqaalaha wadada ka shaynayaa ay yiihiin kuwo xirfad leh, taasina ay keentay in lahirgeliyo wadada ugu tayada wanaagsan ee guud ahaan kutaala Soomaaliya, sidoo kale madaxweynaha ayaa odorosay muhiimada ay Puntland u yeelan doonto wadada Garoowe- Eyl oo dhowaan Madaxweynuhu dhagax dhigay.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Wasiir Xoosh oo xafiiskiisa shir kula yeeshay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka

Mon, 06/19/2017 - 10:02

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga maadaama Geedi-socodka dib u eegsita Dastuurka ee ay Wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furayo gaarista doorasho Qof iyo Cod oo dalkeenna ka dhacda.

—–DHAMAAD—–

Madaxweynaha Puntland oo Ka Gayb Galay Gunaanudka Tartanka Quraanka Kariim Ka ah ee Heer Puntland.[Masawiro]

Sun, 06/18/2017 - 19:21

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18 June 2017 ka qayb galay gunaanudka tartanka Quraanka Kariim ah ee heer Puntland oo lagu soo xidhay Masjidu Huda ee Magaalada Garoowe. Munaasimada lagu gudoonsiinayey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa’isooyinka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Saalax Xaabib Jaamac, Guddiga qaban qaabada tartanka, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, mu’asasada Al-minhaaj, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uduceeyey guud ahan ardayda ka qayb gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah, waxaana uu sigaara u bogaadiyey Mu’asasada Al-minhaaj oo iyagu sanad walba soo qaban qaabiya tartankani.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay waalidka dhalay carurta ka qayb qaadatay tartanka iyo macalimiinta wax soo baray sida wanaagsan ee ay uso gacan qabteen una soo ababiyeen caruurtaasi xaafidu Quraan ka ah, waxana uu sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey cidwalba oo ka qayb qaadatay qabsoomida tartankani Quraanka Kariim ka ah.

”Mahad waxaa iska leh intii soo qaban qaabisay xaflada, mahad waxaa iska leh macalimiintii soo barbaarisay dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyey, dedaalka geliyey inay soo saaraan jiil wanaagsan oo akhalaaqiyaad fiican leh iyana aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
”Guddiga qaban qaabada tartanka iyana mahad gaara baanu u celinaynaa, sidoo kale waxaanu u mahad celinaynaa intii ka qayb qaadatay tartankani ha noqoto mid wakhti geliyey iyo mid dhaqaale geliyeyba” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa gudiga ku booriyey inay sanadka danbe Insha Allah kusoo kordhiyaan tartanka, tartanka gabdha maadaama ay hablaheenu asaas u yihiin qayska, isla markaa ay mudan yihiin in lagula dedaalo barida iyo dersida diinteena islaamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn gudoonsiyey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa’isooyin isugu jirira Lacag iyo abaalmarino kale, halka uu Madaxweynuhu gudoon siiyey ardaygii galay kaalinta koowaad abalmarin Gaadhi nooca loo yaqaan ”NOAH”, sidoo kale gudiga qaban qaabada tartanka ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku maamuseen dedaalkiisa iyo kartidiisa uu marwalba la garab taagan yahay ilaalinta diinteena suuban ee Islaamka.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah

Sun, 06/18/2017 - 19:20
Norwey:-Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iiyo Siyaasiyiinta. Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arko doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo basaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey iagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka uGu siiso Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Adam Koofi ayaa muddooyinki u damebyay waxa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen basaboorka Soomaliga ah. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan soomalida heysta Basaboorada Shisheeye ka codsatay in ay ku safraan basaboorka Soomaliga marka ay ku baxayaan magaca soomaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalamka. Halgan.net

Boqortooada Saldanada Cumaan ayaa deeq raashin ah soo gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku nool magaalda Garoowe.[Masawiro]

Sun, 06/18/2017 - 19:17

Garoowe:-Deeqdaan oo iskugu jirtay Raashinka Noocyadiis kaladuwan Sida Bur/Bariis/Sonkor/Saliid/Timir Iyo Caano Ayaa Imaanaysa Xili dadkaan lagaarsiiyay Ay baahi Weyn U qabeen. Ma ahan Markii ugu horaysay ee deeqdaan oo kale ay cumaan keento balse waa sanadkii sadexaad oo saldanada Cumaan lagarab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed. Madax wakiilka u ah Saldana Cumaan Cabdi Xaafid ayaa kawar Bixiyay Deeqdaan iyo inta goobood  oo ay ka qaybiyeen Puntland waxaana uu sheegay in ay  raashin u qayb sheen dad kor u dhaafaya 4500 oo qoys.

