News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 2 hours 43 min ago

Faah Faahin Qarax ka dhacay caawa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.[Dhagayso]

Tue, 05/23/2017 - 23:27

Boosaaso:-Wararka ugu danneeyey ee ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in laamaha amnigu ay aqoonsadeen qofka caawa qarax ka geysatay magaalada Boosaaso. Qofka Ismiidaamiyey ayaa waxaa uu doonayey in uu bartilmaamsado goob ay ay ciidamada Booliska ay ku sugnaayeen balse shaki ku yimid in la baaro awgeed ayuu is qarxiyey waxaan goobta ku dhintay Hal askari , 3 shacab ah iyo qofka Ismiidaamiyey.

Allaha u naxariistee qarax caawa waxaa ku dhintay Siciid Sh c/qaadir Cali, oo ka mid ahaa ardaydii shalay dhamaystay imtixaankii qalin jabinta ee jaamacada bariga afrika ee Boosaas. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Shirkada Towfiiq qeybta furniture iyo Safari Phone waan goobaha ugu mashquulka badan oo dadku ay ugu badan yihiin.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay iyo qofka is qarxiyey.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf oo waraysi siiyey SBC

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhinac kale Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey ciidan baaritaan samaynayey ka dib markii lagu amray in uu istaago ka dibna uu is qarxiyey.

Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in amniga magaaladu ay tahay mid sugan qof is qarxiyeyna uusan amniga waxba u dhimi karin, Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in ay aqoonsadeen qofka is qarxiyey ayna ku daba jiraan cid walba oo gacan siisay ama xiriir uu la yeeshay isagoo xusay in ay heli doonaa cid walba oo ku lug lahayd qarax ka dhacay caawa Boosaaso.

Hoos ka Dhagayso waraysi uu Radio Garoowe siiyey Gudoomiyah Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado.

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari

Tue, 05/23/2017 - 19:30

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay bar kontorool oo ciidamada Puntland ay gaadiidka ku baadhayeen.

Goobta qaraxa lala eegtay ayaa ah isgoys u dhexeeya Dawladda Hoose iyo Rugta Ganacsiga, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa shan qof oo uu ku jiro qofka isqarxiyey.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay VOA ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay.

Taliyaha ayaa sheegay in illaa haatan la xaqiijin karo dhaawaca shan qof, hase ahaatee weli waxaa socota qiimaynta khasaaraha ka dhashay qaraxan.

VOA Somalia
Halgan.net

Muxaadaraad ku saabsan Ramadaanka 1-3 Sh.C/naasir Xaaji axmed.(Daawo Video)

Tue, 05/23/2017 - 13:48

Laascaanood:-Waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa muxaadaraad ku saabsan Ramadaanka oo uu Sh.C/naasir Xaaji Axmed uu ka jeediyey sanadkii 2012 Masjid ka Jaamaca ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Muxaadarada Sheekh. C/naasir Xaaji Axmed ayaa  waxaa ay ka kooban yihiin ilaa 3 qaybood oo uu sheekhu saddex habeen oo isku xiga uu ka jeediyeyey Masjidka Jaamaca ee magaalada Laascaanood. Muxaadaraadka ayaa waxaa  kale oo ka daawan kartaa webka islaamiga ah ee Cilmi.net  waxaan alle ka baryeynaa in uu Shiikha Muxaadaradaan qiimaha badan uu ka siiyo ajar inagana naga dhigo kuwo ka faa’iidaystay aaamiin

Hoos Ka Daawo qaybtii 1aad Axkaamta Sonka Sh Cabdiaasir Xaaji Axmed

Hoos Ka Daawo qaybtii 2aad Axkaamta Sonka Sh Cabdiaasir Xaaji Axmed

Hoos Ka Daawo qaybtii 3aad Axkaamta Sonka Sh Cabdiaasir Xaaji Axmed

Halgan.net
Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhiirigeliyey Ciidankmada Howlgalka Muqdisho oo hub soo ururiyey.[Masawiro]

Tue, 05/23/2017 - 13:47

Muqdisho, 22 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Labo iyo labaatan ku dhimatay qarax ka dhacay Manchester.[Masawiro]

Tue, 05/23/2017 - 13:47

Manchester:-Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Jahwareer ka dhashay weerarka Manchester
Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday. Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa. Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan. May ayaa tiri: “Waxaan isku dayaynaa in aan helno macluumaad dhameystiran oo ku aadan sida ay wax uga dhaceen Manchester. Waxaana goobta isku gedaamay ciidammada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo la xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.

Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lagu qabanayay bandhig faneedka. Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri ” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”
Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashii ayaa yiri: ”dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.
”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver.

Ilaa iyo hadda maxaan ognahay?

1. 22 qof ayaa dhimatay 59 kalana way ku dhaawacantay qaraxa.

2. Qaraxa wuxuu ka dhacay saaxadda heesaha lagu tumo ee Manchester wax yar ka dib markii uu dhamaaday bandhig-faneed.

3. Qaraxa waxaa la sheegay inuu ka dhacay dibedda iyadoo dadka ay isku dayayeen inay baxaan.

4. Boolisku waxay sheegeen in qofkii ugu horreeyay uu soo wacay 10.35 pm wakhtiga Manchester.

5. Waddooyiinka ayaa markiiba la xiray.

6. Waxaa loo arkaa inuu yahay weerar argagixiso.

7. 1.30 pm wakhtiga Manchester booliiska ayaa qarxiyay wax ay uga shakiyeen inay ahayd bambaano.

BBC

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe kula kulmay Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.[Masawiro]

Mon, 05/22/2017 - 16:30

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.C/xakiin Xaji C/laahi Cumar Camey ayaa maanta subaxnimadii 22 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom.  Kulanka uu kusimaha Madaxweynuhu la qaatay Weftigani ayaa waxaa ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulan gaar ah oo ay wadda qateen madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga uu hogaaminayey Mr. Bahame Tom kadib ayaa waxa ay si wadajira ula hadleen warbaahita, waxaana uu sheegay madaxweyne kuxigeenku inay ka wada hadleen weftigani ilaalinta xaquuqda bulshada rayidka ah siiba caruurta iyo haweenka, iyo sidoo kale sharciga qabana qofka isu ekaysiiiya milatariy amaba ciidanka qalabka sida sharciga qabana, taas oo uu sheegay Madaxweynu kuxigeenka in dawladda Puntland ay ka leedahay sharci, kaas oo ah in qafkaasi ay xukunto maxkamad milatariy.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay inay kawada hadleen weftigani ka socdey xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya, xeerka dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, kaas oo Soomaaliya udub dhexaad uh jiritaankeeda lagagana dhaqmo dhammaan geyiga Soomaalidu degto, waxaana uu xusay Madaxweyne kuxigeenka in xeerkani uu salka kuhayo diinteena islaamka, isla markaana lagu dhammeeyo wax maxkamad u taag weydey.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Puntland ay markasta ilaaliso ilaalinta xaquuqul insaanka, waxaana uu tusaale u soo qaatay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Puntland lagashay cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen caruur yar-yar oo aan gaadhin da’da qaangaadhka, isla markaana ay dawladda Puntland u samaysay dhaqancelin.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa cadeeyey in maxaabista qaar lagu hayo xabsiyada Puntland kuwaas oo u dhexeeya da’da 15-18 dawladda Puntland-na ay u samaysay dhaqancelin waxna ku barto xabsiyada gudahooda, waxaana uu xusay Madaxweyene Camey in aanay jirin meel kale oo laga sameeyey arrinkaasi Soomaaliya, Puntland-na ay kaga horayso Maamulada Soomaaliya ilaalinta xaquuqda Bini aadanka.

