News From Halgan Net

Subscribe to News From Halgan Net feed
Somali News
Updated: 1 hour 30 min ago

Sh.Mukhtaar Roobow ”Kuwa shacabka ku laayey is goyka Zoobe wax ay fahmayaan waa luqada Rasaasta”[ Video]

Mon, 10/16/2017 - 22:28

Muqdisho:-Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-shabaab noqdayna ku xigeenka iyo afhayeenka Al-shabaab ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda iyo Tv-ga SNTV waxaa wax laga wiidiyey sidda uu bal u arko qaraxii khasaaro badan geystay ee ka dhacay is goyska Zoobe iyo wax uu yahay xalka lagu joojin karo qaraxyada lagu laayo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee muslinka ee aan waxba galabsan.

Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan iskugu gurmadeen waxaan uu mahad baladhan u soo jeediyey dowladda Turkiga oo gar gaarkii ugu horeeyey soo gaarsiisay dadkii shacabka ahaa ee dhaawac yada culus uu ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay is goyska Zoobe.

Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ugu baaqay dhalinyarad in ay ka fogaadaan in dadka Soomaaliyeed ee Muslinka ah ay dhiigooda xalaashadaan ayna ka soo laabtaan fikriga guracan ee lagu laynayo shacabka Soomaaliyeed inta ay hadda weli nool yihiiin oo aysan u imaan geerida.

Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku booriyey in culimada Soomaaliyeed in ay u dhiiradaan sidda culimada qaarkooda ay uga hadleen in aysan banaanayn in dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslinka ah la xalaashado waxaan uu bogaadiyey culimada Soomaaliyeed ee sidda kulul uga hadashay qaraxii ka dhacay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbayntii ayaa Sh.Mukhtaar Roobow waxaa ku baaqay in la iska dhiciyo kuwa shacabkii Soomaaliyeed sidaas ugu laayey is goyska Zoobe ee Muqdisho ayna Midoobaan kana fogaadaan khilaafka dhexdooda ah cadawgaasna wax kaliya oo ay fahmi karaan waa luqada rasaasta.

Hoos ka Daawo waraysi uu SNTV la yeeshay Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur

A/cawaale
Halgan.net

Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka hadlay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe.[Daawo Video]

Mon, 10/16/2017 - 17:34

Muqdisho:Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab noqdayna ku xigeenka iyo afhayeenka Al-shabaab ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta GurmadQaran ee Magaalada Muqdisho xili uu dhiigiisa uu bixinayey waxaan uu si kulul u canbaareeyey qaraxiiwuxuushnimada ahaa ee lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay qaraxyo dhiig badan oo dad shacab ah ku daatay ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya waxaan uu xusay qaraxyadii Shaamo iyo Hargaha iyo saamaha isagoo sheegay in uu kala hadlay al-shabab in la joojiyo qaraxyada dadka shacabka ah lagu laynayo balse aysan warkiisa yeelin.

Sh. Mukhtaar Roobow ayaa ugu baaqay Al-shabaab gaar ahan dhalinyarada in aan guul lagu gaarayn dilalka iyo qaraxyada dadka muslinka loona baahan yahay inta ay goorgoor tahay in ay ka toobad keenaan ficilkaas guracan oo aan lagu galaynin Janada balse lagu mutahaysanyo Naarta.
Sh. Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in uu isagaba toobada keenay loona baahan yahay qof walba inta aysan u iman geeridu in uu isdabaqabto oo uu ka waantoobo dilka iyo qaraxyada dadka muslinka ah ee aan waxba galabsan.

Sh. Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa intii uu ka mid ahaa ururka Al-shabaab waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay dilal lagu fuliyey culimo waaweyn oo Soomaali ah oo aan ka xusi karno Sh Maxamed Tahlii , Sh Dr Axmed Xaaji Abdirahmaan iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo kuwa kale. Sh. Mukhtaar Roobow ayaa waxaa kale oo intii uu ka mid ahaa Al-shabaab dalka ka dhacay qaraxyo waaweyn walow waqtigaas uusan la hadal saxaafaddana uusan ka cadaysan mowqifkiisa maanta oo kale.