Dhanka kale Maxamed Cabdullahi Cabdulle Madaxa Hay’ada Minhaaj oo iyadu ah Isku Xiraha Guud ahaan deeqdaan Islamarkaana ah Hay’ada Fulinaysay Mashruucaan Ayaaa Umahad Ceshay Saldana Cumaan Iyo Walaalihii Soogaar siiyay Deeqdaan. Ugu Danbayn tii Dadkii deeqdaan gudoomay ayaa U duceeyay  Cidwalba oo gacan kagaystay In lasoo Gaarsiiyo Deeqdaan .

Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net Garowe

Ra’iisul wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho[Masawiro]

Sun, 06/18/2017 - 10:19

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda ayaa xalay kormeer ay u kuurgalayeen qaabka ay xiliyada habeenkii ah u shaqeeyaan ciidammada xasillinta Caasimadda ku tagey degmooyin dhowr ah, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishii uu kula kulmay waddooyinkii ay kormeerka ku marayeen.

 Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan degmooyinka; Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Warta nabada, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay ciidammada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu tagey isgoyska tarabuunka isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamadda amniga.

Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay ka salaamayeen dusha wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada F.S. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay ku ciyaaraan banaanka xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay in tani ay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

—DHAMAAD—

Wafdi wasiiro iyo Saraakiil Puntland ka tirsan oo tegay deegaanka Af-urur iyo Galgala[ Daawo Video]

Sat, 06/17/2017 - 21:49

Boosaaso:-Wafdi ka socda dawladda Puntland oo ka kooban ilaa 9 wasiir iyo Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Galgala oo Saldhig ciiidan ay ku leeyihiin ciidanka darwaasiishta Puntland dhowr jeerna dagaalo ay dhexmareen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan Buuraha Calmadow. Wafdiga wasiirada ah ee gaaray deegaanka Galgala ayaa waxaa ay yihiin gudi uu Madax weyne Gaas u magacaabay in ay xog aruurin ka soo sameeyaan dagaal ka dhacay deeganka Af-urur oo Al-shabaab ay ku laayeen ciidamo ka tirsan Puntland, wafdiga yaa waxaa la kulmeen ciidanka iyo odayaasha dhaqan ee deeganka.

Hoos ka Daawo wafdiga wasiiro ah iyo saraakiil tegay deegnak Af-urur ee deegaanka Galgala

M_M_Deeq
Halgan.net

Tartanka Qur’aanka ee Gobollada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe .[Masawiro]

Sat, 06/17/2017 - 18:31

Garoowe:-Tartankaa oo galay sanadkii lixaad Ee heer puntland ah islamarkaana ay kaqayb galayaan dhamaan Dagmooyinka Puntland waxaa sanadkaan kaqayb galaya 16 Degmado Ardaydaan oo ah kuwii ka soo baxay is reeb reebka Degmooyin ayaa ugu danbayn Garowe ku galayaa Tartan ay ku hananayaan Kaalimaha Hore Ee Tartanka. Furitaanka Tartanka Qur’aanka Waxaa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac Gudoomiyaha Tartanka Sh Axmed Yuusuf Daad/ Madaxda sare Ee Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed / Culima Aw Diin Iyo Boqolaal Dadweyna ah oo masjidka Al-Huda Soo Buuxdhaafshay.

Waxaa goobta laga soo jeedshay dardaaran Iyo Dhiiri galin ku wajahan ardayda tartamaysa iyo Guud ahaan bulshada waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadshay ku baaqeen in lajoog teeyo barashada iyo ku camal falka kitaabka Allah .