Mr. Bahame Tom madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay sida ay u ilaaliyaan xaquuqda bulshada rayidka ah ee gaar ahaan caruurta iyo waheenka oo iyaga muhiim u ah bulshada, sidoo kale waxa uu Dawladda Puntland ku amaanay si dii ay ula tacaaleen ilaalinta xaquuqda maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Puntland iyo cadawga Al-shabaab.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal oo qabisay 60 Neef oo Walqal ah .[Masawiro]

Sun, 05/21/2017 - 20:54

Garoowe:-Mu’asasada Al-minhaaj Dacwada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada Xafiiskeeda Gobolka Nugaal oo gacan ka helaysa Jumciyada Khayrigaa ee (Shaariqa Al-Khayriya )Oo Fadhigeedu yahay dalka Emaaraatka Carabta. Deeqdaan oo ahayd mid walqal ay ayaa la gaarsiiyay Maxaabiista ku xiran Jeelka weyn ee magaalada Garoowe iyo Agoomo ku xaraysan Kuleejka/dadka Dhimirka La’a/ dad Indhoolayaal Ah/iyo dad masaakiin ah kuwaas oo dhamaan ahaa kuwo baahi weyn u qabay deeqdaan.

Mamaulka Mu’asasada Al-minhaaj Nugaal ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan Dadaalada dadka masaakiinta ah lagu garab istaagayo. Ugu danbayn tii dhamaan dadkii la gaarsiiyay deeqdaan ayaa ka mahad ceshay iyaga oo u duceeyay walaalihii soo gaarsiiyay iyo cid walba oo gacan ka gaysatay in Deeqdaan ay soo gaarto.

Mu’asasada Alminhaaj
Garoowe, Halgan.net

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare.[Masawiro]

Sun, 05/21/2017 - 20:53

Muqdisho, May 20, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka dhacaya. Iyadoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku. Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Nadwo Ramadaanka lagusoo dhawaynayo oo ka bilaabtay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

Sun, 05/21/2017 - 20:34

Gaalkacyo:- Iyada oo Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay ka harsan tahay muddo kooban ayaa waxaa ka bilowday qaar ka mid ah Masaajidda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Nadwo lagusoo dhawaynayo Bishaas Barakaysan. Nadwadaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Puntland ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa loogu tala galay in Bulsha weyn reer Gaalkacyo ay ugu diyaar garoobaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxay ka bilaabtay labada Masjid ee waaweyn: Masjid Ramadaan (Garsoor), iyo Masjid Abii Hurayra (Israac). Nadwada oo soconaysa muddo afar habeen ah ayaa waxaa soo jeedinaya Culimada ugu waaweyn Magaalada Gaalkacyo. Ciwaanada lagu qaadanayo Nadwada labadeeda Daraf ayaa isku mid ah marka laga reebo Caawa oo ah habeenka u hureeya.

Masjid Ramadaan Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: Sababaha keena in la laalaabo Ajarka ayaa waxaa Caawa kasoo jeediyay Sh.Badal Mohamud Sugulle Camiidka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo). Masjidka Abii Hurayra waxaa Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: U diyaar garowga Bisha Ramadaan kasoo jeediyay Sh.Abdurezak Fiki Warsame Maxamuud Shiikha Kitaabada ka Akhriya Masjidka weyn ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxaa lagu qaadanayaa Sadexda Habeen ee soo socda ciwaanada kala ah:

رمضان شهر التوبة والمغفرة.

فضائل شهر رمضان.

أحكام وآداب الصيام.

Si kastaba ha ahaatee Nadwadaan oo soconaysa muddo kooban ayaa waxaa bar bar so

conaya in laga jawaabo Su’aalaha ay Dad waynuhu qabaan.

C/raxmaan Bilaal Caad

Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka JFS oo is casilay

Sun, 05/21/2017 - 15:07

Muqdisho:-Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/salaan Yuusuf Guuleed ayuu ku sheegay inuu Iska casilay Xilka uu hayey JFS waxaana uu u mahad celiyay madaxda hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya  .

Hoos ka Daawo Warqada uu isku casilay Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka JFS[Gallery not found]