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Sh. Mukhtaar Roobow Abu Mansuur uu uga hadlay qaraxii is goyska Zoobe


A/cawaale
Halgan.net

Madaxweyne Farmaajo “waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday”

Mon, 10/16/2017 - 17:33

Muqdisho, 16 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe. Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga guddoomay Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah oo bayaan ka soo saaray qaraxii ka dhacay Muqdisho

Mon, 10/16/2017 - 14:04

Muqdisho:-Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu uga tacsiyaynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, musiibadii naxdinta lahayd ee ka dhacaday Sabtidi 24/muxaram/1439, 14/10/2017 Magaalada Moqdisho. Waxaanu Alle uga baryayaa naxariistii Janno inuu ka waraabiyo intii dhimatay cafiimaadna siiyo inta uu dhaawacu soo gaadhay. 2- Ururka Al-Ictisaam waxaa uu cambaaraynaya falka argagaxiso, iyo gumaadka loo gaystay shacabka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Moqdisho, waxaanay ugu baaqaya Ganacsatada, madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhamaan haldoorka umadda soomaaliyeed in ay gutaan kaalintooda kaga aadan arintan meel na looga soo wada jeesto cadawga.

Hoos ka Akhriso bayaanka ay qaraxii is gosyska Zoobe ka soo saareen Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah
Bayaan 16-10-2017

A/cawaale
Halgan.net

Wasiirka caafimaadka dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho[Masawiro]

Mon, 10/16/2017 - 12:07

Muqdisho:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho e caasimada dalka Somaaliya wafdi u hogaaminayo wasiirka caafimaadka ee dowladda Turkiga, Wafdigaan ayaa waxa la socda dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyaa doonaya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan shacabkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay qaraxii ka dhacay Is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga oo warbaahinta kuala hadlay markii u ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa xusay in uu aad uga xun yahay khasaarihii dhimasho iyo dhawac ee gaaray shacabka Soomaaliyeed waxaan uu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Wafdiga Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde e magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha dibada Yusuf Garaad iyo Xildhbaano ka tirsan golaha wakiilada ee Soomaaliya.

[See image gallery at halgan.net]

Dhinac kale Dowladda Turkiga ayaa diyaarada khaas ah u soo dirtay dadkii qabay dhaawac yada culus waxaan loo qaaday dalka Turkiga halkaas oo lagu soo daweyn doono. Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horaysay oo gargaar deg deg ah la soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee ay arxan laawayaashu ku xasuuqeen Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

A/cawaale
Halgan.net

Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Mon, 10/16/2017 - 12:06

Boosaaso:-Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-119 October, 15, 2017, Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta taliyaha ciidanka Madaxtooyada.

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa G/le Xasan Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Shaacisay Qasaaraha Nafeed ee qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe

Mon, 10/16/2017 - 12:06

Muqdisho:-Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

 Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

Waxii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiineynaa.

DHAMAAD

Tacsi tiiraayo leh Qaraxii ka dhacay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

Mon, 10/16/2017 - 12:05

Dubia:-Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii eheladooda ku dhintey Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee arxanlaawiyaasha oo shalay xasuuqa ugu geeysteen cadawga Magaalada moqdishu gaarahaan aga gaarka Zoobe KM5, kaasoo ku nafwaayay boqolaal Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuna dhawaceen boqolaalkale, wuxuu ahaa fal argagax badan kana fog diinteena suuban iyo damiirka bani adanimo, waxaan ilaaheey uga baryeeynaa intii dhimatey in janadiisa fardawsa ilaaheey kawarabiyo intii dhaawacanteyna ilaaheey siiyo Caafimaad deg deg ah.

Allah u naxariistee Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan masiibadaasi qaran, ayaa waxaan laqeybsaneeynaa xanuunka iyo damqashada umadda soomaaliyeed ilaaheeyna waxaan uga baryeynaa in uu naxariistiisa jano kawaraabiyo, qabrigoodana waasac uga dhigo intii ku dhimatey, qoysas kii ehelladooda iyo asxaabtii ay ku waxyeeloobeena samir iyo iimaan ka siiyo intii dhawac ahna ilaaheey boqsiiyo.

– Aamiin.

Embassy of Federal Republic of Somalia in U.A.E.

Address: Villa No.240,Al Khaleej Alarabi Street

Khalidiya Area, Behind Japan  oil Company

Po.Box. No. 4155

Abu Dhabi – United Arab Emirates

Tel  : +971- 26669700

Fax  : +971- 26651580

Email: abudhabiembassy@mfa.gov.so

 

Culimada Soomaliyeed ee ku nool Garowe oo si kulul uga hadlay Qaraxii ka dhacay Is-goyska Soobe ee Muqdisho[Video]

Sun, 10/15/2017 - 22:39

Garoowe:-Culimada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Garowe ayaa si kulul uga hadlay Qarixii Kadhacay Muqdisho Gaar ahaan Isgoyska Soobe. Sh Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa waxaa u tacsi u diray Shacabki Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaa eheladii qoysaskooda lagu laayey qaraxii foosha xumaa ee lagu gumaaday dad shacab ah oo ku sugnaa goobahooda ganacsiga. Sh Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo shacabka Puntland in ay gar gaar deg deg ah u fidiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay qaraxii ka dhacay shalay Is goyska Soob ee magaalada Muqdisho.