 

Nuur Jaamac
Halgan.net

S/land iyo Khaatumo oo maanta ku kala saxiixday magaalada Hargeysa heshiis ka kooban 5 qodob.[Video]

Sat, 06/17/2017 - 18:30

Hargeysa:-Waxaa maanta heshiis ka kooban shn qodob ku wada gaaray magaalada Hargeysa Madaxda maamulka Khaatumo iyo S/land  ka dib wada hadalo gooni gooni ah oo ka kala dhacay Itoobiya , Jabuuti iyo Hargeysa waxaa heshiiska ka qayb galay madaxweynaha Khaatumo Prof Cali Khaliif  iyo Gudoomiyaha Barlamaanka maamulka Khaatumo ,Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Uxid Faysal Cali Waraame.

Hoos ka eeg heshiiska ay wada gaareen Maamulka Khaatumo iyo S/land oo ka kooban ilaa 5 qodob

WasiirkaArimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda  u akhriyay Shanta qodob ee ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Khaatumo Hoos Ka Daawowaxayna ahaayeen sidatan.

Halgan.net

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweyne Gaas.[Masawiro]

Fri, 06/16/2017 - 19:35

Garoowe:-Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka. Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweyne Gaas ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Gaas ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Khudbada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi uu ka jeediyey Kal-fadhiga 39aad.[Masawiro]

Fri, 06/16/2017 - 13:06

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Dawaladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa khubad muhiima ka jeediyey malinimadii shalay Kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland Nuxurka khubada Guddomiyaha ayaa salku haysey waxqabadka dhabta ah ee Golaha Wakiila Dawladda Puntland u qabsoomay mudadii u dhexxeysey labada kalfadhi ee 38aad iyo  39aad. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay qodobo mihiima oo uu Dawladda Fadaraalka Soomaliya usoo jeediyeey mudadaasi, kuwaasi oo ku salaysan arrimaha sharci dejinta dastuurka, lashashiyada dawladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Ka akhriso halkan Khudbada Guddomiyha oo dhamaystiran

‘’ Mudane Madaxweyne, Mudanayaal.

Kalafdhigan 39-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxu ka mid yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ay gutaan Golaha Wakiiladu, waxana diirada lagu saari doonaa shaqooyinka Qaanuuniga ah ee Goluhu u dhisan yahay kuwaas oo ay ugu mudan yihiin xaaladda arnniga dalka, Xeer-dejinta, laxisaabtanka hay’adaha Dawladda iyo gudashada waajibaadka metelaada shacabka, kuwaas oo dhammaantood ku cad ajandaha kalfadhigan 39-aad.

Muddadii labada kalfadhi u dhexaysey Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee golaha iyagoo si ku meel gaar ah u sii meelmariyey xeerar laf-dhabar u ah dalka, kuwaas oo kalfadhigan Golaha la soo hordhigi doono sida ku cad xeer-hoosaadka golaha, guddiyada kalena waxay ku hawlanaayeen u kuur-galka xaaladda dalka iyagoo ka hawlgelayey gobolada oo dhan, warbixinahoodana waxay ka soojeedin doonaan kalfadhigan haddii EEBBE idmo.

Waxa xusid mudan, Alla ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Clqaadir Faarax Bootaan, oo isagoo gudanaya waajibaadkiisii shaqo muddadii labada kalfadhi u dhexaysey qarax lagula beegsaday magaalada gaalkacayo. Waxa la fuliyey shaqadii dib u habaynta iyo casriyeynta Fadhiga Hoolka Golaha, taas oo dhaqaalaha ku baxay ay iska kaashadeen hay’adda UNDP iyo Golaha Wakiillada.
Amnigu waa hal-bowlaha jiritaanka qaranimadeena sidaas darteed inagoo kaashaneyna shacabkeena waa in aan lanimaadno qorshayaal wax ku ool ah oo lagu difaacayo dalka lagagana safaynayo cadow kasta oo jira, waxan ammaan u soo jeedinayaa hay’adaha amnniga iyo nabadgelyada shaqada adag oo ay dalka u hayaan waxana ku boorinayaa iney sii laba jibaaraan gudashada xilkaas culus.