A/Cawale
Halgan.net

Maandoon Ma Muslimiinaa 3aad W/Q Sheekh Dr Abdirahman Sheikh Cumar

Sun, 05/21/2017 - 01:30

قال تعالى فويل للذين يكتبون الكتاب بايديهم ثم يقولون هذا من عند الله ليشتروا به ثمنا قليلا فويل لهم مما كتبت ايديهم وويل لهم مما يكسبون.
( Sidee Diinta Loo Jadiidin karaa?) abdalla Aw Hassan Waxaan soo sheegnay mushkilooyinka hortaagan ,siduu u arko Abdalla Aw Xassan, in diinta la cusbooneeysiiyo labo kamid ah.mushkilada saddexaad ee hortaagan cusbooneeysiinta diinta islaamka waa:
Qore:
(3: Aayada badan oo tafsiirkooda loogu camal falay si ka duwan sidii laga rabey, waxaana ka mida:
A: aayadaha ku saabsan dumarka la mulkiyey oo laga wadey dumarka la qabo, laakiin loo qaatay in dumar adooma ahi ay jiraan, taasoo keentay in qayb dumarka ka mida la guursado idan la’aan
B: in aayadda ku saabsan dumarka aan caadada helin loo daliishadey in la guursan karo gabdhaha aan qaan gaaarin, ciddana waxaa qaada gabar wax dhali karta oo keliya, sidaa darteed mayna u fiirsan shuruudda ciddada.
C: ayaadda ku saabsan in saariqa gacanta la jaro oo loo maleeyey in qofkii maal xada gacan la jarayo, maxaa yeelay saariq waxaa laga wadaa qofka si qarsoodi ah wax u sameeya sida in qofku yiraahdo waxaas ayaan isha ku xaday, sidaa darteed qofka gacanta la jarayo waa qofkii si hoose gacan u jaray, kii maal qaadana maal uun baa laga rabaa. 4: diinta oo loogu dhaqmay qaab dhaxal tooyo ah taasoo keentay 2arrin oo kala ah; A: in cilmi baarista diintu istaagto wixii ka danbeeyey qarnigii 3aad ee hijriyada, sidaana ay ku qarsoonto axkaan badan oo quraanka laga fahmayey sida in dhiigga lagu shubo dadka jirran ay ka dhalanayso qaraabanimo la mida tan ka dhalata caanaha hooyada wax nuujisa. B: in loo maleeyey inaan dad hadda jooga wax cusub keeni karin, taasoo keentay in lala dagaalamo wixii fikrad ah ee cusub.
Haddaan xaddidno masaailka ugu waawayn ee dhibku ka jiro waa sifaadka ilaahay oo laga dhigay mas’alo caqiida ah oo dadku ku kala tegi karo iyo masaa’ilka la xiriira xuquuqda sida dhaxalka, arrimaha qoyska, siyaasadda, xijaabka, jihaadka iyo xeerarka ciqaabta. Sifaadku waa wax iska sahlan haddaan la isku adkayn maxaa yeelay in Alle leeyahay laba gacmood, weji, inuu wax arko, wax maqlo, wax balba og yahay , wax walbana awoodo waa arrin aan tafsiirba u baahnayn markii laga reebo qofkii isagu diinta isku adkaynaya. Masaa’ilka kale dhammaan waxay hoos yimaadaan baabka xuquuqda iyo baabka tafsiirka, waana laba baab oo ku cad quraanka, sidaa darteed cusboonsysiinta diintu waa arrin sahlan hadii si fiican loo fahmo labadaas baab. Halkaa waxaan ka garanay in dawada laga raadiyo quraanka ee aan laga raadin kutubaha fikriga ah ama kuwa firqooyinku leeyihiin markii laga reebo in la ogaado firqa kasta waxa ay aaminsan tahay.)
Abdalla allaha soo hanuuniyee,wuxuu leeyahay dhibka wuxuu kayimid tafsiirka aayado quraanka kamid ah oo si khalda loogu camal falay.tusaale wuxuu usoo qaatay sida aayadda leh waxay gacantiinna mulkisa oo loo fasiray in ay jiraan haweenka addoomada ah lkn loola jeedo kuwa aad qabtaan.قال تعالى والذين هم لفروجهم حافظون الا على ازواجهم او ما ملكت ايمانهم فانهم غير ملومين فمن ابتغى وراء ذلك فاولئك هم العادون
Tafsiirka waxa gacantiinna milkisay waxaa loo yaqaannay sida aayadda u kala qaaday haweenka dagaalka lagu soo qabtay ee addoomada ah. In ay lamid yihiin xaasaska laqabo inta qaybta uu u helo mujaahidka.khabiirka wuxuu rabaa masalada addoonimada in uu meesha ka saaro oo caqliga u cuntamin tafsiirkii asaxaabta iyo camalkoodii la khilaafo mid cusubna loo sameeyo sida in lagu fasiro xaasaska.
Waxaa kale oo u sheegay in ciddada haweenka aan caadada ku dhicin loo daliishado in la guursan karo gabadha aan qaan gaarin.waxaa fiicneeyd in uu yidhaahdo in la mehrin karo maxaa yeelay gabar aan qaabgaarin waa la mehrin karaa lakin lama aqalgeeyn karo.Abdalla waxaa madaxa ku dhuftay dacaayadda gaalada ay nabiga ku sheegeen in uu ilmo yar guursaday (child molesting) taas oo been abuur ah wuxuu nabiga aqal geeystay iyadoo qaan gaar ah oo caadada ku dhacday.