Culimada kale ee Masjidka Al-hudaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Dalmar Iyo Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax waxaan ay ku tilmaameen falkii lagu laayey shacabka Soomaaliyeed uu yahay mid Alle ka fogaansho ah wax qiil ahna oo looga helaynin diinta Islaamka.

Hoos ka Daawo Culimada Soomaliyeed ee ku nool Garowe oo si kulul uga hadlay Qarixii ka dhacay Is-goyska Soobe ee Muqdisho

M_M_Deeq
Halgan.net

Banaanbax galabta ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeedo Gumaadkii ka dhacay Zoobe (Masawiro)

Sun, 10/15/2017 - 21:56

Waxaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo gumaadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Zoope waxaana qaraxa ku dhintay in ka badan 240 qof halka dhaawaca uu dhaafay 300 qof. Dadweynaha banaanbaxa sameynayey ayaa waxay u badnaayeen dhalinyaro iyo dumar waxayna socdka ka soo bilaabeen Taalada Daljirka Dahsoon gelinkii dambe ee maanta waxayna ay socod ku yimaadeen Garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Studium ee degmada C/Casiis.

[See image gallery at halgan.net]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo khudbad dheer u jeediyay dadkii banaanbaxa dhigaayay wuxuuna shacabka ugu baaqay in si wadajir ah loo caawiyo dadka dhaawaca ah ee buux dhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho .Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa codsi u diray shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay in muuqaalada iyo Masawirada laga daayo baraha bulshada ku wada xiriirto.

A/Cawale
Halgan.net

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan kulul ka soo saartay Gumaadkii Isgoyska Zope(Akhriso+Video)

Sun, 10/15/2017 - 20:29

Muqdisho:-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka tacsi u dirtay dhammaan ummadda Soomaaliyeed xukuumad iyo shacab musiibadii qaran ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, ka dib markii qarax lagu gumaaday shacab gaaraya boqolaal.

Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Nuqul ka mid ah Bayaan tacsi ah oo ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed  hoos ka eeg.

[See image gallery at halgan.net]


Halgan.net

Muqdisho

Dhibaatada Soomaaliyeed waxaa kow ka ah Qabyaalada Sh Dr Cabdinuur Maxamed (Daawo)

Sun, 10/15/2017 - 20:11

Waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaro qiimo badan oo uu Sheekh Dr Cabdi Nuur Maxamed Maxamuud ka jeediyey mutmarka dhalinyarada ee jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiya.

Sheekh Dr Cabdinuur Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu aad uga hadlay dhibaatada ragaadisay shacabka Soomaaliyeed taas oo u diiday dowlad iyo nabad toona waana cudurka qabyaalada . waxaana shacabka Soomaaliyeed waano ugu filan qaraxii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Hoos ka Daawo Muxaadarada Dhibaatooyinka Qabyaalada u geystay Umada SoomaaliyeedSh Dr Cabdinuur Maxamed Maxamuud Xafidahulaah.

Halgan.net
Turkiya

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”[Masawiro]

Sun, 10/15/2017 - 18:25

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

[See image gallery at halgan.net]

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Madaxweynaha Jubbaland oo tacsi u diray Shacabii lagu gumaaday Muqdisho (Video)

Sun, 10/15/2017 - 17:56

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas lagu gumaaday boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay madaxada DFS iyo dhamaan siyaasiyiinta dalka in loo soo jeesto sugitaanka amniga iyo la dagaalka kooxda caadeystay Gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa is weydiiyay cidda la xukumi doono haddii shacabka maalin walbo la gumaado oo qaraxyadu ay sidaan u sii socdaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii Isgoyska Zope wuxuuna caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmay.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe )oo ka tacsiyeeyey Musiibadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cabdi Yare
Kismaayo

Guddoonka Aqalka sare falkani dhacay waa mid aan loo dulqaadan karin (Masawiro+Video)

Sun, 10/15/2017 - 17:33

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa booqday isbitaalka Madiina si uu tacsida iyo dhibaatadii dhacday ula qaybsado shacabka Soomaaliyeed.