Golaha Wakiilladuna wuxu diyaar u yahay inuu kaalintiisa Dastuuriga ah ka qaato xaalad kasta oo ku aadan difaaca dalka iyo dadka Puntland, waxana dadweynaha Puntland ugu baaqayaa iney ka qayb qaataan difaaca,jiritaanka iyo midnimada Puntland lana shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Dawladda Puntland way ku kalsoon tahay Ciidankeeda, Shacabkeeda iyo Dawladniimadeeda wayna ka guulaysatey waana ka guulaysan doontaa cadowgeeda Insha Allah. Puntland waxay muddoba hiigsaneysey ineynu dalka gaadhsiino kana hirgelino nidaamka xisbiyada badan, arrintaas oo dadaal badan la’geshey waqti badana lagu bixiyey waxaa loo baahan yahay in dadweynaha Puntland ku dhiiradaan furashada ururada siyaasadda, anaguna aan fududayno wixii caqabado ah ee Baarlamaanka doorkiisa ah. waxaan ka codsaneynaa beesha Caalamka iney naga taageeraan arrimaha geedi socodka dimoqraadiyadda oo aanay gacmaha ka laaban.

ILLAAHAY ayaa mahad leh inaga saaray abaartii adkeyd ee dalka soo martay, waxana mahad Eebe ka sokow halkan uga mahad celinayaa iskaashigii iyo isku tashigii shacabka iyo dawladda Puntland, guddigii abaaraha, hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba oo dhammaantood ku hawlanaa taakulaynta shacabkeena.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ayax teg Eelna reeb, abaartii way baxday hase yeeshee waxajirta saamayn weyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo caafimaadka ah oo ay abaartu reebtay loona baahan yahay in wax laga qabto. si aynu u yarayno saamaynta abaaruhu reebaan waxa lagamamaarmaan ah inaan ilaashano deegaanka lana ilaaliyo quwada lagu xakamaynayo dadka ku hawlan xaalufinta deegaanka.

Mudane Madaxweyne, Mudanayaal

Axdi qarameedkii lagu asaasay Puntland 1998-dii iyo Dastuurka hadda jiraba waxa ku cad in Puntland hormuud ka tahay hirgelinta iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, sidaas awgeed Puntland waxay markasta diyaar u tahay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Federaalka si taas loo helona waxa loo baahanyahay:-

In uu dastuurkeenu ahaado mid dhamaystirkiisa laga wada qayb-qaato laguna wada heshiiyey, isla markaasna la waafajiyo Dastuurada Maamulada qaybta ka ah Dawladda
Inla sameeyo xeerka nidaamka Federaalka, kaas oo aanu marar badan soo jeediney, caqabadaha hortaagana anaan weli garan.
In xeerarka loosamaynaayo dalka meel marinta kahor lagala tashto hay’addaha uu khuseeyo ee Puntland, si loo ogaado saamaynta uu ku yeelan karo dalka la isuna waafajiyo xeerarka Puntland ku dhaqanto.
Waxaa lagama maarmaan ah in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Geba-gebadii, Puntland waxay halka aan maanta joogno ku soogaartey iskaashiiyo wada tashi, sidaas darteed waxan kula dardaarmayaa dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ilaalinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga Puntland. Mudane madaxweyne,waxan kugu soo dhoweynayaa furitamkii dastuuriga ahaa ee kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wakiillada’’.

–DHAMMAAD–

Ra’iisal Wasaare Kheyre “Dagaalka Hiiraan waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa

Thu, 06/15/2017 - 21:48

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.

 “ Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in weli qeybo kamid ah dalkeena ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo dadku u taagan yihiin cibaadada ALLE. ayuu yiri R-Wasaare Kheyre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha Dawladda uu yahay in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, wuxuna baaq u diray maamulka Hirshabelle, Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.” Ayuu raaciyey R.W Xasan Kheyre.

 —–DHAMMAAD—

Pages