Waxuu kaloo yidhi waxaa loo fasiray si khaldan aayadda sheegeeyso tuugga in la jaro gacanta.oo gabi ahaanba ku in loola jeedo (qofkii si qarsoodi ah gacan u gooyo )ee (hadduu maal xado maalkii umbaa laga rabaa.) abdalla waa ka tuuray xadkii tuugada quraanka.
Waxaa kale oo tusaale usoo qaatay in ay istaagtay cilmi baaristii qarnigii 3aad sidaa darted axkaam badan ay qarsoontay sida qofkii dhiig lagu shubaa in lamid tahay nuugmada naaska caanaha(waa cusubtahay arrinkan).in loo maleeyay in aan fikrad cusub gadaal laga keeni Karin.
Khabiirka wuxuu leeyahay magacyada iyo tilmaamaha ilaahay marka laga reebo inta kale waa sahlantahay in la cusbooneeysiiyo maxaa yeelay waxay hoos imaanayaan labadii baab ee uu horay usheegay baabka xuquuqda iyo baabka tafsiirka oo sida caqliga waafaqsan loo fasiro casrigana lala socodsiiyo.
Wuxuu leeyahay daawada quraankay ku jirtaa marka nin waliba uu u fasiro sida uu rabo.khabiirkan tobanka sano baranayay diinta ma fahmin axaadiista nabiga scw in ay tahay mida fasireeyso quraanka kaddibna asaxaabadii nabiga kaddibna taabiciintii sideey u fahmeenna aan la khilaafi Karin.ijmaacana uu yahay booska saddexaad quraanka iyo xadiiska kaddib.Abdalla wuxuu ii soo qoray qoraalkaygii labaad kaddib oo uu ii sheegayo in uu qoray kitaab cusub oo dhaxalka ku saabsan.
Abdalla iyo raggiisa biyo dhacooda intaa cabdalla sheegay oo ah diinta in la cusbooniisiiyo si caqliyada gaalada loo waafajiyo si naloogu arko dad horumarsan oo la socda geeddi socodka ilbaxnimada.dhaqdhaqaaqa maandoon waxaa ku dhacay dubbaha galbeedka waana iska difaaci waayeen kaddibna waxay kusoo jeesteen diintii iyada wax lagu saxayay waxayna rabaan in diintala dabagaliyo aragtida ama fikirka reer galbeedka.
Abdalla waxaan rabaa in aan kuu sheego in diinta leedahay usuul iyo tiirar aan laga bixi Karin,islaamka Allah wuxuu ugu talagalay ilaa qiyaamaha waxaana kamid ah meelaha qaarkood lagu ijtihaadi karo sida waxa cusub ee yimaada xaggee la haleeshiinaa culimada joogtaana ku ijtihaadeeyso iyo naskuu waafaqsanyahay iyadoo aan laga dhex bixi Karin qawaacidda asaasiga ah ee diinta.sida cunugga dhalada lagu beeraa ma bannaanyahay mise ma bannaana iwm.
Culimada la yidhi diinteey cusbooneeysiiyaan ma aha in ay beddelaan ee waxay u nooleeyaan diintii laga tagay ku dhaqankeeda waxaad ka hadleeysana waa in la bedelo diinta Alle waana middeey ku gaaloobeen yahuudda iyo kiristaanka.
Abdalla xalka wuxuu u arkaa diinta lagu bedelayo in baabkasta laga qoro risaalooyin hufan(caqliga waafaqsan).In lagu qoro afka soomaaliga si dadweeynaha u fahmaan oo isbedelka ka yimaaddo gaar ahaan dhallinyarada maadaama dadkii cilmiga lahaa u bateen dad cilmiga ka carara.iyo in si xorriyad leh looga faraxasho madahaahibta iyo firqooyinka si fac madax bannaan loo helo oo waxay rabaan qoro.
Maandoon ma muslimiinaa??? Waa maya,waxay lamidyihiin ninkii labaatan sano jaamacadda azhar wax ka baranayay oo yurub la geeyay muddo labo sano oo yidhi
Laabaatankii sano oo azhar dhiganayay ma fahmin diinta waxaan diinta soo fahmay labadii sano ee aan yurub tagay ee ardayga uu u noqday mustashriqa.
Abdalla nooma sheegin tobankii sano yaa culimo u ahaa ee uu diinta baarayay???
Mise waa in laga xoroobaa culimo dadka diinta barta oo qofwaliba maskaxdiisa sideey u sheegto isagoo xor ah siduu rabo u fahmo siduu rabana u fasirto.maxaa yeelay culimo in la helo diinta laga qaato waa addonsi maskaxeed loona baahanyahay in dadka laga xoreeyo.mufakiriinta maandoon waxay sheegeen in dadka diinta loo cusbooneeysiiso oo iyaga raaciddooda addoonimo ma noqoneeysa miyaa?oo waxay rabaan in lagasoo tago fahamkii diinta iyo fasirkooda oo la raaco maandoon sida ay u aragto ama u fasirto quraanka.
Waxaan jeclahay gabagabada saddex article in aan idiin soo qoro si aad u fahamtaa kooxda MAANDOON ma muslinaa.