Markii uu gaaray Isbitaalka Madiina waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ka dib wuxuu socod ku maray qeybaha isbitalka uu ka kooban yahay,isagoo u kuur galayay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soo gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqey in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka iyo gumaadka ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab bulshada.

“Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ayaa yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay mashaqadii dhacday,Arintani waa mid aan loo dulqaadan Karin,waxaan ugu baaqayaa shacabku in ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii looga hortagi lahaa dhagaraha Shabaab.

[See image gallery at halgan.net]

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa gaaraya boqolaal,waxaana weli meydad la garan la’yahay ay yaaliin isbitaalada magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku booqdeen mas’uuliyiin kaladuwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya,inta badan waxaa lagu guuleystay in nadaafad laga waday goobtii mashaqadu ay ka dhacday,waxaana jirta in dad nool oo dhismayaal ay ku soo dumeen laga heley halkaasi.


Xigasho SONNA
Halgan.net

Maamulka Galmudug oo ka tacsiyeeyey Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe.(Akhriso)

Sun, 10/15/2017 - 16:44

Cadaado:-Maamulka Galmudug ayaa si kulul u cambaareereyey xasuuqii shalay loo geystay dadka shacabka ahaa ee ku sugnaa Isgoyska Zoobe waxayna tacsi u direen ehelada Dadkii ku dhintay qaraxa .

Hoos ka Akhriso Maamulka Galmudug oo Tacsi u diray dadkii lagu gumaaday Isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

[See image gallery at halgan.net]

M_M Deeq
Halgan.net

Turkiga oo Gargaar Direya Iyo Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxii Muqdisho

Sun, 10/15/2017 - 15:52

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay dadka rayidka ah lagu laayay, waxaanay tacsi u dirtay dowladda, shacabka, ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibraahim Galen ayaa sheegay in Madaxweyne Rajab tayeb Erdogan uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya loogu diro diyaarad Milatari oo sidda agab caafimaad iyo dawaba, si wax loogu qabto dadka boqollaalka ah ee uu dhaawacu kasoo gaaray qaraxii ugu dhiigga badnaa ee Muqdisho ka dhaca.

Sidoo kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarkaasi ay ku baxeen 10-naanka ruux ee rayidka ah.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul-gheyd ayaa tacsi u diray ehellada dadkii weerarkaasi ku nafwaayay, isagoo soo cusbooneysiiyay ballanqaadkii Jaamacadda Carabta ee ku aaddanaa ka-taageeridda dowladda Soomaaliya dhinaca la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Dhinaca kale, Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa si kulul u cambaareysey qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska wakiilka QM Soomaaliya u qaabilsan ayaa lagu sheegay inhay’addu ay si weyn u cambaareynayso falkaasi oo ay mid “bahalnimo” ah ku sheegtay, xustanya in ay kooxda Alshabaab ay ka dambeysay

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkaasi ay boqollaalka ruux ku wax-yeelloobeen, ee shalay Muqdisho ka dhacay, waxaanay sheegtay in tacsi xanuun badan ay u direyso ehellada dadkii ku wax yeelloobay.

Mareykanku waxa uu amaanay kaalinta uu “Geesinimada” ku sheegay ee ay u gurmadka dadkii wax yeelloobay ka geysteen ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee u soo baxay sidii ay u caawin lahaayeen dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Warkan ayaa lagu yiri “Weerarrada noocan ah ee fuleynimadu ay ka muuqato waxa ay firfircooni gelinayaan kaalintii uu Mareykanku ku caawinayay xulafadiisa Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ee ku aaddaneyn u xididdo siibka kooxda Alshabaab”

Sidoo kale, Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lahjad kulul ku cambaareeyay dhacdadaasi argagaxa leh, waxaanu ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay.

VOA Somalia
Halgan.net

Madaxweynaha Puntland oo Magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Sun, 10/15/2017 - 15:40

Boosaaso:-Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:                                               

  1. Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddi u saaray Qaraxii Isgoyska Zoobe (Masawiro)

Sun, 10/15/2017 - 15:30

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibraahim Isaaq Yarow W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

[See image gallery at halgan.net]

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca ku booqday Isbitaallada Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoona dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

—— Dhamaaad—

Madaxweynaha DFS oo Booqday Isgoysa Zope iyo Isbitaalada Madiina iyo Digfeer(Masawiro)

Sun, 10/15/2017 - 15:17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho. 

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruuta, haweenka, dhalinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda ay le-egtahay khasaarada iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa wadada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, wadadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

[See image gallery at halgan.net]

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

—-Dhamaaad—–

Pages