1- Asalka kooxaha muslinka: qore Ibrahim yusuf
(Haddaba geeridii Rasuulka ka dib in ay qabiilooyinkii carbeed badankoodu diinta ka noqdeen oo la gumaaday oo intoodii hadhay muslintay, wax ay ina hor keenaysaa wayddiinta ah: oo dadkaa sow ka ma ay buuxin dad ahaa saxaabadii Rasuulku? Haddii ay riddoobeen, ama kolkii hore munaafiqiin ahaayeen, ama la dilay, ama kol labaad qasab la gu soo muslimiyay, sidee loo odhan karaa saxaabadii Rasuulka oo dhami waa ay wada suubbanaayeen oo runlowyaal bay wada ahaayeen oo waxa ay yidhaahdeen oo dhan waa la qaadanayaa?)
Kaddib markuu si foolxun usoo qoray taariikhdii islaamka iyo dagaalladii ridada wuxuu kusoo hooriyay qoraalkaa hortiinna yaal.waxaa la isku raacsanyahay in asaxaabada caadiliin yihiin,runlow yaal ah ilaahna quraanka ku sheegay.dig iyo damta Ibrahim yoolkiisa waa halkaas asaxaabta in laga xoreeyo dadka si aanay maskaxda uga gumeeysan.
2- Wadaadada iyo diinta:jinkii bariiska xabadda ku darsaday qore cabdixakim dirie
(Weligaa ma isweydiisey diinta kooxahaan qaarna takoortay qaar kalena taabsatay? Marna maka fakertey cidda salafiyada siisey kaarka jannada lugu galo ama suufiyada looxu maxfuudka tustey? Ma kuu muuqataa tani iney tahay isbaaro soojireen ah oo macallimiin hore dhigteen?)
Kuwa kalena waa idiin soo qori doonaa inshallah.

W/Q Sheekh Dr Abdirahman Sheikh Cumar
Halgan.net

Safiirka Swedan iyo Agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya

Sat, 05/20/2017 - 19:51

Muqdisho:-Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Swedan Mikael Lindvall iyo Agaasimaha guud ee HSJ G/Sare Moxamed Adam Koofi ayaa kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho. Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimaha ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaliga ah.

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweyne Ku Xigeenka PL Eng. Cabdixakiim Xaaji Camey oo Qardho Ku Daah-furay Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Puntland.[Masawiro]

Sat, 05/20/2017 - 19:29

Qardho:-Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. C/xakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 20 May 2017 waxa uu safar shaqo ku tagay degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa xarunta maamulka Gobolka Karkaar ee degmada Qardho ku booqday guddiga tirakoobka shaqaalaha Dawladda Puntland oo beryihii u danbeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Qardho, waxayna guddigu uga warameen Madaxweyne ku xigeenka shaqadu sida ay u socoto iyo waxyaalaha u qabsoomay.

DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo Nairobi kula kulmay Beesha Caalamka.[Masawiro]

Sat, 05/20/2017 - 19:16

Nairobi:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ku-Xigeenkiisa Labaad Mudane Cabdalla Cawad. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay masuuliyiin kamid ah Beesha Caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay Qorshaha Guud ee Wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Sahacabka Mudane Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay ka dhaxeeyso wadashaqeyn wanaagsan kana go’antahay in Dastuurka la dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Wasaaradda ku amaantay kulamada wadatashiga ah ee maalmihii la soo dhaafay ay la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada waxa ayna ballanqaadeen in Wasaaraddu ku garab istaagi doonaan sidii Geedi-socdoka dib u eegista Dastuurka ee labada sanno ee soo socota uu si guul ah ugu soo dhamaan lahaa.

——-DHAMAAD——

Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Deeq Bixiyeyaasha Oo Shir Ku Yeeshay Nairobi [Masawiro]

Sat, 05/20/2017 - 01:28

Nairobi:-Hotelka Southern sun Mayfair ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka. Shirkan waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

—-DHAMMAAD—-

Masjid cusub oo Jaaliyada soomaaliyeed ay ka hirgelisay Magaalada Dallas ee Gobalka Tx.

Fri, 05/19/2017 - 00:05

Dallas :-Dhamaan Muslimiinta ku nool Magaalada Dallas ee Gobalka Tx iyo Nawaaxigeeda Waxaa lagu wargalinayaa looguna Bishaaraynayaa in maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 05/20/17,La furi doono Masajidkii ugu horeeyay ee ay soomaali ku yeelato Magaalada Dallas iyo guud ahaanba Gobalka Tx. Masjidka ayaa Waxaa munaasabadiisa furitaanka ka soo qayb galayo culimo nooga kala imaanayso magaalooyin kala duwan iyo qayb ka mid ah culimada Magaalada.

Wixii Farah Faahin dheeraad ah ka dheeho Iclaamka kor ku xusan.
Imaamka Masajidka Faruq.

Sheikh Ahmed Sulub.

Puntland oo heshiis la saxiixatay dowladda Kenya[Masawiro]

Fri, 05/19/2017 - 00:04

Nairobi:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Goleyaasha Dawladda ee Madaxtooyada Siyaad Xusseen Mursal, Guddoomiyaha Jamaacadda Puntland State University Maxamuud Shiikh Xaamud iyo saraakiil ka socota Xafiiska Xiriirka Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda (Puntland Capacity Injection Project-CIP) ayaa maalmahaan hawlo shaqo u jooga waddanka Kenya.

Ujeedka safarka wafdiga Puntland ayaa salka ku haya sidii ay Dawladda Puntland heshiis iskaashi dhinaca tababaradda shaqalaha ah ula soo saxiixato Dawladda Kenya gaar ahaan Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya (Kenya School of Government).

Heeshiiskan ayaa shaqaalaha Dawladda Puntland u ah fursad ay kor ugu qaadaan aqoontooda, gaar ahaan waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii maamulka sare ee hay’adaha dawladda oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha hay’adaha madaxa bannaana, agaasimayaasha guud, agaasime waxeedyada iyo madaxda kale ee Dawladda ay u heli lahaayeen fursad ay aqoontooda iyo xirfadooddaba ay kor u qaadaan (Executive Leadership Training).

Waftiga ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya waxayna kawada hadleen sidii loo tayayn lahaa korna loogu qaadilahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dawladda Puntland, sidoo kalena loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Kenya.

Madaxa Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Kenya Dr. Ludeki Chweya ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey wafdiga Puntland waxana uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay shaqaalaha Puntland ka caawiyaan dhinacyada tababarrada iyo tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha.

Gebagebadii kulanka ayay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen iyadoona dhanka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle halka dhinaca Kenyana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee mac-hadka tababarka dalkaasi Dr. Ludeki Chweya.

Ugu danbayntii, dhammaan heshiisyadani waxay gundhig u yihiin asaasidda Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Puntland oo ay ku hawlantahay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Puntland.

—Dhammaad—

Nadwo xalay ka bilaabatay Masjidka Jaamica ee magaalada Laascaanood (Masawiro)

Thu, 05/18/2017 - 16:59

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxaa xalay ka bilaawday nadwo Sharci oo Ku Saabsan Soo dhawayntaBisha Ramadaan waxaana ay nadwadu ka bilaabatay Masjid weyn ee Jaamica ee magaalada Laascaanood waxaana ay nadwadan socon doontaa mudo 4habeen ah.

Furitaanka Nadwada ayaa waxaa furay oo soo dhaweeyey dhamaan culumadii ka soo qeyb soo qeyb gashay Gudomiyaha Multaqaha Alfurqaan Sh Mowliid Cumar waxaa sidoo kale oo culumada soo dhaweeyey una mahad celiyey Suldaan Mustafe awseed oo kamida salaadinta Gobolka sool .
Ugu danbayntii Muxadirada Koobad oo ah hordhaca Nadwadan ayaa waxaa xalay jeediyey Sheekh Suldaan Yusuf Cabdi Cawed wuxuna kaga hadlay sida aan ugu diyaargaroobi lahayn bisha ramadaan ee fooda nagu soo heysa.

Al Karam Laascaanood
Halgan.net

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, dardargelinta fulinta qorshaha 90ka maalmood

Thu, 05/18/2017 - 16:28

Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka Al-Mukarama. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay labo baabuur oo qarax siday laga hortagey, ayna socdaan dadaalo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni-daro ka dhexfuliya bulshada dhexdooda.

Wasiirka Dhalinyarada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan xuskii maalinta dhalinyarada iyo aasaaska SYL ee 15ka May, waxeyna sheegtay in xafladu si heer sare ah u dhacday, tanoo dhiirigelin weyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa u mahadcelisey dhammaan intii suurtogelisay in xafladu u dhacdo sidii loogu talogalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga iyo sidii ay xukuumadu u gudan laheyd waajibaadka loo igmaday. Wasiirada ayaa ka warbixiyey sharciyada ay diyaariyeen oo dhowaan golaha wasiirada la horgeyn doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa golaha uga warbixiyey go’aanadii ka soo baxay shirka London ee 11kii May 2017 iyo baahida deg-dega ah ee loogu baahanyahay in dabagal joogta ah lagu sameeyo dhaqangelinta go’aanadaas. Golaha ayaa u mahadceliyey Dowladda UK oo shirkaas soo abaabushay iyadoo shirku uu ahaa mid ay Soomaali la tagtey ajandaha iyo qoryshaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada. Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa laga dhageystay warbixino la xiriiro shirarkii gaar-gaarka ahaa ee London ka dhacay inta uu shirka socday. Shirkan London ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore oo Madaxweynaha Soomaaaliya Mudane Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo cod iyo aragti mideysan ku tagay shirka, tanoo caalamku aad u ammaanay. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya iyo Caalamka ay wada fuliyaan go’aanada ka soo baxayo iyadoo la isla xisaabtamayo.

Wasiirka Waxbarashada ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirada ku aadan imtixaanka Dugsiyada Sare oo maalinta Sabtiga 20ka May ka bilaaban doona 77 xarumood ee Dowlad Goboleedyada GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho ee Gobolka Benadir oo 23,000 ardey ay u fariisanayaan imtixaanaadkaas.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimada nadaafada, sheegeyna in loo baahanyahay mas’uuliyiinta dalka inay door hoggaamineed ka qaateen si bulshada loogu horseedo inay bilicda dalkooda hagaajistaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dalka inay waqtigooda u hurayaan inay waddooyinka nadiifiyaan bishiiba mar. Golaha Wasiirada ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo la yimid hinsidaha soo celinta bilicda caasimada Muqdisho.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho.[Masawiro]

Wed, 05/17/2017 - 22:30

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Pages